MOSSAD-HAKINTII NUKLIYEERKA IIRAAN-Q-5

2005 iyo 2008 Iiraan waxay si qarsoodi sare ah ku samaysay laba hooso oo ku yaal Qum, qorshuhuna wuxuu ahaa in godad dhulka hoostiisa ah ay ku rakibaan saddex kun oo xudun dhexaad, balse 2009 Iiraaniyiinru waxay ogaadeen in sirdoonka Maraykanka iyo kan Ingriisku iyo Israa’iil ay ogaadeen hoosada Qum, Iiraana arrintiiba dhinaca kale ayay u wareejisay oo Sebtember 2009, waxay aduunka kaga yaabsatay in ay u sheegeen ururka tamarta unuga ee aduunka hoosada Qum, waxaana la sheegay in Iiraan ay qabatay tif tif u shaqeeya reer galbeedka oo war bixin ka aruurinyay hoosada Qum, sidaas ayaa Iiraana shaaca uga qaaday jiritaanka hoosada ayaga oo ceeb ka cararayay, bil ka dib madaxa CIA duna wuxuu sheegay in ay ogaayeen hoosada Qum ilaa saddex gu’, Israa’iiliyiintuna ay lug ku lahaayeen ogaanshadaas iyo kashifida hoosada,

Ogaanshadii hoosada Qum waxay keentay is bahaysi ay samaysteen dalalkii markaa Iiraan ku lid ka ahaa, waxaa iskaashiday CIA da , MI6, iyo Mossad, sida laga helay ilo faransiis ah saddexda sirdoon waa isla shaqaynayeen, balse Israa’iil ayaa howl galada ka fulinaysay gudaha Iiraan labada kalana waa kaalmaynayeen, Israa’iil ayaa ka danbaysay qarax ka dhacay okroober 2010 hooso ku taalay buuraha zagros oo lagu samaynayay gantaalaha shehab, waxaana halkaas ku dhintay siddeed iyo tobban ka shaqaynayay hoosada. Sidoo kale ayaga oo kaalmo ka helaya Maraykanka iyo Ingriiska Mossad waxay dishay shan ku xeel dheer dhinaca niyuklayrka oo Iiraaniyiin ah.

Is kaalamaysigaan sirdoonada waxaa ka danbeeyay Meir Dagan, oo asagu markasta oran jiray, waa in aan is garabsanaa sirdoonada dalalka kale, gacan yarayaashiisii ayaa kula taliyay in aan sirta Mossad lala qaybsan dalalka kale, balse wuxuu ku yiri
”warkaan joojiya, ordaha oo la shaqeeya”,

Dagan kuma koobnayn sirdoonka Maraykanka iyo Ingriiska kaliya ee wuxuu kaloo xariir fiican la lahaa golaha iska caabinta qaran oo ahaa mucaarad dowlada Iiraan ka soo horjeeday oo war bixinada Mossad uga keeni jiray gudaha Iiraan, war murtiyeen ay qabteen madaxda goluhu waxay shaaca ka qaadeen saynis yahanka hogaaminaya mashruuca Iiraan, oo sumadiisa ama aqoonsigiisa aan la aqoon tan iyo xilligaas, wuxuuna ahaa Moshen Fakhir Zadeh, oo affartan iyo sagaal jir ah, kana ahaa profaysar fiisikiska jaamacada Tehraan.

waxa kale oo ay shaaca ka qaadeen faah faahimihiisa oo ay ka mid tahay in uu ka tirsanaa ciidanka ilaalada kacaanka tan markuu uu jiray 18 gu’ cinwaanka uu dagan yahayna ahaa jidka shahid mahallati, teharan, baasaboor lumberkiisuna yahay 0009228 iyo 4229533, lumberka felefoonka gurigiisuna yahay 021-2448413, markii warbixintaas soo if baxday mMaraykan ka iyo Yurub waa u diideen Zadeh in uu dalalkooda soo galo, lacagihii u yaalay bangiyada reer galbeedkana waa laga xannibay, ururka iska caabintu waxay shaaca ka qaadeen dadka la shaqeeya zadeh iyo baraha ay ku yaalaan shaybaaradiisu.

faahfaahiintaan badan waxaa la rumaysnaa in Mossad soo aruurisay ka dibna ay u dhiibtay ururuka iskka caabinta si ay aduuka gaar ahaana ugu sheegaan reer galbeedka, farriintuna ay xamnbaarsanayd shaac bixintaana ay ahay in Zadeh uu ku jiro liista toogashada, uuna leeyahay laba doorasho oo kala ah in uu dhuunto oo is qariyo ama in uu u fakao dowladaha reer galbeedka,

Feberaayo 2007, Jeneraal Reza Asgari oo lug ku lahaa mashruuca niyuklayrka Iiraan ahaan jirayna ku xigeenka wasiirka gaashaan dhigga, ayaa la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay ka dib markii uu sodaal ku tagay magaalada istanbuul, sirdoonka Iiraan na meelkasta oo aduunka ka mid ah ayay ka raadiyeen balse waa ay heli waayeen, affar gu’ka dib ayaa wasiirka arrimaha dibada ee Iiraan Cali Akbar salehi arrintii u bandhigay xooghayaha guud ee qaramada midoobay, asag oo ku eedaynaya in Israa’iil ay afbuubtay Asgari oo uu xabsi ku jiro, wargayska Sunday telegraph wuxuu sheegay in asgari uu u baxsaday reer galbeedka muddo dheerna ay Mossad qorshaynaysay baxsadkiisa oo Mossad ay ku ilaalinaysay istanbuul.

warar kalana waxay sheegayeen in CIA du warsatay oo uu war bixino muhiim ah siiyay, bil kadib miriqii Asgari Maarso 2007, waxaa asana la waayay meel uu ka baxay sarkaal kale oo sare kana tirsanaa ururka ugu car carta badan ilaalada kacaanka ee la yiraahdo, unugta ”al Qudus”, sarkaal kaas magaciisa la oran jiray Amir Shirazi, wuxuuna u xilaarnaa oo madax ka ahaa hawol galada qarsoodiga ah ee dalka dibadiisa laga fuliyo, warar laga soo xigtay Iiraan waxay u sheegeen wargaysga london times, in sarkaal sare oo kale oo la yiraahdomaxamad Soltani oo ahaa madaxa gacanka beershiya ee ilaalada kacaanka asna la wayay meel uu ka baxay.

Juulaay 2009, Shahram amiri oo saynisyahan ahaa kana shaqaynayay Qum ayaa lagu waayay sucuudiga dhexdiisa ka dib markii uu xajka aaday, Iiraan na waxay ka dalbatay sucuudiga ay meel ku sheegaan Amiri, balse dhowr bilood ka dib ayuu mud ka soo yiri Maraykanka, si fiican ayaa loo warsaday, waxaana la siiyay shan milyan oo doollar iyo aqoonsi cusub, waxaa la siiyay magac cusub, waxaana guri laga siiyay goblka arizona, CIA duna waxay sheegeen in uu ruufiyaan u ahaa gu’ yaal badan.

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply