MOSSAD-DUULIYIHII CIRAAQ Q-21

 

Waxaa sii kordhay dhunkashadii iyo salaaxii ay waday Lisa, sarkaalkii Mossadna wuxuu yiri

”waxaan rabnaa diyaaradaas oo nabad qabta, si duuliyaasheenu ay si fiican ugu kuur alaan, sidii Soofiyeetku uu Carabta u siiyay diyaaradaas cabsi iyo war war baa na hareeyay, hawadeena ayay soo gashaa oo magaalooyinkeena dul martaa, ayada oo aan waxba u arag diyaaradaheena iyo difaaceena cirka, sidaa darteed mudane dhamme waxaan rabnaa inaan ogaano sirta ku qarsoon, waxaay ila tahay markaas in haddi taallo lagaaga dhiso taako walba oo Israa’iil ah  ay weli ku yartahay wanaaga iyo xushmada aan kuu hayno, dadkeenu waxay kuu arki doonaan geesi  caqliga ka wayn.

Aamus ayaa hareeyay goobtii, qof walba naftuu xakamo ku hayay, war war badan ayaa foolasha ka muuqday, jawaabta Muniir ayaa loo dhaga taagayay, Amit waxay u ahayd il biliqsigii noloshiisa ugu adkaa, il biriqsigii noloshiisa wax ka badali lahaa oo galin lahaa bogga sooyaalka uu kaga dhex muuqan lahaa madaxda Mossad, ninkii geeskiisa joogay ayuu ku yiri markaa, orod qolka kale tag, una bandhig duuliyaha hal milyan oo kale, haday qasabtana laba iyo saddex, wax dhiba malehe.

Abuu daauud qudhiisu in uu lacagta badiyo laabta waa ku hayay, balse wuxuu door biday inuu sugo, sida Amit iyo jaalayaashiisa kaleba warwar kuma yaran abuu Daa’uud.

Ugu danbayn waxaa hadlay abuu muuse oo ku yiri Muniir

”Diyaaradaheena ayaa marin nabad ah kaaga banaynaya Urdun dusheeda, diyaaradaheena miiraajka ayaa soo dhawayntaada ahaan doona iyo in ay hawada kugu badbaadiyaan oo aad soo nabad gashid.”

Muniir neef xoog leh ayuu qaatay mid kale ka xoog bana soo celiyay asgaoo Lisa fiirinaya, ayadoo weli gacmaheedii ku koolkoolinaysa kuwiisa, ayay madaxa si aayar ah ugu ruxaday Muniir, ayadaoo aamusnaan ugu baryaysa inuu oggolaado.

Muniir wuxuu eegay abuu Daa’uud, inkasta oo uu gariirayay, hadana dhoola cadayn ayuu muujiyay Muniir, oo yiri

” Idinku ma sirdoonka ciidamada cirkaad tihiin”

Abuu Daa’uud baa markaa yiri

”Maya Maya, waxaan ka shaqaynaa xafiiska madaxa wasiiradda, xiriirka caalamigaah”

Muniir baa si yaabanaan ku jirto u yiri

‘‘Hawshaad qabanaysaan hadda, waa tii sirdoonka e”

Basaaskii sirdoonka oo isa saxaya ayaa yiri

” Sirdoonka Israa’iil howlo kale ayay leeyihinn, ujeedkeenu waa in aan arrintaan sir ka dhigno si aan u ilaalino bad qabkaaga”

Aamusnaan dheer ka dib ayaa Muniir yiri

” Yaa ii damaanad qaadaya halka milyan, markaan soo fakado ka dib”

Neeftii ayaa ka soo fuqday dhamaantood, markaas ayaa abuu Daa’uud yiri

‘‘Madax wasiiradda ayaa qof ahaan kuu balan qaadaya, Israa’iil ayaad kugu marti qaadaynaa dhowr maalmo, aad ayuuna ugu farxi doona madaxa wasiiradu inuu kula kulmo, asaga afkiisa ayaana ka maqli doontaa oo kuu damaanad qaadaya”

Muniir baa markaa yiri

‘‘Waxaan ka cabsi qabaa in sirdoonkeenu kor igala socdaan, oo halkan waxaan ku imid caafimaad ahaan”

Abuu muuse ayaa si kalsooni ka muuqato ku yiri

‘‘Sir doonka Ciraaq halkan kuma leh dhaqdhaqaaq badan, waxaan kuu samaynaynaa waraaqihii socdaalka, qof dareemaya inaad bariis ka maqan tahay ma jiri doono, waraaqana waa kuu samayn doonnaa cadaynaysa inaad isku daawaysay Faransa”

Abuu Daa’uud baa hadalkii ku sii daray

”Israa’iil markaad tagto adigaa dooran doona villadii ku qancisa, waxaad wada hadal la yeelan doontaa ciidamada cirka, si ay kuugu sheegaan jidka hawada ee aaad soo mari lahayd, iyo hirarka is gaarsiinta aad adeegsan doonto, iyo saldhigii aad ku soo dagi lahayd”

Muniir baa markaas yiri

‘‘Waxaan u malaynayaa in arrintu aysan sidaa u fududayn, waxaa jira dhibaatooyin badan oo aan xal loo hayn”

Abuu muuse oo suxulka ka haya Muniir ayaa yiri markaas

‘‘Waxii dhib kuu keenaya wax baan ka qabanayna, si kasta oo ay u yartay, mushkilad kasta waan daba galaynaa waana ka wada hadlaynaa xalna waan u helaynaa”

Lisa oo ilmadu ka da’ayso ayaa dhunkasho ku waashay oo tiri

”Muniir waan ku jeclahay, noloshayda dhan adaa I leh”

Muniir ma danayn warkii Lisa ee wuxuu ku yiri ragii la joogay

”anigu weli dallacaad aan horjooge unug ku noqdo ma helin, idinku taas ma ogidin, duulimaad kaygu waa soohdimaysan yahay hadda oo waa gaaban yahay, shidaalka la isiiyo wuxuu ku egyahay 500 oo kiilo mitir, markii la I dallacsiiyo ayaa shidalkaygu laba jibbaar mayaa, oo aan kun km duuli karaa, sinnabana idin kuguma soo gaari karo,  inta u dhaxaysa karkuuk iyo  saldhigga Israa’iil ee u dhow, waa ka badan tahay 1000 km”

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply