MOSSAD-HAKINTII NUKLIYEERKA IIRAAN-Q-3

markaas uraniyum tii fududayd-235 waxay ka dhinac noqonaysaa ama ka baxaysaa tii cuslayd-238, markii habkaas dhowr kun oo jeer lagu cel celiyo, xudun dhexaadkii wuxuu soo saarayaa yuraniyum -235 oo bacrimsan, gaaskaas markii loo badalo walax adag, ayuu noqonayaa walaxda loo baahanyahay ee laga sameeynayo bombada niyukleryka.

Khan wuxuu shaxda ka soo xaday shirkada euronco, shirkad yurub ah oo uu u shaqayn jiray bilowgii toddobaatneeyadii ka dib na uu bilaabay in uu iskiis u samaysto bakistaan gudaheeda, ka dibna wuxuu bilaabay in uu iibiyo naqshadiisa iyo hab qaabeedkiisa, waxaana ka mid ahaa dowladaha uu ka iibiyo, liibiya iyo waqooyiga Kuuriya, balse waxaa ugu weynaa oo ka gadan jiray Iiraan,

 

Juun 1-deedii 1998 ayaa Maraykanku ku baraarugay, dhabtii inta ay la egtahay howsha Iiraan wado, Pakistaani baxsad ah ayaa hortagay hay’ada danbi baarista ee Maraykanka , FBI, xafiiskeeda new york, wuxuuna codsaday magan galyo siyaasadeed, waxuuna isku sheegay in uu yahay Dr Iftikhar Khan wuxuuna shaaca ka qaaday inta uu la egyahay is kaalmaysga qarsoon ee ka dhaxeeya Iiraan iyo Bakistaan, waxuu ka shifay Dr khan wuxuuna sheegay in uu ka qayb qaatay, wuxuu magac ahaan u sheegay xeel dheerayaal Baksitaaniyiin ah oo ka qayb qaata mashruuca Iiraan.

FBI aydii waxaay daba gashay dhabta hadalka Iftikhaar, waxayna ogaadeen ii uu dhab yahay oo wax beena aysan ku jiri, waxaana loo ogolaaday in uu Maraykanka ku joogo si magan galyo siyaasadeed ah, layaab kuse wuxuu ahaan in aan cidina daba galin warkii Iftikhaar sheegay markaas ka dib, maamulka sare ee maraykanku waaba duugeen war bixintii Iftikhaar, wax fal ah oo la qaadayna ma jirin, xataa Israa’iil looma sheegin.

Affar gu’ oo kale ayaa ka soo wareegtay in ay soo if baxdo dhabta arrinta Iiraan, Ogost, 2002 ayaa koox ka soo horjeeda dowlada oo la yiraahdo mujaahidiin el khalq ”MEK” waxay shaaca ka qaadeen jiritaanka laba goob Nukliyeerka ee ku kala yaal, Arak iyo Natanz, oo ay u sheegeen warbaahinta adduunka, MEK waxay si isdaba joog ah u kashifaysay mashruuca niyuklayrka ee Iiraan, taasna waxay dhalisay tuhun laga qabo Iiraan.

balse CIA du weli warkaas dhab uma qaadan oo waxay is lahaayeen Israa’iil iyo Ingriiska ayaa doonaya in ay Maraykanka howl galo halisa galiyaan, waxaa ka dhaadhacsanayd in Israa’iil iyo Ingiriisku ay warka u soo dhiibaan MEK, una adeegsanayan warar ileedka mucaaradka kuwa sax ah.

balse basaas Mossad ayuu ahaa qofkii soo ogaaday hoosada ku taal Natanz, isla gugaas 2002 dii mucaaradka Iiraan waxay CIA da u gudbiyeen laptop ay ka buuxdo dikumintiyo, balse ma aysan sheegin sida ay laptopka ku heleen, Maraykankii awalba aan qanacsanayn waxaa galay tuhun ah indikumintiga xeelad laga wato, waxay ku eedeeyeen Mossad in dikumintiyadaa ay ayadu ka danbayso samayntooda ka dibna ay u gudbiyeen madaxda MEK si ay ayaguna ugu geeyaan reer galbeedka, balse war bixino kale oo badan ayaa soo gaarayay Yurub iyo Maraykan oo ugu danbayn indhahooda kala furay, nux nuxdii ahay in Dr Khan uu ganacsi dhaqaale fiican haysto aduunka ayay ku baahday,

Ugu danabayn 2004 bishii Feberaayo, ayaa Dr khan ka soo baxay muuq baahiyaha bakistaa wuxuuna qirtay in uu Iiraan, liibiya iyo waqooyiga Kuuriya ka iibiyay khibrad ah sida wax loo sameeyo iyo xudumo, uuna ka sameeyay malaayiin doollar oo lacag ah, dowlada Bakistaana durbadiiba waa ay cafisay waayo waa aabaha niyuklayr bamkooda.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply