Muniir nafsiyan diyaar ayuu u ahaa howsha uu qaban doono, wuxuuna sii saadaalsanayay maalinta ay Lisa kulmi doonaan oo halka milyan uu kula raaxaysan lahaa si aan caadi ahayn.
Habeen ayuu isku dayay in uu ogaado ra’yiga naagtiisa wuxuuna u sheegay in uu ku caajisay nolosha Ciraaq uuna jeclaan lahaa ayada iyo caruurtu iyo asagu ay mar dagaan Baariis, maryan intay qososhay ayay ku tiri, ayaduba waa rabi lahayd, waana garab joogi meel kasta oo ay ku noolaadaan.
25 Juulaay ayaa dallacaadii u soo baxday, 4 Ogostana waxaa loo badalay saldhigga rashiid, waxaana bilowday tirintii xiiliga hawlalkga 007.
6 ogost waxaa ogaysiis lagu qoray wargaysa al towra, ogaysiis sheegaya in uu dhumay gal cad oo ay ku jiraan waraaqo dhaqtareed oo muhiim ah, lumberka telefoonka ku qornaa ogaysiiskana been ayuu ahaa
Halkii saac ee fiidnimo ayaa waxaa dhawaaqay telofonka guriga Muniir, wuxuuna maqlay qof yiri
‘‘Haloow”
‘‘Haa” ayuu ugu jawaabay”
‘‘Qofka ogaysiiska soo dhigay ma adigaa”
‘‘Haa”
‘‘Anigu waxaan ahay injineer Shaakir, galkana wiilkay ayaa shalay helay”
‘‘Aad ayaan kuugu mahdinayaa, ee goormaan kulmi karnaa”
‘‘Xilligii kuu haboon”
‘‘Habeen danbe 10 fiidnimo, jidka al xamaadi, dukaanka orofo hortiisa, meeshaas iyo xilligaas ka waran amay dhib kugu tahay?”
‘‘Wax dhiba maleh”
‘‘Saacad kale ku darso haddii ay kula qumman tahay”
‘‘Waa sidaad hore u sheegtay, ee nabdeey”
Wada hadalkaan caadiga u eg wuxuu ahaa hadal maldahan, oo horey looga soo baaraan dagay Israa’iilgudaheeda,
Injineer Shaakir= eray daahsoon
Afar saac=lumber 10 laba jibaaran – 3 intaan la laba jibaarin
Fiid=aroor
Jidka al hamadi=saldhiga cirka rashiid
Dukaanka orofo=cidda laga bixiyo Ciraaq
Saacad ku darso=u sug saacad
Si kalana waxay u ahaayeen haddaladaan daahsoon,
”Waxaan ka soo duulayaa saldhigga ciidamaa cirka ee rashiid, 10 ilaa 20 ogost, inta u dhaxaysa 7 ilaa 8 subaxnimo. Waana in lagu dhaqsadaa sidii cidda loo bixin lahaa xilligaas inta u dhaxaysa”
Mosaad waxay ka codsatay basaaskoodii Ciraaq u joogay inuu mar kale ku soo celiyo farriinta, waana ku soo celiyay, isla sidii ayayna noqotay.
Durbadiiba Amit wuxuu u yeeray Mordechai, hoggamiyaha ciidamada ciraka, una sheegay farriintii loo soo gudbiyay, Mordechai farxad buu la waashay, Ashkol, madaxa wasiiraduna wuxuu yiri
‘‘Sooyaalku idinma iloobi doono waxaad samayseen”
Mordechai wuxuu kulan la yeeshay saraakiishiisii iyo gacan yarayaashiisii, lagana wada hadlay xaalada giggada uu ku soo dagi doono Muniir, waxaa la sameeynayay dhoola tusyo duullimaad sidii loo soo galbin lahaa diyaarada mucjisada ku noqotay ee Mig21, duuliyayasha duulimaadyadaas gogol dhiga u ahaa waxa ka mid ahaa duuliye Ran Ronen-Pekker oo aad ugucaan baxay ciyaaraha duullimaadayada dabaaldagyada dalka, wuxuuna ahaa duuliye xirfad sare leh ahna qar iska tuur.
Amar ayaa lagu siiyay basaasiintii Mossad ee Ciraaq joogay in ay ku dhaqsadaan sidii ay cidda ugu gudbin lahaayeen Iiraan, waxaa lake oo Tel aviv la xariirtay sirdoonka Safak ee Iiraan si ciddaas loogu soo duuliyo Israa’iil.
Carrabada saacaddu qun yar ayay u gurguuranayeen, neef isku celis iyo war war badan ayaa jiray, laga bilaabo 8 ogost diyaaradaha miraajka ee Israa’iil waxay ku dhawaanayeen hawada urdun, 7da iyo 8da subaxnimo, ayaga oo aan ogayn sababta ay saas usamaynayaa
10 ogost Mordechai aroor hore ayuu kacay, asago in mudda ah ba dagganaa saldhiga ciidamada cirka ee Xaatasrim, wuxuuna isugu yeeray duuliyaashii oo uu ku yiri
”waxaad arki doontaan oo dhinaca urdun idinka soo gali doona diyaarad Mig ah oo ay ka muuqato astaanta Ciraaq, yaan wax dhib ah loo gaysan, ayada oo bad qabta ayaan rabnaa, duuliyaheeduna si tartiiba ayuu idiin soo daba gali doonaa intaad kalkan ka timaadaan, fudayd iyo hubsiimo la’aan baan idin kaga digayaa, waxba ha u arkina calan ka Ciraaq ee ku yaal iyo gantaalaha ay hoos ku xambaarsantahay.
Diyaaradihii miiraajku markay cirka isku shareereen waxay wada maqlayeen dhammaan codka Mordechai oo leh,
‘‘Ciyaalnimo ha u dhaqminina, dad xilkas ah iska dhiga, wixii la idin faray ogaada, is dajiya”
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply