Yehuda Karmel dhowr maalmood ka hor ayaa looga yeeray xafiiska madaxiisa, halkaas oo lagu tusay laba sawir, mid asaga ah iyo mid nin uusan aqoon ah, aad ayay isku ekaayeen, markii loo shaagay in ninkaan uusan aqoon uu yahay rodolf Eichmann waa uu is galay, waxaase ka sii yaabisay markii loo shaagay in uu noqon doono Eichmann kale, Eichmann labaad, qorshaha Isser wuxuu ahaa in karmel yimaado Arjantiin sidii uu yahay shaqaale el Caal, ka dibna dharka iyo baasboorka Karmel uu u adeegsado in Eichmann diyaarda lagu saaro, Karmel wuxuu watay baasaboor israa’iili ah oo ku watay magaca, Ze’ev Zikroni, Isser wuxuu diyaariyay qorshe kale oo kayd ah, wuxuu u yeeray nin dhalli yaro ah oo la yiraahdo Meir Barhon oo booqsho ugu yimid ciddiisa oo Arjantiin daggan, Meir waxaa loo sheegay in uu yimaado baar ku yaal  jidka  Bartlome Mitre, halkaas oo ay ku sugayeen Isser iyo dhaqtar, Isser ayaa ku yiri:
”Markaad aqalka qaraabadaada ku laabatid soo wac dhaqtarka una sheeg in baabuur jug ku siiyay oo aad dareemaysid war wareen, la labo iyo tabar yari, dhaqtarkuna wuxuu ku soo gabagabayn doonaa in miyir tag ku hayo, wuxuuna ku seexindoonaa isbitaal, 19 ka May, aroortaas ayaad u sheegi doontaa in aad roontahay oo aad doonaysid in aad dalkaaga aadid, bukaan eegtada waa lagaa sii dayn waxaana dhaqtarku ku siinaya waraaqo caddaynaya in lagaa daaweeyey miyir tag, ama suuxdimaad yar, ”
Dhaqtarkiina wuxuu u faahfaahiyay Meir, sida ay tahay ama u egtahay xaalada miyir taggu, Meir sidii wax loo faray ayuu u fuliyay oo saddex maalmood wuxuu jiifay isbitaal weyn oo Boonis Ayris ku yaalay, asaga oo saddexdaas maalmood taahaya, 19 kii May ayaa isbitaalkii laga fasaxay, Isser ayaana gacanta ku hayay waraaqihii Meir loo sameeyay oo cadaynayay in isbtaalka laga sii daayey, ka dib markii shil baabuur dhaawac ka soo gaaray, sidaas ayaa loo diyaariyay in Eichmann lagu wado,haddii qorsha ah in Eichmann lagu wado sidii uu yahay shaqaale al Caal uu socon waayo, oo Isser wuxuu saari doona sariirta lagu qaado bukaanka oo diyaarada lagu saraya Eichmann sidii u yahay Meir, bukaan socod aan weli ka bogsoon xaalad miyir tag ayuu ahaan doonaa.
Galabtaas 19 kii May ayaa diyaaradii el Caal, timid  Boonis ayris, saraakiishii borotokoolka ee wasaarada arrimaha dibadda, dad Yuhuud ah oo xamaasadaysan, caruur calanka Israa.iil lalminaya, ayaa ku safnaa labada dhanac ee rooga cas, laba saac ka dib Isser, duuliyihii diyaarada iyo maamulaha el Caal, waxay duulimaadka u qabteen in uu noqdo, 20 ka May, saqda dhexe ee habeekaas, qorshihii uu watay ayuu tusay oo kala kaashaday waxaana go’aan lagu gaaray in lagu socodo qorshihii hore, Eichmann wuxuu diyaarada ku fuulayaa sidii uu yahay mid ka mid ah shaqaalaha diyaarada oo xanuunsan,
Karmel mar hore ayuu dharkii iyo aqoonsigiisii Ze’ev Zikroni ahaa ku wareejiyay Shalom Danny, been abuurha dukumintiyada ee kooxda Mossad, asna wuxu u habeeyay baasaboor si siican ugu qalmo Eichmann, Karmel na waxaa la siiyay baasaboor cusub waxaana loo sheegay in u si dhaqsa ah uga baxayo dalka, hal toddobaad ka dib fiidnimadii guriga dhadhaqaaq ayaa ka socday oo Eichmann maandooriye ayaa lagu dhuftay waana la seexiyay, raggii Mossadna aqalkii ayay  ku dhaqaaqeen in ay kala fujiyaan oo sidiisii hore lagu soo celiyo, qalabkiina la kala fur furay oo la baakadeeyay, markii howshii ay dhameeyeen qofna isma oran karin aqalkaan ayaa howl gal iyo wax u dhow lagu hayay, sidaas oo kale ayaana la yeelay guryihii kale ee u ijaarnaa.
20 kii May, Isser hotelkii ayuu ka soo baxay markiisii ugu danbaysay, taksi ayuu u qaatay xaruta tareenka oo uu boorsadiisii ka soo qaatay,  ka dibna wuxuu bilaabay in uu gaaf wareego makhaayadihii qaxwa sidii uu maalmihii la soo dhafay oo dhan uu samaynayay, dadkii u horeeyay ee maalintaas u yimid waxay ahaayeen kuwii ka socday el Caal oo ay u kor mareen xilligii la bixi lahaa, bartamaha maalintii Isser wuxuu baxshay lacagtii qaxwada uu ka cabay makhaayadii ugu danbaysay, boorsadiisa ayuuna qaatay oo wuxuu aaday garoonka si uu dusha uga la socdo sida howl galka baxsashadu u dhacayo, wuxuu ka raadiyay gigada dhexdeeda meel uu fariisto oo uu kala socon karo howsha dhacaysa, dukaamadii iyo goobaha tikidhada ayuu dhex qaaday, ugu danbayn wuxuu tagay makhaayada shaqaalaha garoonku ka cunneeyaan, banaanka oo qaboow xun jiray awgeed makhaayadu dad ayay la ciiraysay, shaqaalaha xafiisyada, shaqaalaha dhulka ka shaqeeya, kuwa duulimaadka, oo makhaayada u yimid in ay wax kulul cabaan, cunno fudud cunaan, Isser na aad buuba ugu bogay oo cid dareemaysa ma jirto markii raggiisu ay horay iyo gadaal u socdaan oo ay la talin u soo doontaan asaga, Isser wuxuu sugay intii fadhi ka banaanaado, waxaana uu bilaabatay kormeeridii iyo kor kala socodkii qaybtii howl galka ugu danbaysay ee ahayd Arjantiin sidii looga bixi lahaa,
saddex saac fiidnimo, ”21:00” intii aqalka saldhiga joogtay dhamman diyaar ayay ahaayeen, Eichmann waa loo qubeeyay, garkii loo xiiray, dharkii el Caal loo xiray, aqoonsigiisii Ze’ev ku qornaydna jeebka loo galiyay, foolkiisa si fiican looga shaqeeyey, xataa haddii wiilkiisu yimaado ma garteen,  dhaqtarku wuxuu ku duray Eichmann cirbad aan seexinayn balse dareenkiisa kala dhan taalaysa, wax waa maqli karaa, arki karaa, balse ma hadli karo, waxa hareerihiisa ka dhacayana ma garan karo. Zvi asna wuxuu xirnaa dharka el Caal, asaga ayaana qabsaday hoggaankii baabuurka, Mossad kale ayaa dhiniciisa fariistay, Eichmann waxaa la fariisiyay kursiga danbe, wuxuuna dhexda ugu jiray dhaqtarkii iyo Mossad kale, fatuuradiina waa dhaqaaqday.
La soco………
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply