MOSSAD-HOWLGALKII DIMISHIQ -Q4AAD

 

 

 

Howlgalkaan iyo kuwa kale ba waa la joojiyay ka dib markii prosper iyo raggiisii ay arkeen ciidan aan caadi ahayn oo xeebta lagu daaadshay, mana ku gali Karin halis xeebahaan aadka loo ilaalinayo, prosper wuxuu go, aansaday in libnaan la aado, wuxuuna u sheegay gacan yarihiisii suuriga ahaa in ay dhaqso ugu cararaan bayruut oo boqol kilo mitir u jirtay.

soohdinta markii uu gudbay prosper wuxuu qumaati u aaday Jounieh, dakad ku taal waqooyiga bayruut, wuxuuna kiraystay doon mel dhexaad ah, asaga oo u sheegay ninkii uu ka kiraystay in uu rabo doon kuwa raaxada ah oo qaada ilaa shan iyo toban qof, waayo wuxuu doonayaa in uu saaxiibkiis u smaeyo xaflad dhalasho oo uu kadis uga dhigo.

Markii doontii uu gacanta ku dhigay diyarna u ahaa nin uu dhaqaajiyo ayuu wacay madaxdiisii una sheegay is badalka ku yimid qorshihii, wax yar ka dibna waxaa u yimid farriintii loogu oggolaaday qorsha baddalka.

habeenkaas ayaa baabuurkii ka yimid Dimishiq asaga oo sida xamuul aan caadi ahayn oo dumar yuhuuda ah, Claudie ayaa gaariga waday, gaarigu wuxuu istaagay dhowr kilo mitir meel u jirta xaduuda libnaan oo dadkii laga dajiyay, Claudia kaligiis ayaa gaarigii waday oo bartii baaritaanka soohdinta tusay waraaqihiisii ka dibna u gudbay dhinaca libnaan, istaagayna wadada dhinaceeda.

gabdhihii yuhuuda ahaa ayaga oo jiidaya boorsooyinkoodii oo raggii mossad ay ilaalinayaan, oo ay qarda jeex badan iyo mugdi ku guurays ku jireen saacdo badan  ayay ayaga oo daalan u soo tallaabeen dhinaca libnaan una yimaadeen gaarigii oo wadada dhinaceeda ku sugayay, waxayn ku dhaqajiyeen jounieh. Mid mid ayay u fuuleen doontii ugu danbayna doontii xaflada dhalashada lagu qabanayay bad weynta u shiraacatay, markaas ka dib ayaa gabdhihii lagu wareejiyay doon ciidamdu leeyihiin.

Cosa nostra maalintaas waxay joogeen bayruut oo ay iska dhex mushaaxayeen, habeenkiina dib ayay ugu laabteen Suuriya ayaga oo fatuuradii kaga dagay dhowr kilo mitir ka hor soohdinta sidii hore oo kale, dhex qaadayna beero mugdi oo kor kala wareegteen bartii baaritaanka soohdinta, claudie iyo gaarigii si sharci ah ayay ku gudbeen raggiisiina kula kulmay meel dhaxe, sidaasna Dimishiq ugu laabteen, maalintii ku xigtayna waxay u duleen baaris ka diba tel aviv.

Howl galkaas wuxuu soo af jarmay 1973, markii gold meir ay tagtay saldhiga ciidamada bada ee Haifa oo ay qof ahaan ayadu ugu mahad celisay prosper, claudie iyo raggi kale howshii ay qabteen intii u haxaysay 1970-1973, mossad iyo ciidanka baddu waxay fuliyeen 2 howl gal oo lagu soo dal dalayay dhalin yaro yuhuud ah oo rag iyo dumar isugu jira oo laga soo bixinayay Suuriya, laga soo tahriibinyay xeebaha tartuus iyo xeebaha libnaan, howl galadaas oo dhan guul ayay ku dhamaadeen waxaana lagu soo bixiyay 12 qof oo dhillinyaro ah oo la keenay israa’iil.

Waxaana timid dhamaadkii Cosa nostra oo xubnihii ay nolo daggan galeen, qaarkood ganacsi galeen, qaar kalana dowlada u shaqa bileebeen, balse mar mar la fulinayo howlgalo mossad oo gaar ah waa loo yeeri jiray.

 

Muddo ka dib ayaa Emanuel, [claudie] waxaa laga casuumay aroos dad qaraaba ah, waxaana la baray aroosadii oo durbadiiba aqoonsaday in ay ka mid ahayd bikrooyikii Suuriya ee uu wax ka soo bad baadiyay, wuxuuna weydiiyay

“Xagee ka timid?”

gabadhii waa ay naxday oo waxaa weli ku taagnayd ballantii la faray,

“Suuriya miyaadan ka imaan? Dhinaca badda?

Sara jooga ayay ka dhici gaaratay gabadhii oo inta gacmihiisii qabatay hab siisay, oo si xaraarad leh u dhunkatay oo tiri,

“Adiga ayuu ahaa kii I soo saaray” markaas ayuu ku yiri,

“Hada aan joogno, saan arko caawa, halistaas inaan galno waa u qalantay”

 

DHAMMAD

 

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

 

 

 

 

Leave a Reply