MOSSAD-HOWLGALKII DIMISHIQ -Q1AAD

 

 

 

Habeen duufaan ah bishii Noofambar 1971, dooni dagaal ee kuwa gantaalaha sita ah  ee Israail ayaa la halgamaysay ka soo horjeedda hirarka badda xilli ay u sii jeedday dhinaca xeebta Suuriya. Waxay ka tagtay saldhiga weyn ee ciidamada badda ee Haifa fiidnimadii hore, waxay u shiraacday xeebta Lubnaan, ka dibna  waxay gashay biyaha soohdinta Siiriya. Doontan la madoobeeyay ayaa gudubtay dekeddii Latakiyeh oo iftiinkeedu baxayo, waxayna u sii ambaqaaday waqooyi. ugu dambeyntii waxay timid goob nabad ah oo ka durugsan xeebta cidla ah, oo u dhow soohdinta Turkiga.

 

ciidamada kumaandooska ee Flotilla 13, waxay bada ku tuurteen huuri caag ah, qol illinku xidhanaa ayaa la furay, waxaana ka soo baxay saddex nin oo dhar rayid ah xidhan, foolashooda waxaa qariyey koofiyado ay ku soo rogeen, waxayna wateen boorsooyin aan biyuhu galin, waxaana ugu jiray taransistooro, baasabooro been abuur ah iyo aqagkii ay qof ahaan ugu baahnaayeen, iyo bastoolado cabaysan, ayaga oo aan hal eray oran  waxay ku boodeen huurigii caaga ahaa ee doonta hoos yaalay, Taliyeyaashii ciidanka doonta watay looma soo soo sheegin magacyada raggaas iyo sababta ay raggaas ugu gaynayaan Suuriya.

 

Markay ku sii dhowaanayeen xeebta, wax yar ka hor waaberigii, seddexdii rayidka ahaa waxay quuseen biyihii qaboobaa waxayna u dabaasheen  dhanka xeebta. Waxayna jilba jabsadeen hirarkii dhexdooda tan iyo intii ay ka arkeen humaaga  ninkii sugayay. Waxayna dabaasheen dhowrkii mitir ee  dambeyey, wayna u tageen ninkii sugayay, wuxuuna ahaa Natan, oo magaciisa qarsoon ee loogu yeero uu ahaa “Prosper”,

 

Hogaamiyahoodii Wuxuu u keenay raggiisii dhar qalalan ayaga oo qaboow la gariiraya, isla markiina dharkii qoyanaa ayay iska badaleen. Wuxuu u kaxeeyay dhicii gaadhigiisa meel ku qarsoonaa,  nin  sida muuqata Mossad kaaliye dalka ahaa oo Suuriyaan ah ayaa ku fadhiyay kursia wadaha, fatuuradii ayuu kiciyay wuxuuna dhinac ka raacay baabuurtii ku qul qulaysay mid kamid ah wadooyinka waaweyn ee Suuriya, dhowr saacadood ka dib ayay yimaadeen Dimishiq , waxayna ku kala dageen laba hotel.

 

Hurdo dheer ka dib ayay isku yimaadeen oo Dimishiq  jeedaalin u baxeen, dhammaantood waxay ahaayeen kumaandooska flotilla 13, haddase mossad u howl galaya, waxayna ku jireen howlgalkii noloshooda oo aan caadi ahayn, raggaas waxaa ka mid ahaa David Molad.

 

Howlgalka waxaa lagu qorsheeyay dhowr toddobaad ka hor xarunta Mossad ee Tel Aviv. Madaxa mossad, Zvi Zamir; madaxa Caesarea, Mike Harari; iyo madax kale oo dhawr ah ayaa la kulmay afarta nin ee dhallinyarada ah, ee da’doodu u dhaxayso labaatan iyo saddex iyo labatan iyo toddobo jir. Afartooduba waxay ahaayeen jaallayaal isku dhow , dhowr jeer oo hore wada galay hawlgallo, waxayna isku darsadeen xirfadii komaandoosnimo iyo tababar Mossad. mid ayaga ka mid ah wuxuu ku dhashay Waqooyiga Afrika waxuuna  si wanaaagsan ugu hadlaan afafkaFaransiiska iyo Carabi. Waxay isku magacaabeen oo isugu yeeran magaca “Cosa Nostra,” sida Sicilian Mafia., Zamir wuxuu bilaabay in uu faah faahin ka siiyo howlgalka.

 

Laba gu’ ka hor, farriin ayaa ka timid Suuriya. Waxaa soo diray hogaamiyaasha bulshada  yahuudda. Madaxweyne Hafez Al-Assad, oo xukunka la wareegay 1970, wuxuu dulmiyay oo xir xiray Yuhuuddii Suuriyaanka ahayd. In bandanna  dalka waa ka carareen, waxana ka soo kaga soo tageen Suuriya bulsho yar, oo dad da ‘ah u bdan., Dhallinyaradii iyo raggii xooga lahaa waa ka carareen dalkii, waxayna gadaal uga soo tageen gabdhihii yuhuuda oo aan raja ka lahayn in ay rag guursada helaan, arrinta kaliya ee u furanayd, waa in ay israa’iil u soo fakadaan, zamir wuxuu u sheegay gabdho xoogaaya in ay u soo fakadeen Libnaan ka dib markii ay tahriibiyayaal lacag siiyeen, Qaarkood ayaa la qabtay, la garaacay, la jir dilay, xataa la toogtay. Dhowr ayaa tan iyo hadda ku guuleysatay inay tagaan Beirut.

 

Dhamaantoodna waxay joogaan guryo qarsoodi ah, cinwaanadooda magaalada Bayruutna waa lahayaa, tif tifyada Mossad ee Libnaaniyiinta ayaa daryeelaya inta laga keenayo israa’iil, habeen qaboobe ah 1970, dooni kuwa gantaalaha ah ee Israa’iil ayaa ku soo dhowaatay dekeda Jounieh, waqooyiga Beirut, kaluumeysato libnaaniyiin ah ayaa keenay laba iyo toban gabdhood oo Yuhuud ah oo ka soo cararay Suuriya. Naakhuudaha doonnidu wuxuu ahaa bahal  dagaalyahan ruug caddaa ah oo badda hoosteeda  iyo dusheeduba iskugu mid yihiin. Gaashaanle dhexe Avraham (Zabu) Ben-Ze’ev. Howlgalka  ka hor, isaga iyo raggiisiiba waxay qaateen tababar aad u adag  oo ay ku qaateen goob laga dhisay saldhig ciidamada badda una eg xeebta lubnaan ee howl galka laga fulin doono.

 

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

Leave a Reply