MOSSAD-HAKINTII NUKLIYEERKA IIRAAN-Q-6

Amiri wuxuu sheegay in jaamicada malek-ashtat ee uu baraha ka ahaa, ay gabaad u tahay unug samaynta iyo baarida madaxyada gantaalaha ridada dheer, waxaana jaamicadaas hurmuud ka haa Fakhri Zadeh, hal gu’ ka dib Amiri waa is rogay wuxuuna doonay in uu ku laabto Iiraan, video uu soo dhigay barta internetka wuxuu ku sheegay in CIA du ay soo af duubatay, mid labaad ayuu markaas ka dib soo dhigay oo uu ku beeninayo videogii hore, durbadiiba mid saddexaad ayuu soo dhigay oo uu ku burinayo video gii labaad, wuxuuna la xariiray danjiraha bakistaan u fadhiyay Maraykanka oo howl wadeen uga ahaa dowlada Iiraan Maraykanka, wuxuuna weydiistay in ay ku celiyaan Iiraan.

Bakistaan waa ay kaalmaysay, bishii Juulaay 2010 ayaa Amiri ka soo dagay Iiraan, wuxuuna qabtay shir war murtiyeed oo uu ku sheegay in CIA du af duubatay si xunna ula dhaqmeen, dad badan ayaa ku eedeeyay CIA da in ay ku guul daraysteen Amiri, balse af hayeenka CIA du wuxuu yiri:
”war bixino muhiim ah ayaan ka helanay anagu, Iiraaniyiituna Amir waa haystaan yaa faa’iida qaba hadda”?

Iiraaniyiintu qudhoodu ma ahayn kuwa jiifa, ee ilo wareed waa la haayeen, oo dismber 2004, waxay gacanta ku dhigeen toban basaas oo u kala shaqeeya Mossad iyo Maraykan, saddex waxay ka shaqaynayeen gudaha hoosada niyuklayrka, 2008 diina Iiraan waxay sheegatay in ay gacanta ku dhigtay unug basaasiin ah, saddex Iiraaniyiin ah oo ay tababartay Mossad loona tababary sida ay u adeegsadaan qalabka isgaarsiinta ee culus, hubka, iyo bambooyinka, nuvember 2008, Iiraaniyiintu waxay dal daleen Cali Ashtari, oo maxkamadu ku heshay in uu basaas u ahaa Israa’iil, waana uu qirtay in uu yurub kula kulmay saddex Mossad ah, wuxuuna yiri:

”Israa’iiliyiintu waxay rabeen in ay ii soo raraan rar ah cumputero iyo qalab elektaroonik ah oo aan ka iibiyo sirdoonka Iiraan, oo markaan ka iibinayo aan ku dhex rakibo qalabka la isku dhagaysto”

28 Disember 2010, waxaa xabsiga evin ee Tehraan lagu dhex dal dalay, Cali Akbar siyadat, markii lagu helay danbi ah in uu la shaqaynayay Israa’iil oo uu u gudbin jiray warbixino lixdii gu’ ee u danbaysay, war bixino ku saabsan awooda ciidan ee Iiraan iyo mashruuca gantaalaha ee ay gacanta ku hayaan ilaalada kacaanka,

Cali Akbar wuxuu kula kulmi jiray wakiilada Mossad dalalka turkiga, tayland, iyo holland, kulan kastana waxaa la siin jiray 3000 ilaa 7000 oo doollar, Iiraaniyiintii waxay ballan qaadeen qabashooyin badan oo basaasiin iyo dil daba yaal.

Markii la gaaray 2010 kii, dib u dhicii ugu weynaa ee ku dhaca mashruuca niyuklaryka Iiraan waxaa keenay, qalabka dayac tirka oo aan wanaagsanayn, oo shirkado Israa’iil ka danbayso ay ka gadi jireen iraan, sidoo kale bur burka iyo soo dhacniinka diyaaradaha, dab qabsada shay baarada, iyo qaraxyada ka dhacayay hoosooyinka lagu sameeyo niyuklayrka iyo gantaalha, baxsashada saraakiil sare, dhimashada saynisyahada, kicinn la kiciyo kooxaha laga tira badan yahay,

xagaagii 2010 kii, kumaan kun computer oo habaynayay mashruuca niyuklayrka Iiraan ayaa waxaa haleeyay fayriska stuxnet oo ka mid fayrisyada ugu xun ifka, stuxnet wuxuu dhaawac weyn gaarsiiyay computardii maamulayay xuduntahoosada natanz, wax yaabaha uu caanka ku ahaa fayrisku waxa ka mid ah, in uu weeraro sistam gaar oo uusan wax dhiba gaarsiin inta kale, sida lagu ogaadana aad ayay u adkayd, markii u sistamka Iiraan dhex galanay waxuu is bedel ku samaynay xawaaraha wareega xudun dhexaadka, taasna ay keenayso wax soo saarkii in uu noqdo wax aan faa’iido lahayn, ayada oo aan cidna dareemin, sida la sheegana laba dal ayaa leh awooda caynkaas ah ee lagu weeraro computerada, waana maraykan iyo Israa’iil, bilowgii 2011 xudumaha niyuklayrka Iiraan in badan ayaa howl gab noqotay, Mossad gu’yaal ayay daahisay qorshaha niyuklayrka Iiraan ayaga oo qaabab kala gadisan adeegsanaya sida:

cadaadis diblomaasiyadeed, cuna qabatayn golaha qaramada midoobay, ka hor joogsi Iiraan laga hor joogsado helida agabka ay ugu baahanyihiin samaynta niyulayrka, dagaal dhaqaale, ka hor istaagida bangiyada reer galbeedka iyo in ay Iiraan la sameeyaan ganacsi, isku dayid maamulka la rogo ayda oo la adeegsanayo, abuurid xasillooni darro siyaasadeed, ayada oo la kicinayo issirisada ku dhex nool Iiraan oo Kurdida, Carabta, beloshiska, iyo turkman kuba ay yihiin 50 boqolkiiba dadka dalka ku nool, weerarid iyo carqaladayn mashruuca, balse inaas oo dhan si waarta uma joojin karaan mashruuca Iiraan in ay daahiyaan maahane, kaliya waxaa si waarta u joojin kara riyada Iiraan ee niyuklayr bomb ka waa Iiraan oo iska daysa ama duulaan culus oo dibada kaga yimaada.

Dagan markii madaxa Mossad loo magacaabay xeel dheerayaashu waxay filayeen in Iiraan ugu danbayn 2005 ta ay noqonayso awood niyuklayr, sadaashaasna dib ayay u guaratay, 2007,2009,2011, markii dagan xafiiska ka tagayay 6 Janaayo 2011 fariintii uu dalkiisa u sheegay waxay ahayd, mashruuca Iiraan waxaa la daahiyay tan iyo 2015 ka, sidaa darteed waan in isla qaabkii siddeed gu’ aan ku dhaqaynay ula dhaqanaa oo weerar dagaal aan la galin, kaliya markii midida caaradeedu na gasho ayaan dagaal qaadaynaa, in midida caaradeedu na gashana waxaa ka harsan affar gu’ iyo bar,
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply