MOSSAD-HAKINTII NUKLIYEERKA IIRAAN-Q-1

23 Juulaay 2011, afartii iyo barkii galabnimo, laba dableey ah oo mooto saaran oo marayay jidka bani hashim ee koofurta Tehraan, ayaa qoryaha daran dooriga u dhaca kala soo baxay jaakadahooda waxayna toogasho ku dileen nin aqalkiisa sii galaya, ka dibna waa ay mirqeen intaan booliisku imaan wax badan ka hor, ninka la dilay wuxuu ahaa Darioush Rezaei Najad, 35 jir, ahaa barofaysar cilmiga fiisikiska ahaana xubin ka dhex muuqatay samayta nukliyeerka Iiraan ee qarsoodiga ahaa, wuxuuna u xilsaarnaa horomarinta furayaasha elaktarooniga ah ee lagu dhaqaajiyo madaxyada nuyekleerka, Najad ma ahayn saynisyahanka qudha ee Iiraaniya oo la kulmay dil waayahaan danbe, rasmi ahaan Iiraan waxay samaysanaysay nuyukliyeer nabadeed, waxay sheegeen in dhaliyaha nukliyeerka ee Bushehr oo Ruushku uu gacan ka siiyay ay muhiim u tahay tamarta dalka, taas oo caddayn u ahayd ujeedkooda wanaagsan, balse waxaa jiray oo la ogaaday dhaliyayaal nukliyeer kale oo qarsoodi ahaa, dhammantoodna aad loo ilaaliyo oo aan la galli karin na, muddo ka dib Iiraan way ay qiratay in ay jiraan balse waa ay diiday in ay hub ahaa u adeegsanayaan, sirdoonka reer galbeedka iyo ururo gudaha ah ka dhisan oo qarsoodiya ayaa kashifay saynisyahano wax ka dhiga jaamicadaha Iiraan in ay lug ku leeyihiin samaynta bombkii nukliyeerka ee ugu horeeyay ee Iiraan, gudaha Iiraan qolo la garan waayey cid ay yihiin ayaa dagaal xun bilaabay si loo joojiyo samaynta nukliyeerka.

29-kii Nufember toddobadii iyo affrtan iyo shan daqiiqo ee aroornimo, waqooyiga Tehraan, mooto ayaa kaga timid gadaalka fatuuradii u watay Dr Majid Shahriyari, madaxa mashruuca nukliyeerka ee Iiraan, markii uu dhaafi rabay ayaa wadihii motada ee koofida qafilan qabay ku dhajiyay walax muraayada danbe ee fatuurada, il biliqsiyo ka dibna waxaa qaraxday fatuuradii halkaas uu ku dhintay 45 jirkii fiisikiistaha ahaa xaaskiisuna ku dhaawacantay.

Isla xilligaas Jidka Atas ee koofurta Tehraan mooto wade kale ayaa sidaas si la eg ku sameeyay fatuurad peugot ah oo uu watay Dr Fereydiin Abas, oo ahaa saynis yahan nukliyeerka, qaraxiina waxaa ku dhaawacMay Dr Cabaas iyo xaaskiisa, dowlada Iiraan na waxay farta ku fiiqday Mossad, doorka ay labadaas sanisyahan ay ku lahaayeen mashruucan atomiga ee Iiraan waa la qariyay, madaxweyne Axmadinejad wuxuu carrab dhabay in labadaas nin ay sidooda gaarka ay wax tar ugu lahaayeen dalka, durbadii markii Cabaas ka bogsooday dhaawiciina wuxuu ka dhigay madax weyne ku xigeenka dalka, raggii weerarkaas geeystay lama helin.

22 Janaayo 2010 toddobadii iyo konto aroornimo, borofaysar Mascuud Maxamadi waxa uu ka soo baxay gurigiisa ku yaal jidka Shariicaati ee xaafadda Gaytarihi ee waqooyiga Tehraan, wuxuu usii jeeday shaybaarkiisa ku yaal jaamicadda sayniska ee sharif, markii uu damcay in uu gaarigiisa furo, waxaa dhacay qarax weyn oo xaafadii daganayd ruxay, ciidamadii soo gurmaday waxay u yimaadeen gaarigii oo bur buray iyo maxamadi oo cad cad u kala duulay, qaraxa uu ku dhintay wuxuu ahaa bomb ay mooto fatuuradiisa ag taagnayd ay ugu xirtay gaariga, warbaahinta Iiraana waxay sheegtay in sirdoonka Mossad ay ka dan beeyeen,

Maxamadi oo 55 jir ahaa wuxuu ahaa ku xeel dheere cilmiga quantum physics, la taliyana wuxuu ka ahaa mashruuca nukliyeerka Iiraan, war baahinta yurub waxay sheeegeen in uu ka tirsanaa ilaalada kacaanka, balse nolosha Maxamadi sida dhimashadiisa oo kale ayay wax daahsoon ahayd oo aan wax la ogayn, jaallayaashiisa qaar waxay sheegeen in uu argti ahaan garaadkiisa ka dhiiban jiray balse ma uusan ku dhex jirin mashruuca ciidanka ee saMaynta nukliyeerka,
Kuwa waxay yiraahdeen wuxuu la jiray kooxo dowlada ka soo horjeeda oo wuxuuba ka qayb galay banaan bax dowlada looga soo horjeedo, haddana dadkii duugtiisa ka soo qayb galay waxay u badnaayeen ilalada kacaanka iyo dowlada, naxashkiisa waxaa siday ciidamada ilaalada kacaanka, warar mar danbana waxay sheegeen in lug weyn uu ku lahaa horumarinta nukliyeerka Iiraan.

Janaayo 2007, Mossad ayaa ku dishay Drardashir xuseen sun nooca shucaaca ah, war ay qortay wargayska Sunday times ee igriiska oo ay dhinaca maraykanka ka soo xigatay wuxuu sheegay, in Mossad aysan ka fulin karin howl galkaas oo kale gudaha Iiraan, ee Dr xuseen uu u dhintay cabbur ka dib markii gurigiisu gubtay, shaqana kuma uusan lahay mashruuca nukliyeerka, ka dibse waxa la ogaaday in uu ka shaqaynayay saldhig ku yaal Isfahaan, oo yuraaniyuumta ciiriinka loogu rogo gaas, ka dibna gaas kaas loo adeegsado bacriminta yuuraaniyuumta.

2006 dii Xuseen waxaa la siiyay billada ugu saraysa Iiraan ee sayniska iyo teknooljiga, laba gu’ ka horna waxaa la siiyay billada ugu saraysa dalka ee baaritaanka iyo horumarinta ciidamada.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply