MOSSAD-NOLO IYO GEERI MID KU KEENA EICHMANN Q-4

 

 

 

 

 

 

Zvi dhowr jeer ayuu ku laab laabtay jidka Garibaldi asaga oo lugaynaya, asaga oo fatuurad yar saaran, asga gaari dadan ee yar yar saaran, intaba sawiro ayuu ka qaadayay guriga, Vera iyo wiilka yar dayrka ayay ku ciyaarayeen balse kalement ma uusan arag,  wuxuu go’aansaday  in uu maalin arki doono, sida war bixinta Zvi haysto ku xusan 21 ka Maarso waxay noqonaysaa sannad guuradii  kontonaad ee guurka Adolf iyo Vera, wuxuuna filayay in maalintaas uu Eichmann ka yimaado Tukuman si uu qoyskiisa ula dabaal dago, 21 kii Maarso Zvi wuxuu ku laabtay jidkii Garibaldi asaga oo kaamiradii wata,  wuxuuna dayrka guriga ku arkay, nin caato ah, bidaar leh, dhirir dhex dhexaad ah, dibno khafiifa leh, san weyn, shaaribo leh, indha gashi aragana gashan, muuqaalkaana wuxuu la mid yahay tilmaamaha Eichmann ee faylkiisa ku jira, Eichmann.

Dhinaca kale israa’iil, Isser wuxuu aaday guriga madaxa wasiirada wuxuuna ku yiri:

”Arjantiina ayaan ka helnay Eichmann, waxaan u malaynayaa in aan soo qaban karno oo israa’iil keeni karno,

Ben Gurion durbadiiba waxuu ugu soo hadal celiyay:

”Nolol iyo maydba key noqoto ku keena” oo inta yara fakaray yiri: ”waxaa fiican in aad nolol ku keentaan, muhiim ayay u tahay dhallinyaradeena”

waxaa lays ku duba riday koox ka kooban 12 qof oo mid walba iskiis u doortay in uu ka qayb galo howl galka, ciidanka howlgalada ee nabad sugida ayay ahaayeen kuwa halbolaha u ahaa kooxda, , rafi Itan waxaa looga dhigay hoggaamiye iyo Zvi Malkin oo ku xigeen u ahaa,  Rafi waxaa lagu tilaamaa in uu yahay geesi jir ahaan awood leh, xeelna badan, nin bidaar leh sunniyo badan, indho god ku jira leh, ayuu ahaa, waxaana loo yaqaanay basaas qabataha ugu fiican ee Shabak, waligii qori ma qaadan, xeeshiisa iyo garaadkiisa ayuu adeegsadaa, wuxuu banaanka u soo saaray oo kashifay basaasiin badan oo ruush ah, Malkin caruurnimadiisi wuxuu ku soo qaatay dalka Booland, ka dibna asaga iyo ciddiisii ay u soo baqooleen Israa’iil walaashiis kaliya oo Booland ku hartay maahine, Malkin qaraabadiisii o dhan waxay ku baaba’een xasuuqii Yuhuuda Jarmalku u gaystay, wuxuu ku soo bar baaray Xayfa kana qayb qaatay dagaalkii xornima doonka, nin hibooyin badana waa uu ahaa oo wuxuu aad ugu fiicnaa farshaxanka gacanta, qorida, iyo jilida.

”Howl gallo badan oo mossad oo aan ka qayb galay” ayuu yiri,”waxaan u fulinayay sidii aan gole ka jilayo, fool hagaajin [turuko] baan adeegsadaa iyo isku ekaysiin qof kale, markaan howl gal ku jiro waxaan dareemaa sidii aan ahay soo saare riwaayad, amarada howlgalada ee la isiiyana waxaan u qortaa sida loo qoro dhacdooyinka filimada”

Ragga kale waxa ka mid ahaa, Abraham Shalom, nin buuxa oo ku dhashay Viyeena,ahaana ku xigeenka Rafi, aamusna badan, markii danbana noqday madaxa Shabak, Yakub Gata oo si qarsoodiya uga howl gali jiray Baariis, Moshe tav, askari hore oo ka tirsanaa ciidanka Ingiriiska haddana xubin ka ah kooxda aargoosiga ee ugaarsada danbiilayaashii Naziyiinta oo qaar ka mid ah uu asagu qof ahaan dilay,  Iyo Shalom Danny, far shaxan yahan aad u dagan, wuxuuna aad ugu dheereeyay oo uu halis ku ahaa samaynta waraaqaha iyo dukumiintiyada been abuurka ah,  dhamaatood inta kooxda ku jirta waxay lahaayeen qoysas iyo xirfado, Efiam Lani.wuxuu ad u kala yaqiinay Arjantiina, boonis ayaris na si wanaagsan ayuu u kala garanayay, wuxuuna ahaa tumaal xirfad sare leh, xoog badan,  daaacad ah oo qof walba soo jiita, Yehudit Nessyahu, naag diinta aad ugu fiican iyo qofta dumar ah ee kaliya ee kooxda ku jirta, yara cayilan dadka caadi ahna aan wax ka duwanenyn markaad aragto, Dr Yonah Elian, dhqtar wax badan ka qayb qaatay howl gallo Mossad fulisay wuxuuna qayb ka qaadan doona keenista Eichmann la keenayo israa’iil, Zvi aharoni, oo baare ah asna kooxda ayuu ku biiray iskiis ayuuna isku xilqaamay, balse qofkii u horeeyay ee isku xilqaama in uu kooxda ku biiro waxuu ahaa Isser, aad ayuuna u jeclnaa in howl gal dibada ka dhacaya uu ragiiisa asagu hogaamiyo oo waa uu ogaa sida wax u socdaan, in loo baahanyahay go’aamo dag dag ah oo sare, arrintaan siyaasad bay lugaha la gali kartaa, sidaas darteed lama huraan bay ahayd in uu Israa’iil joog qof go’aandaas gaari kara haddi loo baahdo.

Dhammaadkii Abriil, afar sirdoon ayaa midba dhinac ka soo galay dalka Arjantiin, waxay qarsoodi ku soo galiyeen dalka wixii agab ah oo loo baahnaa, sida halow halow ga lays kula hadlo, qalab elektaroonik ah, daawooyin, iyo qalabkii uu ku shaqayn lahaa Shalom danny oo lagu samayn laha baasaboorada, dukumintiyada, waraaqaha sugnaata ee maxkamadaha, aqal ayay ka ijaarteen magaalada oo ay u bixiyeeen qasriga, halkaas ayaa kooxdu ku noolaan doonaan kuna shaqayn, cunadoodana ku kaydsan,

Maalintii ku xigtay afartoodii waxay kiraysteen fatuurad, waxayna u kicitimeen San Fernando oo ay gaareen hal saac iyo affartan daqiiqo, ”7:40” carriigana mugdi soo noqday, yaab iyo amankaag, fatuuradii oo qun yar u socota ayaa waxaa ka soo hor baxay. Ricardo Clement oo ku soocsocda, wax danayn ah ma muujiin ee gurigiisa ayuu galay, raggiina waxay hadal ku soo gaba gabeeyeen in ay u badan tahay in Clement uu fiid kasta gurigiisa yimaado, lana af duubi karo markuu marayo aaga cidlada ah ee u dhaxeeya gurigiisa iyo joogsiga tareenka, habeenkaas waxay la xariireen Israa’iil ayaga oo adeegsanaya magaca howl galka oo ahaa, ”maan gal” fariintay direena waxay ahay

”haado ama diyaarad u soo dira Abba Eban”

La soco……..

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply