MOSSAD-NOLO IYO GEERI MID KU KEENA EICHMANN Q-6

 

 

 

 

 

12 kii yimid Arjantiina toddobaadyo ka hor oo jidadka mar mari jiray oo baabuurta kirasna jiray, guryaha ijaaran jiraya, oo ilaalsan jiray jidka Garibaldi, meeshii waa ka baxeen, waxaa badalay 12 kale oo si kale u eg, dukumintiyo kale wata, magacyo kale leh, Isser qudhiisu waa uu ka guuray hoteelkii, boorsooyinkiisiina wuxuu ku soo xaraysat khaanadaha boosteejada tareenka ku yaal ee la kireeyo, wuxuuna bilaabay sidii caadada u ahay is ka gudubkii makhaayadaha qaxwada laga cabo, siiba  maanta oo todobadii saac ”1:00 pm”asaga iyo Rafi iyo raggii kale qaar ka mid ah ay ku kulmeen makhaayad rug cunto oo bartamaha magaalada ku taal si ay uga wada hadlaan taabaabushihii u danbeeyay ee howl galka, sideed saac iyo bar ayayna kala tageen.

 

meel baaburta la dhigto oo bartamaha magaalada ku taal ayay ka wateen baabuurkii wax lagu soo af duubi lahaa, waxayna aaden saldhigoodii, kuwa kalana fatuurad ayay kala soo baxeen garaaj, sagaal saac iyo bar , ”3:30 pm” labadii fatuuradood waxay joogeen shaldhigii  ayaga diyaar u ah in ay howl galka u dhaqaaqaan,  toban saac iyo bar, ”4:30” is waraysigii u danbeeyay ayaa saldhiga lagu qabtay, kooxdii howl galka fullin lahayd dharkii ayay badasheen oo qaateen aqoosiyadoodii iyo waraaqhoodii, laba iyi tobankii iyo bar ”6:30” ayaa labadii fatuuradood isku diyaariyeen in ay dhaqaajiyaan, afartii wax soo afduubi lahayd  Zvi oo wadaha ah, Rafi oo hoggaamiyaha ah, iyo Moshe iyo Malkin waxay koreen haal gaari, saddex kalana hal gaari, Abraham shalom, Yakuub iyo Dr Elyan oo boorsadii daawooyinku ugu jireen sita, fatuuradihii midba gooni ayay u timid is goys aan ka fogayn halka Clement ku nool yahay, waxay iska hubeyeen aagga, waxay ku qanceen aan booliis iyo bar laysku baaro aysan meesha ka dhaweyn, hal saac iyo soddon iyo shan daqiiqo ”7:35” ayaa labadii faturadood soo soo istaageen jidka Garibaldi, carradiina mar hore ayayba noqotay mugdi culus, gaariga wax lagu af duubi rabo oo ahaa cheverlot madoow wuxuu yaalay jidka dhiniciisa wuxuu u sii jeeday dhinaca aqalka Clement,  laba ayaa soo dagay oo fury daboolkii afka hore ee fatuurada, Zvi fadhii wadaha ayuu ku horay, kii afraadna fatuurada dhexdeeda ayuu isku gaabiyay, waxay indhaha ku hayeen barta mugdiga ah ee Eichmann ka soo ka imaan doono,  jidka dhiniciisa kale laba ayaana ka soo dagtay oo isku mashquulinayay gaariga dhexdiisa heesihiisa ka daarnaa, kii saddexaadna fadhigii wadaha ayuu ku haray, asaga u diyaar ah in in uu nalalka ku shido Clement si araggu uga lumo marka uu soo dhawaado, dabinkiina sidaas ayuu ku yaalay, balse Clement sooma muuqdo, hal saac iyo affartan daqiiqo ”7:40” baskii 203 waa uu yimid balse cid ka soo dagtay maleh,

hal saac iyo konton daqiiqo, ”7:50” laba bas oo isdaba jooga ayaa yimid, Clement midna ma saarnayn, war war ayaa galay raggii. Maxaa dhacay? Ma dhaqankiisii ayuu badalay? Ma tuhun baa galay?

Waxa uu Isser horey ugu soo sheegay haddi laba saac la gaaro oo ay arki waayaan in ay howsha joojiyaan oo ka soo tagaan,  markii ay tagi rabeen ayaa Rafi yiri waxaan sii joogaynaa shan daqiiqo, bas kale ayaa yimid ugu horeyntiina Israa’iiliyuunta wax ma rag, balse Shalom oo kooxda labaad ah ayaa aqoonsaday mukul ku soo socota jidka Garibaldi, Clement!

Nalalkii ayuu ku shiday mukusha soo socota si uu araga uga ciyaaro, Ricardo Clement wuxuu u socday dhinaca gurigiisa, iftiin xooga badan markii uu ku dhacay ayuu indhaha dhinac u weeciyay socodkiina sii watay, baabuurka jidka dhiniciisa taagan ayuu arkay oo dhowr qof gees taagan yihiin, waxuuna is yiri cillad matoor baa haysata, Malkin ayaa markaas labadii eray ee kaliya ee uu isbaanish ka yaqaanay ku yiri ”momentito senor” wax yar mudane, Clement ayaa kolkaas jeebka gacanta la galay si uu ula soo baxo tooshka uu markuu meelaha mugdiga ah marayo uu ku iftiinsado, Malkin oo is yiri wuxuu la so baxayaa hub ayaa sidii biriq ugu dul dagay oo ku tuuray wasaq jidka dhiniciisa taalay, korna u qayliyay, laba kale ayaa soo booday oo dusha kaga dagay Clement, si xoog badan intii madaxa looga qabtay ayaa afka laga daboolay oo inta asagii oo dhan xanbaareen fadhiga danbe ee fatuurada ku tureen, asaga oo aan miyir badan lahayn na sagxada dhigeen, wadihii gaarigii inta kiciyay ayuu horay ka dhaqaajiyay, wax aan ka badnayn daqiiqad barkeed ayaa ka soo wareegtay markii Clement soo muuqday iyo markii fatuuradu dhaqaaqday, il biliqsiyo ka dibna fatuuradii kale ayaa ka daba dhaqaaqday, si dhaqso ah ayaa gacmaha iyo lugaha looga xiray, afkana loo galiyay gaca saartii, indha gashigii inta laga saaray ayaa loo xiray kuwa uusan wax ka arkayn oo madoow, cod ayaa markaas si qaylo iyo hanjabaad ah ugu yiri:”

”dhaq dhaqaaq yar, adna mayd baa tahay”

asna waa adeecay oo intii socdaalka lagu jiray oo dhan isma dhaqaajin, Rafin ayaa kolkaas baaritaan ugu dhaqaaqay, wuxuuna raadinayay jeexniin uu Adolf ku lahaa kilkisha bidix hoosteeda iyo mid uu ku lahaa dhinaca midig ee caloosha, Rafin wuxuu eegay Malkin oo uu madaxa u ruxay, waana is gacan qaadeen, sidii ay xawli ugu socotay fatuuradii ayay mar qudha joogsatay, tareeen ayaa wadada marayay labada gaarina waxay sugayeen inta uu ka dhamaanayo jidka, sugitaanku aad ayuu ugu dheeraa oo  waxay ku jireen xilligii ugu halisanaa howl galkooda oo gawaari kale oo badan oo sugayay in tareenku gudbo ayaa ku hareeraysnaa, waa ay maqlayeen codadka dadka baabuurta kale saaran, balse Arjantiiniyiinta baabuurta kale ku jira ee dhinac yaal kooda midna ma dareemin qofka yaal sagxada fatuurada, Eichmann kuma dhicin in juuq yiraahdo,

birtii isbaarada ayaa la qaaday oo baabuurtii qul qushay, laba saac iyo konton iyo shan daqiiqo, ”20:55” ayaa baabuurtii soo gaareen saldhigoodii, Clement oo aan wax arkay na uu laba nin dhexdood ku jiray asaga oo hantaq hantaq laynaya gurigii la galiyey, wax diidma ahna ma uusan muujijin markii dharka laga siibayay, af Jarmal ayaa lagu amray in uu afka kala furo, waana uu yeelay, waxayna ka raadiyeen afkiisa bal in uu jiro kaabsol sun ah iyo wax caynkaas ah oo ilkaha dhexdooda ku jira, weli wuxuu xirnaa indha gashii madoobaa oo wax ma arkayn balse waa dareemayay in jirkiisa markale la baarayay iyo haarihii, gacan yaa kilkisha bidix hoosteeda ka martay martay oo taabatay haarta yar, si uusan filayn ayaa cod kulul  af Jarmal ugu weydiiyay”

La soco………

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply