MOSSAD-NOLOL IYO GEERI MID KU KEENA EICHMANN Q-1

 

 

 

 

‘‘Magacaana”? ayaa gabadhii weydiisay.

”Nicolas” ayuu yiri asagoo dhoolla cadaynaya ”asxaabatduna waxay iigu yeeraan nik Eichmann”

Dayrtii 1957, Isser Harel wuxuu helay farrin yaab leh oo kaga timid Farankfort, Jarmalka, waxayna sheegaysay in xeer ilaaliya guud jarmalka Dr Fritz Bauer, uu doonayo in sir u soo  gudbiyo mossad, Isser waa uu garanayay Fritz oo ahaa nin aad looga ixtiraamo dalka Jarmalka, wuxuuna caan ku ahaa raadinta danbiilayaashii Naaziyiinta, Fritz wuxuu ahaa Yuhuudi wuxuuna ahaan jiray duuliye diyaaradaha bambooyinka, Hitler markii uu awooda qabsadaayna Fritz waxaa la geeyay xeryihii Yuhuuda lagu hayn jiray, mar danbe ayuu u baxsaday Danmark ka dibna isweeden uga sii gudbay, markii dagaalkii labaad dhamaadayna wuxuu isku xilqaamay dabagalka iyo ciqaabidda danbiilayaashii Naaziyiinta, si aad ah ayuu uga hadli jiray niyad jabka uu ka qaaday dowlada Jarmalka oo wax badan aan ka qaban in ay Naaziyiinta xididada u siibto.

November 1957, Isser wuxuu diray Shaul Darom, oo ahaa sarkaal Mossad ah si uu ula kulmo Fritz, wuxuuna Dyimid Farankfort, wada hadal dheer na la yeeshay xeer ilaaliyahii guud, dhowr maalmood ka dibna waxa uu tagay xafiiska Isser ee Tel aviv wuxuuna ku yiri:

‘‘Fritz wuxuu ii sheegay in Eichmann uu nool yahay oo ku dhuumaalaysanayo Arjantiin”

Isser warkaas waa ka gariiriyay sida malaayiin Yuhuuda uu uga gariirsiin lahaa, wuxuuna u yaqiinay in gaashaanle sare Eichmann uu dugaagnimo la taaban karo gaystay, Eichmann asaga ayaa qof ahaan maaraaynayay xalkii u danbeeyay ee Naaziyiinta oo ahaa in yurub laga sifeeyo Yuhuuda,  wuxuuna noloshiisii u hibeeyay gubida 6 milyan oo Yuhuud ah, dagaalku markii uu dhamaadayna waa uu mirqay oo meel uu ka baxay ayaa la waayay, qof yaqaanay meel uu aadayna ma jirin, waxaana la isla dhex mari jiray in uu Suuriya joogo, markalena lagu sheegay Masar iyo Kuwayt iyo Koofur Afrika, Darom wuxuu si faah faahsan u sheegay warkii uu Fritz u soo sheegay oo ahaa.

Fritz waxaa xaashi uga timid Arjantiin, waxaana soo diray nin Jarmal ah balse dhinac ka ah Yuhuud oo halkaas mar hore u xaqay aadna ugu soo dhibtooday Naaziyiintii, wuxuuna wargays ka aqriyay in Fritz uu ku daba joogo oo raadis ugu jiro danbiilayaashii Naaziyiinta, uuna ugu horreeyo dadka uu raadinayo Adolf Eichmann,  wuxuu sheegay in gabadhiisa silvia ay la socotay inan dhallinyara ah oo la yiraahdo Nick Eichmann, aad ayuna ula yaabay, wuxuuna is tusay in ninkan dhallin yarada ah uu qaraabo la yahay dilaagii Adolf Eichmann, wuxuu u soo sheegy Fritz in in uu raggiisa ku hagi karo halka uu ku nool yahay oo isku qariyo Eichmann, waxaa la sheegaa in Adolf uu ku nool yahay bonis ayres,Fritz waa ogaa in Adolf Eichmann oo mar hore ka baxay Jarmalka oo asaga iyo xaaskiisa Vera iyo sadeex wiil ee uu dhalay ay joogeen Awstariya, balse dhowr gu’ ka dib ay u baqooleen Arjantiin asaga iyo wiilashiisii, Fritz waa uu maqlay in Vera ay Arjantiina aaday oo mar kale guursatay, guurka labaad ninka ay guursatayna waxuu u badiyay in uu yahay Adolf, ninkeedii oo is qarinaya oo ay kadaba tagtay

Fritz wuxuu ka baqay hadii uu dowlada Jarmalka weydiisto in dib loogu soo celiyo Adolf Jarmalka in uu baxsado, Jarmalkana kuma kalsoonayn oo garsoorka dalka waxaa ka buuxay Naaziyiin hore, xataa safaarada jalmalka ee Arjantiin tuhun ayuu ka qabay wuxuuna ka baqayay haddii laga codsado dowlada Arjantiina in ay soo dhiibto Adolf in shaqaalaha danjiraha qaarkood u digaan oo uu dhuunto,

Fritz na si qayaxan ayuu ugu sheegay Darom in uu doonayo in mossad soo ogaato in ninka lagu sheegay Boonis ayris uu yahay Adolf, haddii uu noqdana ay israa’iil ka dalbato dowlada Arjantiina in loo soo gacan galiyo ama ay qaadaan howl gal qarsoon oo ay ku soo af duubaan,

‘‘Maalmo iyo habeena badan ayaan ka fakarayay arrintaan in aan go’aan ka gaaro” ayuu yiri Fritz” hal qof kaliya ayaana og Jarmalka go’aankayga ah in aan warbixintaan dhiibo, waana madaxweynaha aaayatiinka dalkaan,”

Darom oo hadda dib ugu soo laabtay israa’iil wuxuu hal waraaq oo daah furaysay halka uu ku dhuumanayo Adolf miiska u saaray Isser, asna hal weedh ayaa indhihiisu si fiican u qabteen, ”4261 calle chacabuco olivos, buenos aires”, ciwaanka halka la sheegay in Adolf daggan yahay.

1958, nin dhallin yara ah ayaa mushaaxayay jidka calle chacabuco, wuxuuna ahaa Emmanuel  ”Emma”Taknor, kana tirsanaa laanta howl galka gaarka ah ee Mossad, Isser ayaa u soo diray in uu soo hubiyo fariintii Fritz, Emma wuxuu arkay ma aysan qancin oo olivos waxay ahayd meel ay daganyihiin dad sabool ah, labada dhinac ee jidka baaba’san ee calle chacabuco waxaa ku yaalay guryo doqoshyo ah oo uu ka midi ahaa guriga lumber 4261, dayrka yarka ee gurigana wuxuu ku arkay, qof dumar ah oo buuran oo aad u rafaadsan.

”U malayn maayo in Adolf Eichmann ku nool yahay gurigaas” ayaa Emma ku yiri Isser markii uu ka soo laabtay Arjantiin, Emma wuxuu ku yiri Isser maalmo ka dib ayag oo xafiiska jooga.

”Waan hubaa in Adolf uu lacag badan u xawishay Arjantiin, sida madaxdii sare ee Naaziyiintu sameeyeen oo baxsashadooda sii diyaarsaday in badan ka hor intaan Jarmalku dagaalka ku jabin, marna maskaxdayda ma galayso in uu gurigaas buulka ka ah uu ku nool yahay Adolf, naagtaas buuranna ay Vera tahay”

La soco……..

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply