Mossad-DUULIYIHII CIRAAQ Q-6

 

Ma aysan illoobin CIA iyo Mossad in ay guffeeyaan dalool walba oo tuhun keeni kara, wax kastana waxaa loo sameeyay xal lagu qanci karo, gabadha waxaa loo bixiyay magac muslimiinta aad ugu dheer, sheeko dhib iyo murug badan oo gabar yar oo 22 jir ah ku culus oo qof walba ugu beer jilcayo ayaa la sameeyay, markay dhibkeeda uga sheekaynaysayna ilmo ayaa ku soo istaagtay indhaha duuliyaha, in taas waxaa u  sii dheeraa quruxdeeda iyo naagnimadeeda uu nin walba u hanqal taagayo, rag kan ugu adagna dareenkiisa kicinaysa.

Sidaas ayaa waxaa ku samaysmay is dhex gal muqaal naag oo isugu jira naagnimo diirran iyo muuqaal miskiinmo oo loo beer jilco, waxaa sii kordhiyay ku dhagidiisa inuu kaalmo u fidiyo gabdha markuu uu la kulmay Saynab hooyadeed.

Markii ay uga sheekaynaysay gabadhu dhibka ay ku jirto ilmo ayaa indhaheeda ka socotay, asaga qudhiisa ilamaa indhihiisa ku soo joogsatay, wuxuuna galiyay Saynab laabtaiisa oo uu kaalmo ay ku qaboowdo uga dhigay.

Markii asaga iyo marwo margaret ay kali ku noqdeen qolka fadhiga, waxay u sheegtay sida ay uga war warsantahay gabadheeda oo muslin ah oo ku dhex nool bulsho aan muslin ahayn, sida ay cabsi uga qabto in nin aan diinteeda ahayn uu caqliga ka xado, sidaa darteed waxay ka bariday duuliyihii in uu ka kaalmeeyo sidii ay aabaheed ku heli lahaayeen, oo uu mas’uuliyadeeda ula wareegi lahaa inta aysan dhiman ayada margaret ah, oo aysan gabadha kaligeed uga dhiman oo uga tagin dhaqaalaha faraha badan ee ay leedahay.

 

Habarta abeesada ahi dhinac kale ayay kala soo wareegtay Daaxi ayada oo ka codsansysa in uu daneeyo gabaheeda inta uu joogo ameeriko waayo Saynab waa qalbi jilicsan tahay, lana hiyi kacansan tahay  sheekooyinka aabaheed aysan aqoon, waxay ka bariday in uusan qalbiga ka jabin oo uusan been ugu dhisin niyadda  Saynab haddii ay u sheegato jacaylka ay u qabto, waayo ma rabto in gabdheedu ku guul daraysato jacaylkeeda oo qalbigu qarxo, gaar ahaan marka nin ay jeclaatay uu yahay mid dalkiisa ku laabanaya oo kaligeed oo wadna jabsan ka tagaya, waxay u sheegtay in Saynab ay aad u danaynayso asaga tan intay is barteen oo ayba sugi la’ayd booqashadiisa, tansa ay markhaati u tahay in aad ku dheertahay nafteeda.

Waxaa qolkii fadhiga soo galay Saynab oo waxayna ku tiri hooyadeed iyo Daaxi.

“ma dabaalanaysaan miyaa”?

” Dabaal aa, ma iloowday inaan ku jirno qaboowgii bisha Maarso?” ayaa Daaxi oo yaaban yiri.

Saynab oo dhoolla cadaynaysa ayaa tiri:

‘‘Barkada badaashu waxay ku taal qol dadan oo xiran, kaama hayso miyaa inaad ila dabaalato inta qadada laga gaarayo?”

Asagoo xishood yar dareemy ayuu yiri:

‘‘Haa haa balse……..

Ayada oo garatay hadalka uu soo wado ayay u dhamaystirtay warkii oo tiri:

‘‘Dharkii dabaasha shalay baan kuu soo gaday, qolka dhar badalashada ayuu kuu yaalaan”

 

Markii uu dharkii dabaasha xirdhay oo uu arkay Saynab oo nigiskii dabaasha xiran, dhulka ayaa ku dhagay Daaxi, waana dhaqaaqi waayay, waa markii u horeysay noloshiisa ee uu naag qaawan arko, jir dumar oo  uu ka soo burqanayso udug rabitaan iyo dareen kac nafta sakhrad galinaya.

Diyaariye

Suladaan Cali Adam Ameeriko

 

Leave a Reply