Dagan wuxuu ahaa madaxii Mossad ee ugu dheeraa inta uu kursiga fadhiyay, waxaana badalay Tamir Pardo oo asagu soo ahaa sarkaal Mossad ah tan iyo 1976, Dagan markii u xilka ku wareejinayay wuxu kala hadlay Tamir, dhibaatada iyo kalinnimada haysata basaasiinta Mossad ee ka shaqeeya dalalka nacabka ah, kuwaas oo aan lahayn cid ay ku tiirsadaan ama garab ay weydiistaan iyo cid u soo gurmanaysa markii ay taageero u baahdaan. waxa kale oo uu qirtay in uu ku guul daraystay in uu heli waayay halka Xamaas ay ku hayso askarigii Israa’iiliga ahaa ee ay af duubeen shan gu’ ka hor.[ kaas oo markii danbe la dhaafsaday boqolaal maxaabiis falastiiniyiin ah].
Si kastaba Israa’iil si wanaagsan ayaa looga sharfay, raiisul waraaha Netanyahu  iyo baarmankuba waa u istaageen oo u sacab tumeen, balse faankii ugu weynaa uu helo wuxuu ka yimid dal Israa’iil dibadiisa ah, wargayska maalin laha ah ee al ahram ee ka soo baxa dalka masar oo lagu yaqaan nacaybka uu u qabo Israa’iil ayaa 16 kii. Janaayo, 2010 ku soo baxday qormo uu qaray qoraaga Ashraf abu Hool oo ku leeyahay:
Dagan la aantiis Iiraan waa hore ayay dhamaystiri lahayd samaynta hubka niyuklerka, Iiraan way ogtahay cidda ka danbaysay dilkii saynisyahankii niyuklayrka Mascud Maxamad, mid kasta oo ka mid ah dadka sare ee Iiraan waa ogyahay qofka falkaas ka danbeeyay in uu yahay Dagan, dad badan ma yqaanaan magaca madaxa sirdoonka Mossad, si hoos ah ayuu howshiisa u qabsadaa oo ka fog faalasha warbaahinta, balse toddobadii gu’ ee u danbeeyay jug xun ayuu gaarsiiyay mashruuca niyuklayrka ee Iiraan, horu markiisiina waa uu hakiyay, Mossad ayaa ka mas’uul ah howl galo badan oo ka dhacay bariga dhexe, isku soo wada duub, intaas oo dhan waxay Dagan ka dhigtay superman kii Israa’iil
DHAMMAAD
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply