NSS- BASAASKII DHIIF Q-3

 

”mudane dan jire, maahan in layga mahad celiyo arrintaan oo kale, waayo xil I saarnaa ayaan ka soo baxay, qof kasta oo soomaaliyana xil ayaa ka sraan dhowrida iyo sugida nabada iyo xasiloonida dalka”

Dan jirihii aad ayuu ugu farxay dadnimada iyo dal jacaylka ku jira inankaan yar oo aan labaatankii gu’ wax u wehlin, waana is gacan qaadaan oo Ereg soo tagay.

Durbadiiba danjirihii wuxuu la xariiray xamar oo u sheegay tuhunkii inanka dhallin yarada ah soo gudbiyay, gabalkuna ma dhicin markii sirdoonkii soomaalida ee ciraaq joogay ay daba gal ku hayeen Dhiif, oo bartuu cag dhigaba la dhigayeen, oo waliba Xanaf  isla galabtii u soo guuray hotelkii Dhiif daganaa oo saxiibtinimo si ay ku dhalatay uusan aqoon Dhiif  la yeeshay, markii danbana ay isku soo dhaceen ka dib markii Xanaf  sheegtay in uu u dhashay beesha uu ka dhashay Dhiif, balse oo ku dhashay magaalada Boorame kuna soo koray Hargaysa, sidaa darteed uusan dadkiisa wax ka aqoon, casirkii bay ahayd markii Xanaf  loo soo gudbiyay magaca beesha Dhiif iyo abtirsigiisa, loona yeelay qaraabo iyo xigto  ku cusub, salaadii maqrib markii uu ka soo baxayna dusha ayuu ka xafidsanaa, in kasta oo qabiil qabiil ka mamnuuc ahaa soomaaliya haddana danta ayaa gashay,  habeenkaas qosolkooda ayaa baxayay markay sheekaysanayeen,  laba maalmood ka dibna waxaa is bartay Xanaf  iyo Aman, oo Dhiif u sheegay in ninkaan ina adeerkiis yahay,  sheeko dheer kadibna Xanaf  wuxuu u sheegay in uu ka tirsanaa ciidanka xooga dalka soomaali, uuna ka tirsanaa guutada joogtay gobolka waqooyi galbeed, balse oo ka ruqsaystay ka dib markii lagu sameeyay musuq maasuq ayada oo beel ahaan loo riixayo oo dalacsiintii uu garta u lahaa dad kale markasta si beelaysiya loo siin jiray.

Xanaf  wuxuu intaas isku dayay in uu Dhiif  wax tuso oo uu dareensiiyo, balse Dhiif wuxuu ku howlanaa sidii uu u soo xeri galin lahaa Xanaf  oo uu khaa’in asaga oo kale ah uga dhigi lahaa oo garab ugu noqon lahaa dhagarta uu dalkiisa iyo dalkiisa ku wdo, sidaas ayuuna u dareemi wayaay wanaaga sarbeebta ah ee Xanaf  u sheegayay, Muddo ka dib ayaa Aman oo sharaf raadis ah u bandhigay Xanaf , balse inuu yeelo waxay ku qaadatay dhowr maalmood, asaga oo tusinayay Aman in lacagta uu u baahan yahay balse ay howshaani halis tahay oo uu baqayo, ugu danbayna Dhiif ayaa baqdintii ka saaray oo ku yiri, cid na oganaysa ma leh, waa shaqo fudud, waxaan aragano uun baan soo sheegaynaa, lacag fiicana waan ka helaynaa, Dhiif aad ayuu u rabay in Xanaf  arrinta la galo waayo asaga ayaa isku dhiirinayay oo xoogaa cabsiyihi ku jirtay balse lacag jacayl u galay badaan.

Sidaas ayaa qaban qaabadii ku soo laabashada lagu galay, Aman na uu ku siiyay tababar yar oo aan wax badan ahayn oo asga qudhiisaba loo soo sheegay, wuxuuna u sheegay in mudo markay joogaan ay mid mid u aadi doonaan soomaali galbeed halkaas oo tababar lagu siin doono fiican, cinwaan talyaaniga ah waa uu siiyay oo ay warbixinada ku diraan, sidaas ayayna ku soo baxeen laba doodii, ayaga oo ku hakaday garoonka magaalada jiddah oo ay ka soo raacen diyaarada shirkadda duullimaadka ee soomaaliya oo xamar u soo jeeday.

Markii ay ka soo dageen garoonka magaalada xamar ciidan dhar cad ah ayaa ku sugayay jaran jaranta diyaarada, waxaa soo hormaray Xanaf oo markii uu cagaha dhulka soo dhigay inta dib ugu jeestay Dhiif ku yiri:

”ku soo dhawow xabsiga dalkaagii ku aaminay ee aad dhagartay, khaa’in yahow”

Ula kac ayuu u yiri dalkaagii, waayo dadnimadiisii iyo xuquuqdii uu dalka ku lahaa waa uu iibsaday, argagax ayaa helay Dhiif, lugihii ayaa kaga dhagay jaran jartii u danbaysay, Xanaf  iyo mid kale ayaa gacmaha ka qabtay, si tartiiba oo aan dadweynuhu aysan dareemin oo looga ilaalinayo argagaxa ayaa loogu waday laba fatuuradood oo haadada ag yaalay, dadkii sooo dagayay qaarbaaba is yiri ninku ma nin madax ah baa, garoonka markii labadii fatuura ka baxdayna waxaa si toos ah ay u aadeen aqalkii uu dagnaa Dhiif oo ciidan kaga sii horeeyay, si loo baaro aqalkiisa.

Xukun waliba shaqo adag la socoto ayaa lagu xukumay, waxaa looga jarayaa dhagartii uu dalkiisa ka galay, dalkiisii asaga siiyay sharaf, ka dhigay xiddig duhurkii iftiima, dalkiisii gaarsiiyay heer lagu maamuuso goob kasta oo uu tago dal iyo dibadba,

qabashadiisii  qof kasta waxa uu dareemay, halista ay leedahay lacag xaabsiga aan loo fiirsan halka ay ka soo burqanayso lacagtaas,  ama cidda ku siinaysa, taasna ugu danbayn kaa tuuri karto bohol aan ka soo laabasha alahayn, iyo ceeb aan biyaha ifka yaal oo dhan aysan mayri karin.

Isla xilligaas ciidamada ciraaq waxay tageen goobtii shaqada ee Aman, halkaas oo lagu soo qabtay, ka dibmarkii dowlada soomaalidu u gudbisay waxa uu yahay oo faah faahsan,

DHAMMAAD

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

Leave a Reply