MOSSAD-NOLO IYO GEERI MID KU KEENA EICHMANN Q-5

 

 

 

 

 

 

Isser na wuxuu dareemay in nasiibkii u soo dhoolla cadeeyay, wuxuu ogaaday in 20 ka bisha May ay tahay maalita Arjantiin u dabaal dagayso madax banaanidoodii 150 aad, ergooyin heer sare ah ayaa ka imanaya ifka dacaladiisa oo ka soo qayb galaya dabaal dagga, Israa’iil ergadoodana waxaa hoggaamin doona Abba Ebban, oo asgu ku faraxsana in shirkada diyaaradaha El caal ay u roonaatay oo diyaarad  gaar ah oo uu ku socdaalo siinaysa, haadada la yiraahdo ”Biritaaniya”, cid u sheegtay ma jirin in ujeedka diyaarad kaligii loo siiyay in ay tahay howl galka soo qabasha Eichmann, duullimaadka FGght 601 ee Buenos Aires  waxaa lagu xilliyeeyay 11 May, dadkii duullimaadka ka shaqayn laha waxaa soo xushay Isser, arrinta dhabta ah ee loo socdana wuxuu u sheegay labada sarkaal ee El caal u sareeya, zvi waxaa lagula taliyay in uu horay u sii kaxaysto makaanik xirfad wanaagsan leh, haddi lagu qasbanaado in haadadu cagaha dhulka ka qaado ayada oo aan kaalmo ka helayn hagayaasha dhulka jooga ee Arjantiin.

1 May ayaa Isser ka dagay Arjantiina asaga oo ku socdaalaya baasaboor yurub ah, dabayl qaboow ayaana ka dhacaysay banaanka garoonka oo Arjantiin waxay sii galaysay xilligii qaboobaha, siddeed maalmood ka dib sagaalkii bisha May, dhowr israa’iiliyiin ah ayaa sii galayay dhisme dagaan oo dheer oo cusub oo ku yaal Buenos Aires , waxayna qayb ka dageen dhismaha oo ay maalmo ka hor ay kiraysteen, xubinhii hawl galka ka qayb qaadan lahaa dhammantoodna diyaar bay ku ahaayeen, markii horse waxay kala daganaayeen hotello kala goon gooniya, qofkii laba iyo tobnaad ee soo gala aqalkana wuxuu ahaa Isser, tan iyo markii uu yimid Isser Arjantiin, wuxuu kooxdiisa kula xariiri jiray hab aad u yaab badan oo wuxuu jeebkiisa ku watay liis ay ku qoran yihiin magacyada saddex boqol oo maqaayadaha qaxwaha laga cabo ah oo ku yaal Buenos Aires iyo mid walba xilliga ay furan tahay, aroor walba wuxuu  u bixi jiray in uu makhaayadahaas iskaga dhex goosho, asaga oo raacay qorshe xilliyeed iyo meeleed uu horay u soo dagsaday, sidaas ayaana raggiisu markasta ku ogaayeen halka uu joogo,  kaliya qorshaas waxa uusan ku waangsayn  in iskaga dhex gooshkaas makhaayadaha uu qaxwa badan cabo, howshuna waa ay badnayd maalamahaas oo waxaa la keenayay wixii qalab loo baahnaa oo maxbuuska lugu hayn lahaa, fatuurado la kireeyo lagu ilaalo galo, loona adeegsado af duubka, guryo kale iyo villo magaalda bannaan keeda ku yaal oo la kireeyo oo ah halka Eichmann lagu hayn doono, saldhigga ugu muhimsan se wuxuu ku yaalay wadada garoonka diyaaradaha, waxaa ijaaray laba mossad ah oo iska dhigayay dalxiisayaal, oo kala ah, Yaacov Meidad (Mio)  isku kawis Jarmalka ku dhahsay, waalidkiisna ku waayay xasuuqii Yuhuuda, una dagaalamayay ingiriiska dagaalkii aduunka, qofta iska dhigaysay xaaskiisana waxay ahay Yehudith  Nissiyahu.

Villada dhexdeeda ayaa laga sameeyay meel lagu qarin karo Eichmann iyo inta ilaalinaysa haddii ay dhacdo in booliisku baaritaan sameeyaan, guri kale oo kayd ahna waa jiray, qorshuhu wuxuu ahaa in Eichmann la qabto 10 ka May, diyaaradu na timaado 11 ka, ka dibna 12 ka May loo duulo Israa’iil,  balse is badal ayaa ku yimid qorshihii la dajiyay oo waxaa aad u batay ergooyinkii ka soo qayb galayay dabaaldagga, sidaas darteed waaxda borotokoolka ee wasaarada arrimaha dibada ee Arjantiin waxay ku war galisay dowlada Isiraa’iil in ergadoodu ay yimaadaan 19 May, siddeed saac oo galabnimo ”2:00 pm”  taas oo Isser laba midkood kal doorsiinayasay, in uu qabashada Eichmann dib u dhigo tan iyo 19 ka bisha, iyo in sidii qorshuhu aha la soo afduubo 10 ka bisha, oo meel lagu hayo 9 illaa 10 maalmood, taasna halisteeda ayay leedahay, siiba haddii reerka Eichmann ay dowlada ka codsadaan in si ballaaran loo baadi goobo Eichmann ka la waayay, waxaana dhici karta in asaga iyo israa’iiliyiinta hayaba booliisku helo, balse Isser wuxuu go’aansaday in uu ku socdo qorshihii hore, waayo kooxdii jir ahaa iyo maskax ahaanba  waa u daaleen, wuxuu go’aansaday in uu hal maalin dib u dhigo, wxuuna ka dhigay 11 ka May, hal saac iyo affartan daqiiqo ee fiidnimo :7:40 pm”, qorshihii la dajiyayna diyaar ayuu ahaa asaga oo faah faahsan, Eichmann wuxuu shaqada ka soo laabanayaa  hal saac iyo affartan daqiiqo, wuxuu uga dagayaa baska lumber 203, dabakaayada agteeda oo lug ku aadayaa gurigiisa ku yaal jidka Garibadi, jidku waa mugdi, socodka baabuurtuna waa dhif, waxaa howl galka fulinaya laba koox oo laba fatuuradood wata, hal koox waa af duubaysaa, kooxda  kalena ilaalo iyo difaac, fatuurada koowaad waxay dhiganaysaa jidka dhiniciisa afka horena loo furayaa, ragguna waxay u mooqanayaa in fatuurada cillad ka gashay ay ka samaynayaan, markii Eichmann uu dhican marayo ee in yar uu dhaafo ayay ku soo boodayaan oo jajuubayaan, gaarigana ku dhex tuurayaan horayna ka dhaqaajinayaan, fatuurada kalana waa ay dabagalaysa, dhaqtarkuna wuxuu saaran yahay fatuurada labaad, si uu uga ag dhawaado hadii loo baahdo in ninka la af duubay la maandooriyo,

Isser si cad ayuu amar ugu siiyay ragii asaga oo ku yiri:

”Wax dhibaata ah haddaad la kulantaan, ha sii daynina Eichmann xataa haddii la idin joojiyo, haddii booliisku idin qabto ku dhaha waxaa nahay Israa’iiliyiin, iskeen ayaana isku xilqaanay in aan Eichmann garsoorka hor geyno, , intiina aan la qabanna dalka ka baxa, idinka oo raacaya  qorshaha hadda noo dagan ”

Yaacov iyo yehudith wuxuu u sheegay in ay villada u guuraan sidii dad dalxiis ah na u dhaqmaan, oo mar mar barandada soo fariistaan oo wargays ku aqristaan, shahana ku cabaan iyo cunno fudud, basaasiinta ista soo hartayna wuxuu amar ku siiyay in ay ka guuraan hoteelada ay dagan yihiin oo tagaan aqllada qarsoon ee bad baadada, raggii howsha fuli lahaa xilligii oon la gaarin ayay diyaar garoobeen, waxay bilaabeen in raadkooda tir tiraan, baabuurtii la soo kirayay inta badan waa la celiyay,  kooxdii oo dhan muuqaalkoodii ayay ku  rogeen fool dhayid, shaaribo been ah, garar been ah, iyo timo been ah, mid kasta waxaa la siiyay dukumiinti cusub oo muuqaalkiisa cusub u eg iyo magacyo cusub.

La soco………

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply