MOSSAD-NOLO IYO GEERI MID KU KEENA EICHMANN Q-7

 

 

 

 

 

 

 

 

”Waa meeqa qiyaasta koofidaadu……. kabahaagu, goormaad dhalatay…. aabahaa magaciis…. hooydaa magaceed” asaguna sidii mishiin ayuu uga jawaabayay, xataa waxaa la weydiiyaya” lambarka aqoonsigaa xisbiga Naaziga meequu ahaa…. kan ciidanka SS”?

Ma uusan aamusnaan karin markasu yiri:

”45326 kan kalena 63752″

”magacaa”?

”Ricardo Clement”

”magacaa”? ayaa codkii ku celiay

”otto heninger”

”Magacaa”

”Adolf Eichmann”

Shib ayaa is qabsatay goobtii,

“Afka hibroow gana wax baan ka aqaan, wadaad Yuhuud ah ayaa igu baray Warsow,” ayuu yiri

wuxuuna akhriyay aayado ka mid ah kitaabka Towraad, Israa’iiliyiinii indha ayaa ka soo haray.

Isser sidii uu ugu meeraysanayay makhaayadaha maalintii oo dhan, xilli danbe oo habeenkii ah ayuu galay makhaayad oo ku fariistay kursi illinka ku beegan, kadis ayaa illinka waxaa ku soo galay laba raggiisa ka mid ah, asna horay ayuu ka istaagay,

”waan haynaa” ayaa Zvi yiri ”waan hubinay, asaguna waa uu qirtay in uu yahay Adolf Eichmann”

Isser inta gacan qaaday labadoodii ayuu ka tagay, waxaa u harsan asaga haddan waa in uu goobtii tareenka tagaa boorsadiisa soo qaato, hotel cusub dago sidii qof hadda soo galay Arjantiin, asaga oo adeegsanaya waraqaha cusub ee loo sameeyay.

 

 

Aroortii ku xigatay fatuurad ayaa soo ag istaagtay aqal yar oo alwaax ka samaysan, degaanka Sdeh boker, waxaa ka soo dagay nin caata ah oo markuu aqoonsigiisii tusay waardiyihii ayuu madaxii wasiirada Israa’iil u gudbay oo qolka wax akhriska fadhiya, ninkan wuxuu ahaa Yakuub Karoz, mid ka mid ah dadka u dhow Isser wuxuuna ahaa gacan yarihiisa.

”Isser ayaa I soo diray oo aan war ka helnay, Eichmann gacanteena ayuu ku jira”

Odagii intuu in doora aamusnaa ayuu yiri:

”Xilli maa Isser soo laabanayaa? waan rabaye”

Arjantiin, Isser ciil waxaa ku hayay Eichmann oo qolka ku dhagan kiisa ku jira, dugaagii aabayaal, hooyooyin iyo caruurba ifka ka qariyay, inta la joogtana ciil ayay u wada qabaan oo eegidiisa ayay ku yaq yaqsanayeenn, waxay u arkaan inuu yahay shayaankii oo soo daahiray, in daban oo ayaga ahna qaraabo iyo qoysaskoodii ayuu laayay oo uu gubay,

sidaas ayada oo ay tahay ayay u adeegayeen 24 saac, balse sakiin uu ku xiirto garka looma oggolayn, ilbiliqsi kaligiis inuu noqdo lama oggolayn, oo in uu is miidaamiyo ayaa laga baqayay, mushqusha xataa kaligii in uu galo lama ogolayn,  yehudit Nessyahu na cunnada Eichmann ayay  karinyasay oo u soo dhigaysay, balse waxay diiday in ay dhaqdo alaabta uu wx ku cuno, ciilka iyo karaahiyada ay u qabto ayaa aad u badnaa oo ka xoog badiyay, ilaaladu waxay isku badali jirtay 2 dii saacba mar, Isser na wuxuu arkay in raggii daaleen wuxuuna go’aansaday in uu fasax maalin ah kiiba siiyo si ay saldhiga uga soo hawa gadistaan oo magaalda u soo mushaaxaan, tobankii maalmood oo noloshoodu ugu dheerayd ayay ahay oo waliba dal qalaad ay dhuumaalaysanayeen, kuna noolaayeen baqdin in wax yar yar ay dhacaan oo keeni kara booliis iyo fadeexo caalamiya.

Eichmann wuxuu ku jiray qol aan dariishad  lahayn, har iyo habeen waxaa u baxayay iftiinka nal, nin war yeelayana waa uu ahaa, diyaarna u ah in uu raaco waxii loo sheego ama lagu amro, waxay u ekayd in qadarkaan u qornaa uu isku dhiibay, qofka kaliya oo lahadlana wuxuu ahaa Zvi oo noloshiisii wax ka weydiiyay intaan la qaban ka hor, asaguna waa uga jawaabayay, wuxuu u sheegay Zvi in markii Jarmalku jabay May 1945 uu iska dhigay mid ka mid ah ciidanka cirka, lana baxay magaca Adolf Karlbarth, ka dibna wuxuu iska dhigay laba xidigle ciidanka ciidanka SS ta, qaybta loo yaqaan fardoolayda, qaatayna magaca Otto Ekmann, waxaana la geeyay oo lagu xiray xeryaha Maxaabiista dagaalka.

dhammaadkii gugaas markii magaciisu ka soo muuqday maxkamadii Nuremberg ee Naziyiinta sar sare la saarayay ayuu ka baxsaday xeradii, ka dib wuxuu ku noolaa magaalada Selle tan iyo 1950 kii asaga oo ah, Otto Haninger, isla gugaasna wuxuu u baxsaday Arjantiin asaga oo sii maray Talyiiniga, qaadayana jidkii Naziyiintu ku fakadeen intooda badan.

Markii uu yimid Arjantiin affar bilood wuxuu la joogay saaxiibkiis daggana duleedka boonis ayris, affar kalana wuxuu la dagganaa nin lagu soo xiray oo layiraahdo Rippler, markaas ka dib ayuu ku dhiiraday in uu magaalada boonis ayris ka tago oo uu aado tukuman, oo lix boqol oo mayl u jirta caasimada.

wuxuu shaqo ka helay shirkad yar oo la yiraahdo Kabri ee dhismaha oo aan aad loo aqoon oo layiri waxay shaqo u raadisaa Naziyiinta baxsadka ah, 4 tii Abriil 1952 ayaa Eichmann aqoonsigii Arjantiin ku helay, magaca Ricardo Clement oo ku dhashay Bolzano, Talyaaniga, aan xaas lahayn, shaqdiisuna tahay makaanik, hal gu’ ka hor bilowgii 1951 ayuu Eichmann warqad u diray xaaskiisii asaga oo magac kale adeegsanaya, wuxuuna ku yiri warqada”

‘‘Ilmahaaga adeerkoodii loo qaatay in uu dhintay, waa nool yahay waana caafimaad qabaa”

La soco………

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply