MOSSAD-DUULIYIHII CIRAAQ Q-24

 

Amit saacadiisii ayuu fiiriyay oo ku taagnayd markaas halkii saac ee fiidnimo, markii uu madaxa wasiiradu weydiiyay:

‘‘Wax walba xal ma u hesheen”

Amit oo kalsooni ka muuqato ayaa yiri:

‘‘Wali sidii aan ciddiisa uga soo saari lahayn Ciraaq meel islama saarin, balse garaad wanaagsan baa lagu salayn doonaa”

Ku xigeenka Wasiirkii gaashaan dhigga Shimon Peres baa markaa ku yiri Amit

‘‘Hawl galkii ugu wanaagsanaa uguna xiisaha badanaa ee aad gashay ayuu kan noqonayaa Amit doow”

Madaxa ciidamada Yitzhak Rabin baa asna yiri

‘‘Howl gal Mossad kii ugu weynaa weeye”

Amit ayaa yiri markaas

‘‘Kulankii u danbeeyay ee aan Holmos la yeesho wuxuu igu yiri, dad caajis loowyaal ah ayaa tihiin, balse hadduu kasid iyo lama filaan nagala kulmi doonaa”

Mordechai Hod oo ahaa madaxa ciidamada cirka ayaa yiri:

‘‘Waxaan cabsi ka qabaa in miigaga Suuriya ay dhex ku helaan oo riyadeenii saas ku burburto”

Madaxa wasiiradaa markaas si kor u hadal ah oo xanaaq yar ku jiro u yiri:

” Maxaad ku tooran tahay marka Mordechai, ma inaad wax qabad la’ aanta dadka kale uun ka hadashid? Bad baadinta diyaaradaas shaqadaada ciidan ayaa ku xiran, xataa hawada urdun markay kor marayso badbaadinteeda adaa u xil saaran, adiga kaliya ayay howshaada tahay”

Mordechai oo hadal hoos u hadala wada ayaa waxaa soo galay, agaasimaha xafiiska madaxa wasiirada oo u sheegay in martigii la sugayay uu yimid.

Xafiiska Levi Eshkol madaxa wasiiradu waxuu ahaa dhisme saddex dabaq ah oo ku dhex yaal dhismayaal isku eg, kuna yaalay xaafada kiriya ee aadka loo ilaaliyo, sidoo kale waxaa ku yaalay aagaas dhimaha hoggaanka ciidamada dalka.

Muniir waxaa la soday markii uu yimid, abuu Daa’uud, Lisa iyo karoz, marinka loo maro xafiiska madaxa wasiirada dhammaadkiisa waxaa taagnaa 18 janaraal oo soo dhaweynayay oo  salaanta ciidamada u saaray Muniir, Eshkol ayaa soo istaagay oo gacan qaaday Muniir habna siiyay dhiniciisana soo fariisiyay oo yiri:

‘‘Ku soo dhawoow dalkaaga, waan hubaa inaad Israa’iil aad u jeclaandoontid”

Amit baa markaa isku xilsaaray in uu Muniir baro janaraaladii ciidamada iyo John Hadden oo ahaa madaxa xafiiska CIA da ee Tel aviv, oo asaga lagu soo marti qaaday kulanka.

 

Is barasho iyo soo dhaweyn ka dib, dhamaan waxaa la aaday qol kale oo ku dhaggan kan waxaana isku soo haray madaxa wasiirada iyo Muniir, abuu Daa’uud, iyo Amit, abuu Daa’uud baa markaa ku yiri Muniir:

‘‘Waxaan kuu ballan qaaday mudane dhamme markii aan Baariis joognay in aan kula kulmiyo madaxa wasiirada, waana kan oo ballantii waan ka soo baxay”

Si rayrayn ku jirto ayaa Eshkol, madaxa wasiiradu u yiri

‘‘Maalin sharafeed wanaagsan ayay ii tahay aniga maanta” oo inta Amit ku jeestay yiri:

‘‘Ballan qaad aad samayseen ka hadal maleh” oo inta Muniir fiirshay hadalkii sii watay oo yiri:

‘‘Sharaftaydaan kuugu balan qaadayaa, waayo anagu saaxiibadeena Israa’iil jecel nafteenaan u hurnaa si aan u raali galino, taas meel ku xiro”

‘‘Mudane, Muniir waa nin geesiya oo daacad ah, waana uu na aaminay, anaguna waa inaan aaminkiisa ka so baxnaa oo uu helaa wax kasta oo kalmo iyo daryeel ah” ayaa Amit ku yiri Eshkol madaxa wasiirada.

‘‘Haa, haa, waa sax, anaguna waan ku xushmaynaynaa geesinnimadiisa iyo kalsoonidiisa, si aad u weyn” ayaa Eshkol yiri

Nus saac ka dib is aragii markuu dhamaaday, ayaa raggii kale soo laabteen, Muniirna baxay asaga oo kalsooni ku qaba in uu lacagtiisa heli doono.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply