SOOMAALI BAAN AHAY: DIIDAY JAMHUURIYADDA BEELAYSIGA EE SOOMAALIYA  

 

Waxaa laga yaaba intiina badan markaad aragataan magaca horu dhaca u ah qormada in aad yaabtaan, balse dhabtu waxay tahay dowlada maanta aan haysano waa sidaas, federaalka aan haysano wuxuu ka turjimayaa uun beelaysi, in beel walba dowlad yar ay yeelato oo madaxweyne iyo wasiiro magacaabato, waxaana kuu caddaynaya, maanta looma baahna in la weydiiyo qof beeshee u dhalatay, balse markii uu yiraahdo maamul hebel baan ka imid si qumaatiya wuxuu kuugu sheegay beesha uu yahay ee maamulkaas dhisatay ama beeelaha dhistay maamulka tan ugu awoodo roon, waa wanaagasan tahay in yaa tahay laga gudbo, balse waxaa ka sii xun in loo gudbo beelaysi siyaasadaynsan, beelaysi hubaysan oo kii shalay ka awood badan, kana dhaqaale badan, waayo dhowlada dhexe ayaa lacag siin, canshuur bay qaadayaan, adduunkaa deeq siinaya, beelo awood leh oo sidii hore ka kibir badan Ayaan ka dhxal nay federaalka.

 

Aniga aragtidayda habka federaalku waa habkii ugu wanaagsanaa ee nala ku bur burin lahaa, cid alle ciddii noo keentay na dan soomaali kama talin ee waxay ka taliyeen baaba’ soomaali, kuwii ku raacayna dhuuntooda iyo calooshooda ayay la tashteen, haddii daacad jirto waxay ahayd in markii horeba la is weydiiyo war dadkaan federal ma noqon karaan? Yaase federal ku dhaqma? Federal waxaa loogu tala galay dad kala dhalasho duwan ama kala fir duwan, kala af duwan, kala dhaqan duwan, kala diin duwan, si loo helo dowlad dhexe oo isku haysa oo isir walba xubin ka yahay baarlamankooda oo xildhibaandaas ay wakiil ka yihiin isirkii soo dirsaday, sida itoobiya, ee cafar, soomaali, oromo, iwm.

Soomaaliya waxaan leenahay hal af, hal diin, hal dhaqan, hal fir oon ka soo jeedno, aan is weydiino xildhibaanda ka yimid maamul godoleedyada ee baarlamanka fadhiya yay matalaan?  Runtu waxay tahay reer hebel ayay matalaan ee soomaali ma matalaan, xildhibaan walba dan reerkiisa ayuu u joogaa, oo xataa shaqo kuma leh danta beelaha kale ee ay isku maamulka yihiin.

Waxaad aragtaa in xildhibaanka soomaali ee fadhiya baarlamaanka itoobiya uu u doodo danta soomaalida itoobiya dagta, oo xataa mar mar danta soomaaliyeed ee guud ay dhici karto in uu u doodo, isla markaasna aad arkaysid in dad leeyihiin ninkaas waa itoobiyaan shaqo soomaali kuma leh, maxaa arrimaheena galiyayay, runtuse waxay tahay anaga qofkii danta dad soomaali u dooda ama raadiya ayaa soomaali noo ah, hadduu rabo dowlada shiinaha ha ka tirsanaadee, soomaali waa qofkii danta guud ee soomaali eega, ee kan danta beeshiisa uun eegayaa soomaali maahan, ugu yaraan aniga ilama ahan, iimana sinna kan xamar fadhiya ee beeshiisa u doodaya iyo kana adis ababa fadhiya ee dan dad soomaaliyeed oo beel walba leh u qaylinaya.

 

Dhibaatooyinka aan ka dhaxalnay federaalka waa badan yihiin, soomaali diidmo ayaa ugu horeysa iyo soomaali kala qaybin, tusaale, dadyowga jooga qurbaha ciday rabaan ha noqdaane waxay leeyihiin jaaliyad magaca dalka iyo dadka sidata, annga waxaad ku arkaysaa qurbaha, hal dal gudihiis oo dhowr jaaliyad oo soomaali ah ka furan tahay, oo mid walba isku magacowday maamul goboleed, sida jaaliyada soomaalida Galmudug, puntlan, w galbeed, jubba, hir shabeelle, soomaaliland, sii wad, jaaliyadii aan magac maamul si bareera u qaadanna si dadban ayay u tahay, marka war meeqa soomaali ayaa jirta? Meeqa dal oo soomaaliya ayaa jira? Dhabtu waah hal soomaali ayaa jirta balse la jar jarayo, si 100 gu’ ka dib loo helo shan ama lix ama ka badan oo dowladood oo mid walba dowlad gaar ah tahay, halkaas uu ku dhmaado magacii soomaaliya ee kumaan kunka gu’ soo jiray.

Waxaa kaaga sii daran maamul kasta dal qalaad ayuu hoos tagaa oo u shaqeeyaa, waxaana kuu caddayn kara, maamul goboleed kasta wuxuu u roorayaa in uu asagu raad ku yeesho siyaasadii dibada, dhaqaalhii, iyo howl walbaoo gaar u ah dowlada dhexe, waana ognahay oo waana ka aragnaa dowladaha federaalka ku dhaqma in goboladu wax hadal ah aysan ku lahayn, siyaasada dibadda, dhaqaalaha, lacagata, barqaadada, doorashada,  iwm, marka kuweena maxaa u diiday in ay raacaan jidkaas federal leeyhay oo ay har iyo habeen la qaylinayaan waxaysan shaqo ku lahayn? Jawaabta weydiintaani waa fududahay, waana, dalal aan daganaashadeena doonayan iyo isku duubnideena ayaa gadaal ka soo riixaya, bur burkeena kuwa raba, kuwa doonaya in ay si dadban noo gumaystaan.

Balse waxaan u sheegaynaa dalalkaas, soomaali ayaa nala yiraahdaa, idinka oo jirin Ayaan jirnay, markaan horumarka iyo ilbaxnimada lahayn anagu duur joog ayaad ahaydeen, qaarkiin annagaaba quudin jirnay oo sooyaalkayb ku taal, kuwa u adeegana waxaan leenahay, soomaalinnimadu calooshiina iyo dhuuntiinna ka weyn, karaamada iyo sharafta soomaali na kursigaad fadhidaan ka ballaaran.

Kufniin hadda nooguma horreyso, dhowr kun oo gu’ in nala kufiyo ayaa la isku dayay haddan soomaali nahay, haddaan kufnana waan ka kacaynay, maantana waan ka kacaynaa waana sara joogsan doonaa.

soomaali baan ahay nin i ganay iyo mid i galladay waan kala aqaan, soomaali baan ahay dad alle uumo anaa ugu horeeyay, anaana ugu danbayn, anaana ugu sareeyay, anigaana ugu sarayn, federaalna diiday, soomaali isku duuban wax ka yar ima qanciyaan.  

 

Qore:

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply