MOSSAD-HOWLGALKII DIMISHIQ -Q2AAD

 

 

 

wareejinta gabdhahii waxay ahayd mid si habsami leh oo hufan u dhacday. Zabu iyo raggiisii gabhihii baqsanaa oo qoboow la gariiraya ayay kubeertooyin huwiyeen oo sandwiij iyo koffee siiyeen, ka dibna doontii u jihaystay Haifa oo uu gaaray 4 aroornimo,.

 

muqaal qof oo aan qof kale lagu khaldi Karin ayuu indhaha ku dhufatay, waxay ahayd madaxa wasiirada golda meir oo meesha ku sugaysay, oo ay la socdaan madaxa ciidamada israa’iil, jeneraal Haim Bar-Lev, iyo ku xigeenkiisii jenaraal David (Dado) H’azar, golda soo dhaweyn ayay u smaysay gabdhihii Suuriyaanka aadna waxay uga qarracantay sheekooyinkii ay uga sheekeeyeen,

 

Gu’yaashii ku xigay ben ze’ev iyo kii ka danbeeyayba amnon gonen, howl galo caynkaas ah ayay fuliyeen oo gabdho looga tahriibinayo Suuriya, oo la keenayo libnaan ka dibna israa’iil loo qaadayo, balse soo gudubkii soohdinta Suuriya-libnaan ayaa halis noqotay, laguna kalsoonaan kari waayay carabta wax tahriibiya iyo kalluumaystada libnaan ba, golda meir waxay go’aan satay in gabdhaha haray si qumaatiya looga soo qaado Suuriya oo israa’iil la keeno, waxayna u yeertay zamir oo ay amar ku siisay in loo gurmado gabdhaha Suuriya ku haray.

 

Markii uu la kulamay affarta cosa nostra wuxuu ku yiri,

“Howshiinu wa in aad gabdhahaas soo badbaadisaan”

Dood adag ayaa meshii ka dhacday oo mid leeyahay, tani ma shaqo mossad baa?

“Howshaan waxay ahayd in ay qabtaan hay’ada yuhuuda oo ay shaqadooda tahay”

mid kale wuxuu yiri

“mossad kama shaqayso gabdho guurdoon ah, mana ahan in madaxdoodu ay naftooda halis ku galiyaan oo u diraan dalka  carab oo halisan, kaliya sidii bikrooyin yuhuuda rag loogu heli lahaa”

 

balse madaxoodii ugama nuuxsan meeshiisii wuxuuna xasuusiyay raggiisi, in loo guramado yuhuuda dalalka nacabka jooga in ay tahay ujeedkii u horeeyay ee mossad loo sameeyay, howl galkaan waxaa loo bixiyay “smicha” oo afka cibriga ku lagu yiraahdo buste ama kubeerto.

 

Maalintii cosa nostra timid maalintii ka danbaysay kalsoonidoodu waa soo kabatay, waxayna dhex mushaaxayeen Dimishiq ayaga oo af faransiis ku sheekaysanaya, iskana hubinaya in aan mukhaabaraat ka ama sirdoonka Suuriya ayasan ku daba jirin, galabtaas . “Prosper” iyo “Claudie” [Emanuel] waxay aadeen suuq aad u iftiimaya, waxayna eeg eegayeen dahabka ayaga oo af faransiis ku hadlaya, markii mid ganacdase dahab ah uu si hoose ugu yiri,

“ma waxaad ka timaaden Bnai Amenu, sidaas sow maaha?”

cibrigana ku aha ma waxaad ka timaadeen dadkeenii, labadoodiiba waa ay yaabeen oo is yiraahdeen haddiiba siaan fudud la idiin aqoonsan karo halis ayaad ku jirtaan, ganacsadihii waa iska dhaga tireen oo si dhaqsa ah dukaankiisii uga baxeen oo dadkii ku dhex darsameen.

 

Warka sheegaya, ka baxsashada suuriyo ee israa’iil lagu aadayo wuxuu ku dhex faafay gabdhihii yuhuuda ee Suuriya,

“xaaladeenu aad ayay u xumayd” ayay mar danbe tiri sara gafii oo ka mid ahayd gabdhihii la soo bixiyay,

“cadaadis weyn ayaa naga haystay dhinaca guurka, yaan guursanaa? Qofba ma joogin, waxaan maqalnay sheekooyin badan iyo nux nux, waxaana masakdeenu ku mashquushay fikirka ah in aan israa’iil tagno, dhulkii dadkeena yuhuuda”

 

Farriin ayaa si qarsoodiya ugu timid prosper:

berry gabdhuhu waxay idin ku sugayaa baabuur yaal meel aan hoteeladiina ka fogayn. Fiidnimadii ku xigtayna cosa nostra waa ay heleen baabuurkii oo jid mugdi ah yaal oo shiraac ku dadan yahay, hoteeladoodii mar hore ayay sii daayeen boorsooyinkoodiina waa ay wateen, lab ka mid ah waxay ka fuushay gaariga horey, labaii kalana gadaal ayay koreen, shiraaca hoostiisana waxaa ku jiray dhowr gabdhood oo da’doodu u dhaxayso shan iyo toban iyo labaatan, iyo wiil yar.

 

Cosa nostra waxay gashteen koofiyado ay hoos u gu soo dhigeen foolashooda, wax yar ka kor indhah, waa ay ogaayeen in jidadka waaweyn ee Suuriya ay mar mar jidgooyo iyo bara baaritaan ay dhigtaan ciidamada iyo booliisku, waxayna go’aansadeen haddi booliis joojiyo in ay ku yiraahdaan gaarigu wuxuu sidaa gabdho dugsi sare oo dalxiis dugsigu qaban qaabiyay u socdaan.

 

gaariga waxaa keenay oo waday kal kaaliyihii mossad ee suuriga ahaa oo laba gabdhood ka sii qaaday meel hory loogu balamiyay ka dibna waqooyi u dhaqaajiyay iyo magaalda tartuus, waxay gaareen xeeb cidla ah, gabdhihii iyo raggi waday waxay ku dhuunteen buul xeebta ka fog, meel kale oo ka fog xeebta waxaa ku sagayay doontii ciidamada israa’iil oo nooc gantaalaha sita ah

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

Leave a Reply