MOSSAD-GALAB DHIMASHO-Q-1AAD

 

 

12 Feberaayo 2008, xayn rag ah ayaa si qarsoodiya ugu faafsanaa hareeraha dhisme ku yaal xaafad sare ee Dimishiq, galab gaabkii raggii waxay arkeen fatuurad Mitsubishi Pajero SUV ah oo leh midab ka qalinka oo dhismihii soo hor istaagtay, waxaana ka soo dagay nin suud madoow xidhan, garkuna si habsami ah ugu jaran yahay, raggii hareeraha joogay si hoos ah ayay ugu hadlayeen halow halow yar ayaa oo leh,

“Waa uu yimid Dimishiq, haddana dhimuhuu sii galayaa”

 

waa ay ogaayeen in uu u socdo gacaladiisa qarsoodiga ah Nihaad Haydar, naag Suuriyaan ah oo guriga ku sugaysay, wuxuuna u waday Nihaad hadiyad aad u qiima badan, waayo waxay u dabaal dagaysay sannad guuradeedii sodoonaad taddobaadkan lagu jiro, labadii is qarsanayay dhowr saacadood ayay joogeen gurigii quruxda badnaa ee uu u banneeyay Rami Makhluuf, ganacsade hodmay oo la ilma abtiya ah madaxweyne Bashaar al Asad.

 

Wax yar ka dib tobankii habeenimo ayaa ninkii suudka madoobaa soo baxay oo fuulay pajero diisii qalinka ahayd, wuxuuna u socday kulan aqal qarsoodiya ka dhacaya, xaafada kafra suusa oo uu kula kulamayo rag ka socda, iiraan, suuriya, iyo falastiin, sida ay qortay wargaysga London Sunday Express, xubnihii daba socday si fiican ayay u hubiyeen sawirkii saarnaa gacan qaadyadooda si aysan u dhicin khalad ah aqoonsad xumo, khadka isgaarsiinta ay kula xariirayeen xarunta Mossad waa uuu u furanaa si ay dhaqaaq kasta oo ninka ay dabada galka ku hayaan uu sameeyo ay ula socodsiiyaan, markii uu ka soo baxay sartii uu dhowr saac la joogay Nihaad, waxay si fiican isugu eegeen asaga iyo sawiradii ay wateen, waxayna la kaashadeen hubinta jallayaashoodii Dimishiq joogay iyo xarunta tel aviv ba,

 

War war ba’an yaa ku habsanaa Mossad, madaxdii laamuhuna waxay isugu yimaadeen xafiiska Meir Dagan, halkaas oo la keenay wax alla wixii qalab loo baahnaa si si qumaati ah loola socdo howlgalka,

Markii ninkii uu kacshay pajeradii qalinka ahayd ayaa mid xubnihii ka mid ah hoos u yiri,

“waa dhaqaaqay” ,

 

ninka fatuurada pajerada ku jiraa wuxuu ahaa, Cimaad Mugniya, oo ka tagay raad dhiig badan ku daatay gu’yaal, 15 kii nufember 2001, ka dib qarixii sarihii mataanaha ahaa, FBI waxay daabaceen waaraqo ay ku qornaayeen argagixisada adduunka loogu raadiska badan yahay, waraaqaha waxaa ku shaabdaysnaa, astaamaha wasaarada arrimaha dibadda, FBi da, iyo wasaarada garsoorka, liiska ku qoran wuxuu ahaa laba iyo labaatan magac oo wata laba iyo labaatan sawir, magic ugu horeeya ayaana ugu halisanaa, madaxiisana waxaa dul saarnaa 5 milyan oo dollar, intaan qarixii saraha mataamaha dhicin ka hor waxaa la rumaysan yahay in uu mas’uul ka ahaa dhimasho dad maraykan ah, ka badan intii argagixiye kale oo nool uu gaystay.

 

Cimaad Mugnya, 18 kii Apriil qaraxii safaarda Maraykanka ee Bayruut, libnaan, oo 63 ruux ku dhinteen, 23 kii Oktoobar, 1983, qarixii xarunta ciidamda marines ka Bayruut, 241 ay ku dhinteen, isla maalintaas 23 kii oktoobar 1983, qaraxii xarunta ciidamada lugta ee Faransiiska, Bayruut, 58 ku dhimatay, iyo afduubkii iyo dilkii sarkaalkii CIA da William Buckley, dhowr weerar oo lagu qaaday danjiraha Maraykan ka ee Kuweyt, af duubkii duulimaadkii TWA iyo laba diyaaradood oo ay leedahay kuweet, dilkii gaashaanle, W. R. Higgins oo ka tirsanaa ciidamdii qaramada midoobay ee korjoogtada ee koofurta Libnaan, xasuuqii labaatan ciidamada Maraykanka ah ee ka dhacay Sucuudiya……, markii israa’iil loo soo diray liiskan Mossad waxay ayaguna kaydkoodii uga dareen, 4 Nufembar 1983, qaraxii ciidamada difaaca Israa’iil, tyre, Libnaan, 60 ku dhimatay, 10 kii Maarso, weerarkii lala beegsaday kolonyo ciidamada difaaca  Israa’iil, soohidinta israa’iil iyo Libnaan, 8 dhimasho ah, 17 kii Maarso 1992, qaraxii danjiraha Israa’iil ee Arjantiin, 29 dhimasho ah, 18 kii juulaay, 1994, qaraxii xarunta jaaliyada Yuhuuda ee Boonis ayris-8 dhimasho ah, iyo af duubkii iyo dilkii saddex ciidanka Israa’iil ah ee goobta har dov, af duubkii ganacsade israa’iili ah, Elhanan Tannenbaum, qaraxii ka dhacay meel u dhow  kibbutz Matzuba, iyo af duubkii iyo dilkii labadii askari ee israa’iil ka ahay Regev iyo Goldwasseron ee soohdinta libnaan, dhacdadaasna ay kicisay dagaalkii labaad ee Libnaan iyo IRAA’IIL, Cimaad Mugniya ayaa ka danbeeyay waxaas oo danbi ah, ilama qabato ayuu ahaa, wuxuu si is daba jog ah uu isaga dhex gooshi jiray caasimadaha bariga dhexe, wuxuu iska ilaalin jiray in sawir laga qaado, waraysina maba ogolayn, sirdoon doonka reer galbeedku waxa badan ayay ka ogaayeen dhaqdhqaaqiisa balse waxaba kama aysan aqoon muuqaalkiisa, dhaqankiisa iyo godadka uu ku dhuunto.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

Leave a Reply