MOSSAD-DUULIYIHII CIRAAQ Q-23

 

 

Maskaxda ayaa qarax ku dhawaatay si uu jawaab qancisa u helo oo damiirkiisu u qaboobo, waxa kaliya ee uu ogyahay waa in uu Lisa si miyir la aan ahy u daba rooray, inuu ogolaaday inuu diyaarad la fakado asaga oo aan ogayn ciribta falkiisa, waa kanaa haddana u sii duulaya Israa’iil sidii maqane jooge, dhiniciisana ay fadhido Lisa oo jacaylkiisa ka dharagsan, watana waraaqo dal ku gal kuna wata magaca Cazaar Muran, socdaal aan dib uga noqosho lahayna galay.

 

Amit si dhaqso ah ayuu ugu laabtay Israa’iil si uu bishaarada ugu sheego madaxa wasiirada, raggiisii kalena uga soo tagay inay Muniir la joogaan, ayaguna waa u diideen Muniir fursad uu kali ku noqdo oo uu uga fakaro arrinta iyo inuu ka laabto, waxay ku hafajinayeen ammaan iyo balln qaadyo, marmarna tusiyaan beer jileec iyo naxariis iyo hadii uusan ka fakan Ciraaq in uu dhib kala kulmi doono.

 

Markii uu gaaray gigada dayuuradaha ee lod aad ayuu ula yaabay sida heerka sare ah ee loo soo dhaweeyey ee maan qaadka ah, markuu haadada ka soo dagayba wuxuu ahaa qof heer sare loo tixgalinayo, xeel dheertii dabindhigidda ku dheeraysay Lisa ayadoo gacanta haysata ayay horey u sii galeen fatuuradii lumisiinka ahayd oo dhex qaadeen wadooyinka Tel aviv xilli aroortii wax yar ka horreysa.

Inkasta oo uu ku dhaganaa Lisa dhagaysanayayna heestii ”wardi jamiil” ee umu Kaltuum haddana garaaca wadnihiisu aad buu u sareeyay, dahii fatuurada ayuu dhinac iskaga leexshay oo daawasho ugu dhaqaaqay boorarka afka cibriga ku qoran, iftiinka nalalka jidadka aan dad badan marayn ciidamada nabad ilaalinta iyo gaadiidkooda maahane, dareen xanuun qurbo ah ayaa galay oo nerfihiisa ma juujiyay.

 

Villa ilaalo joogto oo dayr bir ah leh geedana ka baxayaan horteeda ayaa fatuuradii ku hakatay, in yar kadib markii illinka laga furayna ay gudaha u sii gudubtay, waxaana soo muuqday dhismo laba dabaq ah jaranjarta mar marka cadna waxaa taagnaa affar nin oo ay ka dhex muuqdaan abuu Daa’uud iyo abuu Muuse oo ayagu si xiisa leh hab u siiyay Muniir, uguna hambalyaynaya nabad ku imaantikiisa, waxayna isku dayayeen in cabsida haysa ay ka saaraan Muniir.

Shanqar la’aanta habeenka iyo faqa iyo dhaga wax ugu sheegii Lisa aad ayuu ugu dagay Muniir baashana uu ku boobay Lisa, bal in dabkaan gudahiisa ka shidan iyo war warkaan ay damaan.

Duhurkii ka hor ayaa waxaa u yimid abuu Daa’uud iyo laba nin oo la socota, waxayna u wadeen dhismaha cusub ee sirdoonka Mossad oo ku taal waddada sha’ul, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay Amit iyo la taliyaayiishii iyo saraakiil kale.

Kulankas lagama hadlin wax ku saabsan arrintii diyaarada iyo soo fakashada Muniir, ee wuxuu ku ekaa ka hadalka cimilada tel aviv iyo dabaaldagga borim ee maalma ka hor loo dabaal dagay, waxaa kale oo ay ka sheekaysteen dadka laga tirada badan yahay ee Yuhuuda ku dhex nool iyo sida masiixiyiinta Carabtu u yihiin kuwa labaad ee dadka la tirada badan yahay, tirdoouna ay gaarayso 130 kun oo masiixi, iyo inay yihiin kala bar dadka ku nool magaalada Naasiriya, iyo saddex dhig hal dhig Carabta Xayfa ku nool.

Waxaa kale oo laga hadlay, madax banaannida diimaha ee Israa’iil taal, iyo in dastuurku qabo madax banaannida diimaha, cid kastan xor u tahay inay ku dhaqanto diinteeda iyo waxay rumaysan tahay, in ay leeyihiin garsoorkooda diimeed ee u gaarka ah oo isku xukumaan.

 

Amit wuxuu ahaa nin aad u xeeldheer oo wuxuu kulanka ka soo qayb galiyay saraakiil markoodii hore ka soo jeeday Yuhuuda Ciraaq, si Muniir uu ugu dago markuu arko dad afiiksa waliba lahjadiisa kula hadlaya iyo in Muniir uu ka dheeraado dareenka ah inuu dhagar qabe yahay, kulankaas waxaa loogu gogol xaarayay mid kale oo isla fiidka maalintaa la qaban rabay,

Ku xeel dheerayaasha cilmi nafsiga ee akhriyay war bixinta Muniir kana daawanayay siduu u dhaqmayo kaamirooyin qol kasta oo villada ah ku xirnaa, waxay ku taliyeen in Lisa aysan marna ka dheeraan Muniir, oo ay marksta la joogto oo ku xayn daabto markasta galgacayl iyo rabitaan intii hore ka badan.

Baaritaanka nafsiyad ahaan ee Carabta, waxaa u soo baxay Israa’iiliyiinta in Carabtu tahay dad hiyi la kac ah oo si fudud ama dhaqso ah ku aamina dadka, si uur furana ula saaxiiba, oo ayna fududahay in lagu qaban karo ayada oo laga soo maro dhanka dareenkooda iyo nuglaantooda.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply