MOSSAD-GALAB DHIMASHO-Q-2AAD

 

 

 

 

waxay ogaayeen in uu ku dhashay tuulo ku taal koofurta Libnaan 1962, sida war bixinta ay ku haystaana labadiisii waalid waxay ahaayeen mutadayiniin shiica ah,

Asaga oo yar ayaa cidii u soo guurtay Bayruut wuxuuna ku soo barbaaray xaafada ay u badan yihiin Falastiiniyiintu, taageerayaasha PLO, dugsigii sare ayuu iskaga tagay wuxuuna ku biiray xarakada al Fatax,mar danbna waxuu noqday ilaaliya Abu Ayaad, ku xigeenka Yaasir Carafaat, wuxuu kale oo uu xubin ka noqday ciidankii  awooda 17 [force 17]  oo ahaa cutub gaar ah oo Fatax ah oo la abuuray bartamihii toddobaataneeyada oo madax ka ahaa Xassan Salaama, oo loo yaqiinay amiirkii casaa,  balse 1982, Israa’iil waxay duulaan ay ugu magac dareen, Galilee, ku qaaday Libnaan gudahana u galeen Libnaan, kuna xasuuqeen ururkii PLO, intii ka badbaaday oo uu hoggaaminyay Yaasir Carafaatn waxay u baqooleen dalka Tuunis, Mugniya se wuxuu goostay in uu Libnaan ku haro wuxuuna ku biiray kooxdii ugu horeysay ee abuurtay Xisbulaahi.

 

XisbuLaahi waxaa la unkay 1982, waxaana keenay abuuristiisa weerarkii Israa’iil ku soo qaaday Libnaan, waxayna ka shidaal qaadanayeen Aayatulaahi Khumayni, waxaa tababaray oo saanada siinayay ciddamada ilaalada kacaanka Iiraan, Xisbulaahi wuxuu noqday nacabka ugu xun ee Israa’iil, ujeedkiisa waxay ku qeexeen in uu yahay in ay israa’iil ka saaraan dhulka Libnaan, maalintii ugu horeysay ee la abuuray Xisbulaahi waxay bilaabeen in ay weeraro argagixisa ah ku qaadaan israa’iil.

 

Mugniya wuxuu ahaa tusaale askari wanaagsan, nin mugdi ku jira, wuxuu door biday in uu si qarsoodiya wax u howl galo, wuxuuna iska diiday in uu bulashada ka dhex muuqdo,  warbixinada sheega sida uu gooni joogi u noqday waa ay iska hor imaanayeen, mar waxay sheegeen in uu ilaaliya gaar ah u ahaa Shiikh Fadlalaah, hoggaamiyihii ruuxiga ee xisbulaah, markii kuwa kale ay sheegayeen in uu noqday madaxa howl galada, uuna ahaa maskaxdii ka danbaysay howlgalada halista leh ee Xisbulaahi qaadaan, kuwaas oo sida badan ku dhamaada dhiig, mana ahay sida madaxa Xisbulaahi ee hadda oo kale, Shiikh Nasrulaah, oo Mugniya waligiis muuq baahiya kama soo bixin, waligiisna hadal colaadeed ama nacayb ma uusan oran, dhabtuse waxay ahayd in uu wax badan ka halis badnaa wadaada dal dalanka badan, mar qura ayuu noqday argagixiyaha ugu wax qabadka badan uguna dhuumaysiga badan ee aduunka, sidii kaarloos uu xilligiisii ahaa, Mugniya sida jallayaashiisa oo kale wuxuu aad ula dhacsanaa Usaama bin Laadin.

 

Mugniya wuxuu ahaa nin naxariis daran hal abuurna leh, wuxuu soo caan baxay markii uu qorsheeyay oo kormeere uu ka noqday xasuuqyo dhowr oo Libnaan ka dhacay, dhamaadkii howl galkii Galilee Mugniya wuxuu jiray 21 gu’ oo qudha okoobar 1983, markii uu u diray xeryihii marneska marykanka iyo iyo ciidamada lugta ee faransiika ee Bayruut, baabuur ay wadaan ismiidaamiyaal, dhowr maalmoo ka dib isla sidii ayuu ku sameeyay ciidamdii difaaca Israa’iil ee tyre,

 

22 gu’ markii u jiray wuxuu hoggaaminayay ciidankii weeraray xarunta danjiraha Maraykanka ee Kuwayt, ka dibna diyaarad ka af duubbay Kuwayt, waxayna ahayd markii u horeysay ee uu diyaarad af duubo, howlgal kasta markii uu fuliyo waa uu mirqaa sidii uu hawada ku milmay, saddex iyo labaatan markii uu jiray Mugniya wuxuu af duubay duulimaadkii TWA ee athenis ka duushay una sii jeeday magaalada rooma, wuxuuna ku soo dajiyay Bayruut, intii af duubku socday wuxuu dilay Robert Dean oo ahaa baabuur wade ciidamada badda ee Maraykanka, meydkiisan uu ka soo tuuray dariisha shirka diyaarada, af duubkii qaatay 17 maalmood ka dib Mugniya waa uu baxsaday balse markaan raad ayuu ka tagay oo waxaa musqusha diyaarada laga helay farihiisii.

 

noloshiisa gaarka ahna waxba lagama aqoon marka laga reebo in uu qabay gabar ina adeertiis oo u dhashay gabar iyo wiil, asaga oo da’yar ayuu ogaaday in uu xadgub ku sameeyay qaar ka mid ah  sirdoonada reer galbeedka, wuxuuna isku dayay in uu aqoonsigiisa iyo muuqaalkiisa qariyo, qalliin ayaa foolka looga sameeyay Liibiya gudaheeda, gar ayuu sii daystay wuxuuna isku dayay in bulshada uusan ka dhex muuqan, halka sawir kaliya ayaa la hibuyay in uu yahay Mugniya oo sirdoonka reer galbeedku haysteen- buuran, gar leh, indha gashi xiran, iyo kofi horay u soo taagan, FBI aydu waxay ku tilmaameen, Libnaan uu ku dhashay, ku hadlo carabi, tin iyo gar bunni ah, 170 senti mitir, culayskiisa 60 kg,  waxaa maanka gali waayay Mugniya sidaa uu hilibkiisi weynaa uu ugu soo yareeyay 60 kg kaliya, blasé muuqaalkaas wuxuu markhaati u ahaa in Mugniya uu ku dadaalay in uu naftiisa ilaaliyo oo nacabkiisa marin habaabiyo.

 

Waxaas uu dil iyo qarxin iyo af duub gaystay wuxuuna noqday qofka loogu jecel yahay xiasbulaahi, waxaa lagu amaanayay wx qabadkiisa, geesinimadiisa, hibada uu u leeyahy howlgalada ee ka dhigtay ciidanka xisbulaahi kan ay ugu baqditan badan yihiin sirdoonka aduunku, awoodiisuna waa sii kordhaysay.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

Leave a Reply