Sida laga soo xigtay ilo shisheeye, Mossad markaas waxay bilaawday in ay qorsheeyso dilka Mugniya. Meir Dagan wuxuu u yeeray sirdoonkiisii ugu fiicnaa, oo ay ku jiraan madaxa Caesarea, taliyaha kooxda Kidon, iyo saraakiil kale oo sarsare oo kale oo wax ka waday kiiska Mugniya. Durbadiiba waxaa cadaatay inaysan jirin meel lagu dili karo Mugniya ee aan dal muslim ka aheyn. Waayo marar dhif ah ayuu u socdaala dalalka reer galbeedka, wuxuuna nabadgelyo ku dareemaa oo keliya Iran iyo Suuriya. Israa’iil way ogtahay fal kasta oo ka dhaca dhulkooda in ay tahay halis weyn.
Run, Israa’iil howl gallo waa ka samayn jirtay dalalka carabta xilliyadii hore sida Bayruut oo laga fuliyay howl gallo xilligii hawl galkii careebe, oo waxay gaartay tan iyo tuunis howlgaladii israa’iil, halkaas oo sida la sheegay ay ku khaarijiyeen hoggaamiyihii Abu Jihad.balse Tehraan iyo Dimishiq waxay ka qabeen tuhun oo aad ayay uga hub badnaayeen kana khatar badnaayeen Beirut ama Tunis.
Dhanka kale, Meir Dagan wuxuu ogaa saameynta weyn ee hawlgalka oo lagu guulaysto ahaan doono, dilka hoggaamiyihii ugu halista badnaa ee argagaxisada ee Dimishiq waxay cadeynaysaa in qofna uusan ka baxsan karin gacanta Mossad. Meelaha ay nacabka iraa’iil magangalyada ku joogaan, waxaa ku faafi doona jahwareer, cabsi, iyo amni xumo, ku xeeranta hoggaamiyeyaasha argagixisada intooda kale. Sida laga soo xigtay Daily Independent ee London, qorshihii ka soo baxay doodaha xarunta Mossad wuxuu salka ku hayey suurta galnimada in Mugniya uu Dimishiq yimaado 12-ka Febraayo 2008.
Maalintaas, waxaa la filayey inuu la kulmo Iraaniyiin iyo suuriyiin oo ay tahay in ay kala qayb galaan sannad guuradii kacaanka iiraan, Maalintaas, wuxuu ku qasbanaaday inuu la kulmo mas’uuliyiinta Iran iyo Siiriya ee ka qeyb galayay xuska sanadguurada xuska kacaanka Iran. Markii laga baaraan dagay sida howl galka loo fulinayo waxaa la go’aan saday in baabuur qarax la gees dhigto kan mugniya, Mossadna waxay ku dhex jirtay howlo firfircoon si loo helo xog sirdoon oo faahfaahsan iyo ilo wareedyo, ay kujiraan adeegyo shisheeye,
dhab miyaa Mugniya ma imaanyaa Dimishaq? haddii uu yimaado aqoonsi side ah ayuu dooran lahaa? Gaadhigee buu ku imaan lahaa? Xagee buu joogi lahaa? Kumaa la socon doona? Waqtigee ayuu imaan doonaa kulanka qorsheysan ee lala yeelanayo wakiilada Suuriya iyo iiraan? Mas’uuliyiinta Siiriya ma loo sheegi doonaa imaatinkiisa? Hoggaamiyeyaasha Xisbullaah miyey ogaan doonaan safarkiisa qorshaysan?
Warbixintii soo af jartay warka waxaa laga helay ilo lagu kalsoonyhay, waxayna xaqiijisay in mugniya uu imaanayo dimishiq, sida uu sheegay wargayska al saaca ee libnaan saraakiisha mossad waxay ku rakibeen baabuurkii mugniya iyo kuwa hoggamiyaasha xisbullah qalabka laysku raad raaco oo sheegaya aagaga ay marayaan, dhowr ka mid ah kooxda kidon ayaa dimishiq soo gaaray, koox kale oo gaar ahna waxay si qarsoodiya ku soo galiyeen dimishiq walxaha qarxa, ugu danbayn tif tif mossad oo dadkii hore ah ayaa soo diray war bixin sheegaysa in mugniya uu la kulmi doono gacaladiisa,
waxay ahayd markii u horeysay ee ay mossad ogaato in uu leeyhay mugniya naag u qarsoon, Nihaad Xaydar oo ku sugaysay aqal qarsoon ee magaalada ku dhex yaal, Nihaad waa ay la socotay taariikhaha uu imaanayo dimishiq, oo libnaan ka imaanayo ama iiraane, waxaana caada u ahayd asaga marka uu u imaanayo in uu iska soo reebo ilaaladiisa iyo darawalkiisa, farriin deg deg ah ayaa soo gaaratay dadkii kor ka ilaalsanayay oo ayagu markii horaba meelahii loogu tala galay joogay, mugniya markaan gacaladiisa ma u tagi doonaa? Qofka aqalka iska leh war ma ka hayaa imaatinkiisa?
Xilligii howl galka ka hor wax yar ayaa kooxdii dilku soo gaareen dimishiq, waxayna ka soo kala duulay magaalooyin kala gadisan oo yurub ah, sida uu sheegay wargayska Independent, kooxdu waxay ka koobanayd saddex sarkaal, mid wuxuu ka yimid baariis, kuna yimid air farnce, Kan labaadna wuxuu la socday Alitalia oo ka timid Milano, kan saddexaad jid gaaban ayuu ku yimid wuxuu la socday royal Jordanian oo cammaan ka timid.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhriso.com/
Leave a Reply