NSS- BASAASKII DHIIF Q-1

 

Aroortaa markii qoraxdu soo baxday xaafadu waxay ahayd sidii lagu yaqaanay, dadka in badan ayaa shaqo u dareeray oo isku socodkii gaadiidku waa bilowday, aradadii dugsiyada ayay u qalab qaateen, mid wax barta iyo mid shaqeeyaba gadiidikii qul qulayaya ayaa laysku guray, intii xaafada gudaheeda ku hartayna wax walba caadi goodii ayay u ahaayeen.

Balse maalintaas, bartamihii maalinta ayaa waxaa xaafada soo galay gaadiid ciidanka booliiska iyo kuwa ciidan dhar cad ah ay saran yihiin, oo affarta dhinac xaafada ka xiray, oo dusha aqalada iyo geedaha ciidankii qaar fuuleen, kuwa kalna jidadkii ku fideen oo isku socodkii la joojiyay, dadkii xaafada dagaana yaab iyo amankaag iyo baqdin baan ka soo hartay, waxay is weydiinayeen waxa xaafadoodu ku kasbatay duulaankaan argagaxa leh, maxaa xaafadu galabsatay oo waxaan oo ciidan ah loogu soo daadiyay.

In kasta oo isku socodkii la joojiyay hadana warku waa is dhex qaadayay xaafada gudaheeda,  waraka xiimayay waxay sheegayeen:

”gurigee ayay hareereeyeen ciidanku?”

Guriga saddex xarrigle dhiif, oo mar hore shaqada ciidamada ka tagay, intii dadku is weydiinayeen weydiimo kala gadisan iyo maxaa lagu galay gurigaan ayaa waxaa yimid fatuurad weyn, oo ay la socdaan dhowr ciidan ah iyo ninkii qudhiisii, ninka iska lahaa guriga qurxoon ee villada ah oo ciidanku hareereeyeen, fatuuradiina waxay hor istaagtay aqlka dhiif, waxaana ka soo dgay Dhiif oo dullinimo ka muuqato, intii fatuurada saarnayd na aqalkii ayay galeen, mana la aqoon sida ay ku ogaadeen dadka xaafadu ayaga oo guryahooda ku jira in ciidan keenay Dhiif ay yihiin ciidanka nabad suggida soomaaliyeed,

Ogaanshadooduna jaha wareer kale iyo is weydiimo kale ayay  dhalisay oo ah, maxaa Dhiif ku mutaystay in saan loo galo, oo waxaan oo ciidana ay gacanta ugu hayaan, oo gurigiisa lagu hareeraysan yahay?, danbi caynkee ah ayuu galay oo keentay in xaafadii oo dhan ay ciidamadamo hareereeyaan?, durbadiiba weydiitaan war celinteedii waa ay timid, qarracan iyo naxdin bayse la timid, oo danbiga Dhiif galay mid fudud maahayn, mid kaligii ku sugan oo dhib u keenaya maahayn, oo wuxuu ahaa danbi uu ka galay, naftiisa, xafada, magaalada iyo dalka oo dhan.

Dhiif  wuxuu ahaa basaas u shaqeeya itoobiyaanka.

Wax laga anfariiro ayay ahayd.

La yaabku waxay ahayd in Dhiif uu ku noolaa nolol karaamo iyo sharaf leh, ciidamada asaga ayaa qortay iskiis, darajada saddex xarigle ayuu ka gaaray, asaga oo weli yar waxa uu ka qayb galaay dagaalkii soomaaliya iyo itoobiya, si sharf leh ayuuna ciidamada kaga tagay oo uga ruqsaystay markii danbe, markii uu ciidamada ka tagayna dhaqaale yar oo uu haystay wuxuu ku furtay dukaan ayar, balse waxbaa markasta ku dhahayay war intaan kuguma filna, markasta wuxuu u sii hanqal taagayay waxa uu haysto wax ka sii badan, sidaas darteed ayuu dukaankii uu furtay iskaga iibshay oo in uu dibada aado ku go’aansaday, oo lacag badan ka soo xaabsado, waa sida uu is tusay asaguye, ololkaan ku shidan ee ah hawa aduun si uu u qaboojiyo Dhiif wuxuu u duulay dalka ciraaq, oo xilligaas shaqo wanaagsan laga heli jiray,

Qaban qaabo dheer ka dib Dhiif wuxuu u duulay dalka ciraaq, Ereg oo ay saaxib ahaayeen ayaa ka soo waday  gigada diyaaradaha ee baqdaad, waxayna isla dageen hotelkii Ereg daganaa, hotelka ay daganaayeena kama uusan fogayn goobta shaaqa ee soomaalidu iskugu tmaado ee la yiraahdo shad al carab ee ku taal jidka shaaric al Rashiid, gurmad ay u galeen dad uu meesha ka bartay iyo qaar xigta ahba Dhiif dhowr maalmood ka dib shaqo ayuu helay, balse sidii uu filayay iyo raaxadii dukaankiisa ma ahayn shaqadu, shaqo dhismo oo adag ayay ahayd, dhaqaalaheeduna ma xumayn, balse dhaqaalaha uu ka huminayay Dhiif intaan waa ka badnaa.

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply