MOSSAD-HAKINTII NUKLIYEERKA IIRAAN-Q-4

Israa’iil markaan waxay noqotay bu’da war bixinada Iiraan laga soo doonto, Meir dagan madaxa Mossad iyo Mossad waxay maraykanka u gudbiyeen war bixinno car car qaba oo ku saabsan goobta qarsoodiga ah ee Iiraan ka dhistay magaalada Qum, waxaa kale oo Israa’iil lug ku lahayd baxsashada saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada kacaanka iyo xeel dheerayaal atomic, war bixino badana waxay u gudbiyeen dalal badan si loo qabto maraakiib qalab niyuklayr u soo siday Iiraan, Israa’iilse war soo aruurin kaliya kuma ayasan filnayn waxna uma tarayn marka la eego baab’a ku soo fool leh hadii Iiraan hubka niyukleyka gacanta ku dhigto, oo Iiraan qudheedu si cad ayay u sheegtay in ay Israa’iil ciida la simayso, arrin kale oo Israa’iil u furnayd ma jirin in ay dagaal qarsoon ay ku qaadaan mashruuca niyuklayrka Iiraan maahane, lix iyo toban gu’ markii ragii ka horeeyey ay iska indha tirayeen dagan wuxuu bilaabay hada in uu talaabo qaado.

Bishii Janaayo 2006, diyaarad ayaa ku bur burtay bartamaha Iiraan, dadkii saarnaa oo dhanna waa ku dhinteen oo ay ku jireen sarkiil ka tirsan ilaalada kacaanka, oo uu ka mid ahaa Sxmad Kazami, on ka mid ahaa madaxda ilaalda kacaanka, ururka strafor na wuxuu si qorsoon u muujinayay is falkaas ay ka danbeeyeen dalalka reer galbeedka, bil ka hor bay ahayd markii diyaarad xamuul ee ciidan ay ku bur burtay dhisme ku yaal magaalada Tehraan, dhammaan sagaashan iyo afartii qof ee saarnaa waa ku qur baxeen, intooda badana waxay ahaayeen ilaalada kacaanka iyo wariyayaal garabka dowlada ah, bishii Nufember na diyaarad kale oo ciidan ayaa ku bur burtay Tehraan markii ay caga qaadaysay, soddon iyo lix ciidamada ilaalada kacaanka ayaa ku dhintay, wasiirka gaashaan dhiga Iiraan wuxuu raadiyaha qaranka ka sheegay in
”sida ay wararka sirdoonku noo sheegeen, waxaan oran karnaa falalkaas waxaa ka danbeeyay, Maraykanka, Ingriiska iyo Israa’iil.”

Isla xilligaas dagan wuxuu rumaysnaa in Israa’iil aysan kala doorasha lahayn, in ay dagaal buuxa ku qaado Iiraan maahane, balse fal caynkaas ah dagan wuxuu ku fakarayay in uu noqdo xalka ugu danbeeya, wax qarbudaadiina waxay bilaabay Feberaayo 2005 tii, markii warbaahinta adduunku sheegtay in hoosada niyuklayrka ee Diyalemthat uu ka dhacay qarax ka dib markii diyaarad aan haybteeda la garan ay gantaal ku dhufatay, isla bishaasna qarax kale ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Bushehr, waxaana qarxay dhuumihii gaaska siinayay niyuklayr re’actorka uu Ruushku dhisay, qarax kale wuxuu ka dhacay goobta tijaabada ee parchin, ee Tehraan u dhow. Iiraaniyiintuna waxay sheegeen in qaraxu uu wax yeelo u gaystay reactorkii, ,

bishii Abriil 2006 ii, dad badan oo saynis yahano iyo madaxda mashruuca ah ayaa is kugu yimid ka qayb galka tijaabadii reactorka, Natanz, si ay u daawadaan kicinta xudun dhexaadkii ugu horeeyay,

balse markii injineerkii riixay badhanka laga kiciyo, qarax weyn ayaa dhacay oo dhuumihii bur buriyay, madaxdii waxay amreen in labaaro sababta qaraxa keenatay, balse sida muuqatay qof aan la aqoon ayaa wax khalad ah ku rakibay meel ka mid ah xudun dhexaadka, muuq baahiyaha cbs wuxuu sheegay in bomb aad u yar oo lagu xiray xudunta intaa tijaabada la bilaabin ka hor uu qaraxa keenay, waxaa kale oo la isla dhex marayay in sirdoonka Israa’iil oo gacan ka helayay maraykanka ay falkaa gaysteen, mar kale Janaayo 2007 ayaa qariibaad lagu sameeyay.

Sirdoonka reer galbeedku waxay ka sameeyeen yurubta bari, shirkado yar yar oo soo saara qayba ka mid ah qalabka loo adeegsado samayanta niyukleryka, Iiraan qalabka uma iibsan karin si cadaan ah waayo UN ta ayaa xadaysay, sidaa darteed waxay ka soo gateen shIrkadahaas ay horboodaan dad Ruush ah iyo Iiraaniyiin dibada ku nool oo la shaqaya sirdoonada reer galbeedka, kaliya markii qalabkii ay rakibeen ayay ogaadeen Iiraaniyiinti in uusan wax fiican ahayn.

bishii May 2007 dii, madaxweyne Bush wuxuu si qarsoodiya ugu oggolaaday CIA da in ay qaadi karaan howl gallo lagu daahinayo mashruuca Iiraan, markaas ka dibna qaar ka mid ah sirdoonada reer galbeedka ayaa go’aan ku gaaray in la car qaladeeyo qalabka dayac tirka, qalabyada kale iyo yuraniyum ta ceyriinka ah ee mashruuca, toddobadii gu’ ee u danbaysay car qaladayn, qaraxyo, ayaa ka ku socday hoosooyinka niyuklayrka lagu rakibo ee Iiraan ku faafsan.

2010 wargayska new york times wuxuu cadeeyay in qoys iswiss ah oo injineera ah ay CIA da u ka shifeen mashruucyada niyuklayrka ee Iiraan iyo liibiya, lana siiyay qoyskaas lacag dhan 10 milyan oo doollar, dhinaca kale CIA du waxa ka kaalmaysay qoyskaas in laga joojiyo dacwo sharciyeed ku socotay oo lagu haystay in ay si sharci darro ah u gudbiyeen qalab niyuklayr, aabaha cida Frederik Tinner iyo laba diisa wiil waxay Iiraaniyiinta ka iibiyeen qalab elektoroon ah oo loogu tala galay hoosada Natanz.

Toddobaadlaha times magazine waxay sheegtay in Israa’iil ay ku lug lahayd Markab lagu af duubay badda arktik, kaas oo ka soo tagay dalka Fiinland una socday Aljeeriya, shaqaalihiisuna ay ahaayeen kuna socdaay calanka malta, markabkaas oo socdaalkiisa soo bilaabay 24 Juulaay 2009, waxaa la afduubay laba maalmood ka dib markii uu socdaalka bilaabay waxaana af duubay siddeed qof, waxa uuna u siday Iiraan rar yuraniyum ah, balse bil ka dib ayaa dowlada Ruushku sheegtay in af duubida markabkaas ay ayagu ka danbeeyeen oo koox kumandooska Ruush ka ah ay la wareegeen markabkaas.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply