MOSSAD-NOLO IYO GEERI MID KU KEENA EICHMANN Q-11

 

 

 

Isser wuxuu u sheegay sidii aqoosigiisa lagu sugay iyo in uu asagu qirtay ka dib markii uu ku daalay haynta la hayo, balse odaygii intaas kuma qancin, ee wuxuu yiri intaas kaliya iguma filna, oo in tallaabo kale la qaado ma ogolaanayo intiisi fiican looga hubsanayo,

Wuxuu doonayay hal ama laba qof oo qof ahaan u taqaan Eichmann oo horay ula kulmay oo aqoonsada, in boqolkiiba boqol uu husado ayuu doonayay, xukuumadana waxba uma sheegin tan iyo intii wax laga hubsanayo, Isser wuxuu wacay xafiiskiisii oo u sheegay ciidankiisii in la soo helo qof aqoonsada Eichmann, waxaana la soo helay laba Israa’iil oo hadda ka hor la kulmay Eichmann, halkii uu ku xirnaa Eichmann markii la keenay oo ay arkeen oo la hadleen waa ay aqoonsaday.

Duhurnimadii nin ka socda dowlada israa’iil ayaa soo galay makhaayad ku taal Farankfort, wuxuuna si hal haleel ah u tagay miis uu fadhiyay nin odaya oo tima cad oo kaligiis fadhiya,

”mudane Fritz, Adolf Eichmann gacanteena ayuu ku jiraa, ciidan keena ayaa soo qabtay oo Israa’iil keenay, mar aan fogayn madaxa wasiiradu, kanesset ka ayuu wax murtiyeed kaga dhawaaqayaa”

Fritz oo dareen gudaha ah dhaqaaqay ayaa istaagay asaga oo cagmuhu gariirayaan, Fritz waa ninkii Mossad siiyay meesha laga helayo Eichmann, asaga la’aantiisna aysan dhici lahayn in la soo qabto Eichmann, waa uu is hayn waayay oo oohin, ayaa soo dhaaftay, wuxuuna si xoog leh  garbaha uga qabsaday nin kii Israaiiliga ahaa oo hab siiyay dhabankana ka dhunkaday.

 

Toban saac galabtii ”4:00” Ben Gurion ayaa war bixin gaaban ka jeediyay kanesset ka, kuna yiri:

”waxaan idinku war galinayaa in ciidamada nabad sugida Israa’iil ay dhawaan gacanta ku soo dhigeen mid ka mid ah danbiilayaashii ugu waaweynaa ee Naaziyiinta, kuwii keenay waxay ugu yeereen ”xalkii ugu danbeeyay” oo ahaa xasuuqidii lix milyan oo Yuhuuda yurub ahayd, Adolf Eichmann hadda wuxuu ku xiran yahay Israa’iil, waxaana la hor gayn doonaa maxkamad, ayada oo la tixraacayo sharciga fal danbiyeedka ay geysteen Naaziyiintii iyo kuwii ku garab joogay”

sacab ayaa is qabsaday goobtii oo dhan, markii sacabkii dagay oo kulankii dhamaaday, nin ayaa ka istagay kursi meel danbe ah, nin aan cidna aqoon, cidina magaciisa maqlin, waana uu baxay, kaas wuxuu ahaa Isser Harel.

Maxkamadayntii Eichmann waxay ka bilaabatay Juurusalaam, 11 Abriil. 1961, boqol iyo toban qof oo ka badbaaday xasuuqii xeryaha Jarmalka ayaa markhaatiyaal ahaa, qaar waligood kama hadlin dhibkii gaaray balse hadda sheegay dhacdooyin murug iyo argagax leh,

Israa’iil oo idil raadiyaasha ayaa dhagaha lagu hayay oo la dhagaysanayay sheekooyinka argagaxa leh oo ay markhaatiyaashu sheegayeen, 15 kii Dismber 1961, ayaa Eichmann lagu xukumay dil, rafcaankii uu ka qaatay maxkamadana waa la diiday, cafisna waxaa u diiday madaxweyne, Yitzhak ben Zvi,  31 dii May, 1962, Adolf Eichmann waxaa lagu war galiayay in dhimashadiisii soo dhawaatay, dhowr waraaqood ayuu u kala qoray qoyskiisii iyo saaxiibadiis, hal dhalo oo Fiinada cas ahna waa uu cabay, waxaana loo keenay wadaad, markii uu wadaadkii u yimid, Eichmann wuxuu ku yiri:

”caawa kitaabka baybalka kaala hadli mayo, waqti aan dhumiyana ma hayo”

Wadaadkiina waa ka tagay, si kadis ah ayaa waxaa u yimid nin aan la filayn, Rafi Eitan, af duubihii, Rafi wuxuu hor istaagay ninkii dilka ku xukunaa, Rafi eray ma oran, balse Eichmann inta uu fiirshay Rafi ayuu yiri:

”waxaan rajaynayaa in adigana xilligaagu yimyaado, aniga gadaashay”

Ilaaladii waxay Eichmann u wadeen qolkii yaraa ee dilka lagu fulinayay, daaqad yar oo la furay ayaa qoorta loo galiyay, dad dowlada ka socda iyo wariyayaal iyo dhaqtar ayaa loo ogolaaday in ay goob joog ahaadaan, maqlaana erayadiisa u danbeeya, asaga oo sidii dhaqanka u ahayd Naaziyiinta u hadlaya ayuu yiri:

”mar kale ayaan kulmi doonaa, waxaan noolaa aniga oo ilaahay rumaysan, waxaan adeecay qawaaniinta dagaalka, daacadna waxaan u ahaa calankayga”

 

Laba askari oo muraayad gadasheed ku jira ayaa laba badhan mar qura wada riixan, labada  badhanna ma wada shaqeeyaan ee mid uun baa howsha qabta, sidaasna kan dilka ku fuliyay Eichmann lama ogaan karin, maydkii Eichmann waxaa lagu gubay foorno dayrka xabsiga ku taalay, 1 dii Juun 1962, doon dheeraysa oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada bada ee Israa’iil ayaa markii ay ka baxday biyaha bada Israa’iil, matoorkii dansatay, intii ay sabaynaysayna sarkaal booliis ah ayaa haraagii danbaska ee Eichmann ku daadiyay badda,

Zvi Malkin cidiisii inta badan xasuuqii Naaziyiinta ayay ku baaba’een, walaashii Fruma iyo caruurteedii waxay ku dhammaadeen xasuuqii, wuxuu ku foorarsaday hooyadii oo sariir saaran, wuxuuna ku yiri:

”hooyo, Eichmann waan soo qabaty, Fruma waan u aaray”

”waan ogaa in aadan walaashaa iloobayn” ayay tiri islaantii sii dhimanaysay.

DHAMMAAD

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply