MOSSAD-DUULIYIHII CIRAAQ Q-29

 

 

Rayn rayn ayaa saaqday CIA dii, waxaana New York ka soo duulay diyaarad ay saaran yihiin 50 injineer oo kuwa diyaaradaha ah, si ay u baaraan Mig21 ta israa’iil taala, waxaa kaloo saldhigii yimid u joogayaasha ciidamada ee dhowr dal.

U joogaha ciidamada ee Faransiiska war aan ahayn ” wax caadiya maahan diyaaradaan” waa laga waayay.

Kii maraynkankuna intuu salaaxay buu yiri

‘‘Waxaan ahay nin karaykan ah oo ugu horeeyay oo taabta Mig21”

Gaashaanle Thomas oo ingriis ahna war aan la fahmayn ayuu hoos ka waday.

Barandada weyn ee mesha ayaa lagu qabtay war murtiyeed, aad bayna ciriiri u ahayd meeshu oo waxaa isugu yimid waariyayaal qalaad kuwa gudaha oo nooc waalba leh, farsama yaqaano, war sheegayaal, kaamaro layaan, waxaa kaloo joogay janaraalayaal billado wada birqaya u suran yihiin oo foolashooda ay ku dhagan tahay dhoolla cadaymo waaweyn, weydiimaduna sidii roob ayay ayay ugu hoorayeen.

 

Sidee diyaaradaan ku hesheen? Ma kadis baan ku hesheen mise xeel? Hubkeedii ma wadataa? Mise ma wadato? Ma diyaaradihiinaa soo qafaalay oo soo dajiyay? Duuliyuhu waa immisa jir? Iyo ………….. iyo ………..

Si kastaba janaraaladu amar uma qabin in ay ka war celiyaan weydiimahaas, wariyayaashii ayagoo war u hamuun qaba oo raadinaya ayaa waxaa soo galay Muniir,  waxaa iska daba dhacayay nalaka kaamirooyinka ”flash” iyo kuwa waa weyn ee wax lagu duubo, weydiimo isdaba socdana waa lagu boobay munir, jawaabo horay loo soo barayna waa ku celinayay, Amit oo meel cabbaar u jirta istaagan ayaa arkay in Muniir laga awood badshay oo cabsiye gashay iyo gariir yar, wuxuuna ugu baaqay raggii in Muniir gudaha lagu celiyo.

Wax yar ka dib waxaa soo baxay af hayeenka ciidamada israaiil Suhel bin Zafi asaga oo xaashi gacanta ku wata, sheegayna in waraaqdaa uu soo diray Muniir, wuxuna intaas ku daray oo uu yiri, Muniir ayaa nala soo xariiray markii uu bariis joogay wuxuuna noo sheegay rabitaan kiisa ah in uu isku soo dhiibo dowlada Israa’iil.  Asaga oo ka cararaya dhibka lagu hayo dadka masiixiyiinta ah ee Ciraaq ku nool, iyo takoorka xun ee lagu hayo dad kurdida ah ee waqooyiga Ciraaq, dhowr sadarna waa u ka akhriyay warqadii.

Sidaas ayaa Amit u fool xumeeyay muqaalkii Carabta kana dhiga meel lagu adoonsado dadk laga badan yahay, looguna tilmaamay warbaahintii aduunka in duuliyahaan uu ka soo carary cadaabta taal Ciraaq una soo baxday israaiil oo dal dimoqraadi ah, diimahana lagu xaq dhowro.

Muniir waxaa lagu qaaday diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo lagu geeyay viladiisii, Tehrana waxaa ka yimid duullimaadkii waday ciddiisa, walaalihii Maryan ee diiday inay Israa’iil soo aadana waxaa lagu wareejiiyay danjiraha Ciraaq u fadhiya Iiraan.

Dowlada Ciraaq waa ogaatay in cidda iyo xigtada Muniir aysan wax danbiya ku lahayn falkaas, iyo in Muniir lagu soo cabeeyay baariis, yusuf munshu na naftiisa ayuu la baxsaday oo uu aaday Israa’iil.

Muniir iyo ciddiisa aad ayay iskugu dhacsanaayeen markii israa”iil la yimid, waayo dhibka uu lugaha u galiyay ayaa ahaa mid aysan qaadi karin wax badanna ka weynaa,  markii ay Iiraan joogeen oo u soo kici rabeen Israa’iil Muniir hooyadiis iyo walaashiis aad bay uga soo horjeedeen, aabihiise wuxuu u arkay arrintaba faraj alle u furay iyo nasiib wanaag soo doontay, waayo hal milyan waxay ahay wax garaadkiisa ka weyn oo dhalanteed la ah, aad ayuuna ugu bogaadiyay wiilkiisa falkii uu sameeyay, waayo saboolnimo ayay maanta ka hor tagay halkaa milyan, aayatiin wanaagsanna waa meel dhigtay.

Maryan markii ay felefoonka Muniir kula hadashay ayadoo Iiraan joogta qarracan dartii waa suuxday, waxaana la geeyay isbitaal, muddo saacadaha ahana waa miyir la’ayd, waxayna soo baraarugtay ayada oo diyaaradii Israa’iil u siday saaran oo ay hareer jogaan waalidiintii Muniir iyo walaalihii oo dhamman oyanaya aabaha maahine.

Muniir waxa la siiyay jeeg ay ku qoran tahay hal milyan oo doolar, markii uu muddo badan raadshay Lisa oo uu waayay ayuu wuxuu ogaaday in arrintuba ahayd sheego loo dagay oo uun laga rabay inuu diyaarada la soo fakado, magaca Lisana uu ahaa magac aan jirin ee naagtu ay ka mid ahayd sirdooka Mossad asagana lagu soo dabayay.  Doorashada kaliya uu lahaana waxay ahayd inuu Lisa iska illoobo.

Sidaas ayuu tartiib tartiib ugu dhex milmay bulshadii Israa’iil, waana uu diiday in baasaboorka magac kale lagu siiyo kiisa maahane, sidoo kale cidiisii waa diideen.

Ka dib Israa’iil diyaaradii Miga waxay daymisay markaykanka si baritaano loogu sameeyo, taas oo u suurto galisay in la hagaajiyo oo la horumariyo diyaaradihii fantom ka iyo sky howk ahaa, ayadoo laga faa”iidaysanayo maskaxdii Soofiyeetka waxay aad u horu mariyeen diyaaradahoodii, markii dagaalkii 1967 uu bilowday diyaaradaha Israa’iil ee Marayku aad ayay uga sareeyeen kuwii Carabta, dagaalka hawadana kaga wanaagsanaaden kuwii Carabta.

Muniir wuxuu wadne xanuun u dhintay gugii 1998

DHAMMA

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply