ujeedadeyada waxa ay ahayd in aan ku barbaariyo xoriyad iyo madax bdanaani iyo jawi shaki ku dhisan marwaliba waxa aan ugu bishaarayn jiray mustaqbal wanaagsan waxa aan ku aamini jiray baraarugsanaan iyo kalsooni marmarka qaarkood waxa aan u sheegi jiray riyo been ah waxa aan ku iri
waxa aan xalay riyo ku arkay: (Rasuulka illaahay isaga oo kursi ku fadhiya dad culima ah ayaa hareerihiisa fadhiayay balse ruux kama garanayn kadib adiga ayaa soo galay nabiga ayaa kuu istaagay asagoo ku waynaynaya labada indhood dhexdooda ayuu kaa dhunkaday
waxa uu kugu yiri adiga isku magac ayaan nahay jismigayga ayaa dhex gashay booskeyga ayaa taagantahay xagga maamulka,arrimaha diinta iyo aduunyada waxa aad tiri Allahu Tacaalaa rasuul kiisiyaw waxa aan kaa codsanayaa in ay dadku qaataan cilmigaaga
rasuulku waxa uu kugu yiri habaqin), adiga ayaa cidwaliba kasareeya, ma waxa aad ii sheegaysid, aniguna waxa aan ugu jawaabay haa waa run ee habeensan warkeyga ilaa ay arintaas ka dhaadhacday waxa aan umalaynayaa in uu go’aansaday laga bilaabo maalintaas ayada ah in uu is muujiiyo oo dhidabada utaago madhab cusub iyo firqo
[16] [dhab ahaantiin waxaa lagu dabacay madbacada “ofesti” kitaabka la yiraahdo (alfajru alsaadiq) oo horayna loogu dabacay Masar (1323 hijri) ( 1905 miladi) oo uu alifay ( pro. Jamiil sidqii azahaawi ee ka soo jeeda Baqdaad) ee u dhashay ciraaq markuu ka dhigi jiray caqiidooyinka daarulul funuun ee ku talay istanbuul oo dhintay sanadkii (1354 hijri) (1936 miiladi)
wuxuuna oranayaa (waxaa kenay fikrada khaldan ee wahaabiyada maxamed cabdi wahaab sannadkii 1150 hijriga 1737 miiladiga wuxuuna ku aas asay mandiqada najdi, wuxuuna dhashay (1111 hijri) (1699 miilaadi) wuxuuna dhintay sannadka (1207 hijri) (1792 miladi)
waxaana faafiyey wahaabiyada maxamed binu sucuud oo ahaa amiirkii magaalada “dirciya “ kadib markii uu daadiyey dhiig muslin oo badan waxayna u bixiyeen musliminta aaan wahaabiyada ahayn “mushrikiin”
Wahaabiyiinta, Muslimiinta waa dad nacas ah oo aan diin lahayn oo dhibaato badan, (Kiyamet iyo Aakiret) ayaawaqti hore lagu qorey. waxayna yiraahdeen waxay gaalo ahayeen lix boqol oo sano wayna dileen qofkasta oo aan aqbalin diinta wahaabiyada
waxayna dhaceen hantidoodii I yagoo ka dhiganayaa qaniimo, nabi muxamedna waxay ku yiraahdeen erayo fool xun oo aan ku habonayn nabigeena (calayhı salaatu wassaalam), waxayna gubeen kutubtii fiqiga iyo axaadiista iyo tafaasiirta,
quraankana waxay ku fariseen sida ay la noqoto aragtidooda khaldan, si ay muslimiinta u kadiyaana waxay sheegteen inay haystaan mad habka xanbaliga, arintuse waxay tahay culumada xanbaliyada in badan oo kamid ah way radiyeen wahaabiyada
waxayna ku sheggen fasaadkooda kutubtooda dhexdooda waxayna qireen inay ku gaaloobeen xaranta ay xalaalsadeen iyo liidida ay lidayaan nabiyada iyo awliyada Allahu Tacaalaa. diinta wahaabiyada waxaa aas aas u ah tobban qodob
- In jiritaanka Allahu tacaalaa uu yahay mid maadi ah oo gacmo iyo waji iyo jihooyin leh [caqidadaas waxay ka shabahaan caqidada masiixiga (Aabe, Wiil iyo Ruxul qudus ayey rumeysanyihiin sida wahaabiyiinta oo kale).
2-Qur’aanka waxay ku fasiraan sida ay la noqoto aragtidooda gaarka ah ee khaldan
3- In ay inkiraan asxaabtu waxay sheegeen
4- Inay inkiraan waxay culumadu cadeeyeen
5- In la gaalaysiiyo qofkii haystaa afarta mad hab midkood
6- In la galaysiiyo qof kasta oo aan wahaabi ahayn
7- Shegashada ay sheegteen qof kasta oo nabiga ku tawasula ama owliyada markuu ducaysanayo inuu gaal yahay
8- Xarimida siyarada qabriga nabiga (Calayhı Salaatu Wassalaam) iyo qabuurta awliyada
9- Waxay sheegteen in qofkii alle qayrkiis ku dhaarta inuu gaal yahay 10- Waxay oranayaan qofkii ku u sharda ilahay qayrkiis ama xoolo u qala sadaqa awliyada waa gaal
kitaabkaygaan baana ku cadayn doona inay caqidadoodu baadil tahay). Hadii la fiiriyo aas aaskaan tobanka ah ee diinta waahabiyada waxaa ladareemayaa inay yihiin culumadii uu u meeriyey “Hanfari” maxamed cabdi wahaab ingiriiskuna wuxuu u faahiyey qirishooyinka hanfari
siduu xayeysiin ugu sameeyo kirishtanka culuumta islaankana uu u qoro qaab khaldan si uu u marin habaabaiyo dhalin yarada msulimiinta ah, anaguse waxaan u faafinaynaa kitaabkaan si aanu u saxno beenaha ay faafiyeen si loogu badbaadiyo hagar damada Ingiriiska.]
FasaLKa shanaad
Isla maalmahaas ayaa amaro waxa ay iga imaadeen magaalada landan in aan aado magaalada (Karbala) iyo (najaf) oo ahaa xarumaha muslimiinta shiicada ah waxa aan ahaa mid ku qasban in aan kala tagno aniga iyo Muxamed Cabdi Wahaab iyo in aan fara galiyo magaalada Basra in kasto oo aad ugu faraxsanaa sida aan ugu guulaysto
ninkii dhaqanka xumaa oo jaahilka ahaa in uu aasaaso mustaqbalka firqo oo burburiso Islaamka iyadoo huwan shaarka Islaamka waxa aan u diyaariyay firqadaan caqiidooyin khaldan oo aan sal iyo raad midna ku lahayn Islaamka
hadii aan ka hadalno magaalada (Kufa) waxa bilaabatay maalintii la aasay Cali Binu Abii Dhaalib oo ahaa khaliifkii afaraad sida ay aamisan yihiin ahlu sunaha balse Shiicadu waxaay aaminsantahay in uu yahay khaliifkii kowaad ee muslimiinta, waxa uu ninka lugeeynayaa uu ukala socdaa halsaac.
Magaalada Kufa oo xarun u aheed Khilaafadii Cali, markii ladilay Cali waxaa aasay labadiisii wiil Xasan iyo Xuseen waxa ay ku aaseen duleedka magaalada Kufa oo hada loo yaqaano Najaf,
xiligaa ayaa waxaa bilaawday in lamagaaleeyo waxaana bur burtay magaaladii Kufa kadibna waxaa la isugu soo ururay magaalda Najaf waxa isugu yimid culimo badan waxa laga dhisay guryo, suuqaq iyo malcaamado waxa lageen jiray ismaamulka Istanbul in ay taageeraan waxa keenay dhowr waxyaalood:
1- Xukuumada shiicada ah ee ka dhisan Faaris waxa aytaageeri jirtay shiicada degan magaalda Najaf maamulka Khaliifadii Cusmaniyiinta hadii uu soo fara gashado waxa xumaan jiray xiriirka ka dhexeeya labada maamul mararka qaarkood waxa dhex mari jiray dagaalo.
2- Beelaha degan hareeraha magaalda Najaf badankooduwaxa ay taageeri jireen ayna ahaayeen beelo hubeesan in kasto oo aysan uhubeysneyn si heersara ah maamul iyo kala dadnbeyn malahayn is abaabul beeleed mooyee hase ahaatee beelaha iyo Khilaafada waxa dhexmaray dagoolo ba’an oo lagu hoobtay.
3 Shiicda degan Najaf waxa ay saldhig u ahaa yeendhamaan muslimiinta Shiicada ee ku kala sugan daafaha caalmka sida Shiicada degan Hindiya iyo qaarada Afrika hadii ay xukuumadu fara galiso Shiicada Najaf waxa ka banaan bixi jiray dhamaan Shiicada kala degan dhamaan daafaha caalamka,
- hadii aan ka hadalno magaalada Karbala waxa ay bilaabatay xilligii uu ku shahiiday Xuseen Binu Cali (Radıyallahu Canhu) oo ahaa Faaduma Binta Rasuulilaah (Calayhi Salaatu Wassalaam),
wiilkeeda waxa u yeeray Xuseen Binu Cali(Radiyallahu Canhu) reer Ciraaq in uu kaasoo kasoo kaco Madiina si ay uga dhiktaan madaxwayne markii uu soo gaaray asaga iyo shiikhiisii Karbala waxa ballantii ka baxay reer Ciraaq Yaziid Binu Mucaawiya oo ahaa khaliifkii mu’miniinta oo daganaa wadanka Shaam ayaa
waxa uu amar ku bixiyay in lasoo qabto Xuseen Binu Cali, Xuseen Binu Cali waa dagaalamay asaga iyo ehliyadiisii waxa uu la dagaalamay ciidankii Umawiyiinta ee faraha badnaa Xuseen Binu Cali iyo ehelkiisii waa lalaayay goobtiina waalaga qabsaday
waxa dagaalkii ku gacan sareeyay ciidankii Umawiyiinta laga soo bilaaba waqtigaa iyada Shiicadu waxa ay xarun ruuxi ka sameysteen meeshii lagu dilay Xuseen Binu Cali waxa ay sanad kasta uga yimaadan daafaha caalamka waxa ay sameeyeen sanad guurooyin aad uwaaween
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply