MOSSAD-DUULIYIHII CIRAAQ Q-27

 

 

 

Erayaadaas waxay soo noqnoqonayeen aroortii labaad iyo kuwii ku xigay. Israa’iiliyuuntu waxay u doorbideen inay Muniir kula xariiraan telfoon hadal maldahan oo aysan ugu dirin mid ka mid basaasiintoodu waxay ahayd, waxay ka baqayeen in si wax isku badalaan oo Muniir uu sirdoonka Ciraaq u sheego arrinta oo basaskooda la qabto, ama in talefoonka Muniir la ilaalinayo oo labadoodaba la xiro, ama la ogaado basaaskooda oo aan sirdoonka Ciraaq aysan qaban ee ay kor kala socdaan si dadka oo la shaqeeya loogu soo dabo.

Gaariga ciidanka ee jeep ka ah sida badan wuxuu guriga Muniir tagaa aroortii wuxuuna soo celiya galabtii, 11 ogost Muniir wuxuu xaaskiisa iyo ciddiisa iyo cidda xaaskiisa u sheegay in ay u diyaar garoobaan socdaal Iiraan ah arorta bishu tahay 13 ogost, wuxuu u sheegay in nin jaallihiis ah uu bus u keeni doona asaguna sarkaal sare oo Ciraaqiya uu ula duuli doona Iiran oo dalxiiiska ku wehilin doona ayaga iyo asaga.

 

12 ogost Muniir cidihii ayuu nabad galyeeyey wuxuuna u sheegay in asaga iyo hoggaamiye sare ay howl sir ah ku jiraan, waxayna isku arki doonaan Iiraan maalmo ka dib, wuxuuna kula dardaarma dhamaantood in ay fuliyaan wax kasta oo ninka wadayaa ka dalbado, waxaa ku xiran badqankiin ayuu ku yiri, boorsadiisii yarayd ayuu markaa qaatay oo aaday saldhigii Rashiid asaga oo niyada ku haya in uu cidiisa ka fogaado inta uu ka hubsanayo bixitaankooda, markaas ka dibna uu Israa’iil u duulo.

Horjeege unug ahaan waxaa loogu shubay diyaaradiisa shidaal ku filan 1000 km, fogaanta u dhaxaysa saldhiga rashiid iyo kan Xaatasrim ee Israa’iil waa 900 km, taasna waxay ka dhigan tahay haddii diyaaradaha Suuriya ku kadiyaan oo ay cayrsadaan in uu haysto shidaal ku filan.

Sidaa darteed asaga si fakashadiisu ugu suuro gasho waa in uu fogaan sare uu ku duulo si uu u tashiilo shidaalka, ugana fakado suuriyiinta iyo gantaaladadooda dhulka, urduniyiinta se iska caabintoodu mid jilicansan weeye iyo hubkooda cirka oo aan Mig21 u dhigmin.

13 bisha ayaa baskii hor istaagay aqalka Muniir, waxaana fuulay Maryan iyo caruurteedii, ka dib wuxuu aaday xaafada Mustansariya oo ah halka waalidiintiis iyo walaalihiis dagan yihiin, ayaguna waa fuuleen, markii baskii tagay aqalkii ciddii aya xididka ahaayeen waxay u sheegeen in shil dhacay oo odagii jaran jar ku sidbaday oo meelo badan daawac iyo barar ka qabo,  sidaa darteed waxaa soo raacay afar la dhalatay Maryan, wiil yar, mid dhallin yaro ah, iyo laba gabdhood.

Muddo ka dibna baskii wuxuu gudbay soohdintii, waxaana saaranaa 17 kamid ah xigtadii Muniir, ayaga oo wata ogolaansho been abuur ah.

 

Muniir markuu aqalkiisii ku soo laabtay oo uu ogaaday waxa ku dhacay soddogii iyo in laga tagay aad ayuu u carooday, 7 dii fiidnamadaasna telofon ayuu diray,

‘‘Hallow”

‘‘Haa”

‘‘Waa injineer Shaakir, 17 jeer ayaan ku soo wacay, saan xaalkaaga u ogaado” wuxuu uga dan lahaa ciddisa.

‘‘Waan fiicnahay, qoyskii ka waran” ula jeeday asaga.

‘‘Waa fiican yihiin, waana kuu xiiseen, goormaad guriga cidda aad gaynaysaa” ula dan lahaa Israa’iil

” Markaad adigu uga hor martid” markad diyaarada xaga gaysid adigu.

”16 maalmood uun baan idin la joogi doona, bes, ka badan ma awoodo” wuxuu diyarada la fakanayaa 16 bisha.

‘‘Dhamaanteen waan ku sugaynaa” Israa’iil baan kugu sugaynaa

‘‘Ballantaa ka dib dhici maayo” 16 ka bisha

‘‘Fasaxiinu 16 inuu yahay ma hubaal baa” 16 ka bisha

‘‘Haa waa 16 ” ku adkayn

‘‘Casuumad weyn baan kuu diyaarinaynaa” soo dhaweyn aad u saraysa

‘‘Nooca cunnada aan jeclahay waad taqaan” yacni Lisa waxaan ahay ma rabo, balse basaaskaan Ciraaq daggan waxba kama fahmin ujeedkaas wuxuuse yirii

‘‘Khayr bay noqon doonta, is arag danbe”

‘‘Nabadeey”

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply