MOSSAD-DUULIYIHII CIRAAQ Q-20

 

 

Abuu Daa’uud si taxadar ku jiro ayuu u bilaabay ka hadalkii arrinta baxsashada iyo halka milyan ee Israa’iil dhiibayso, wuxuu iska ilaalinayay inuu carrabka ku dhfto Mig 21, waxuuna rabay in uu nafsiyan u diyaariyo Muniir oo si tartiib ah uu u kabo wixii jug ah ee nafsiyad ahaan u soo gaartay Muniir, taasna waqti ayay u baahan tahay.

Abuu Daa’uud wuxuu yiri:

”Israa’iil waa dhulkii kitaabka barakaysan, dhulkii sooyaalka ee dadka Yuhuuda oo xilliya badan la kulamay weeraro dhinac walba, wax badan la isku dayay in jir ahaan iyo ruux ahaan loo baabi’iyo, marar badana lagu qasbay dadka Yuhuuda in ay dhulkooda ya yaacaan,  gugii 720 nabi Ciise ka hor, Ashuuriyiitu waxay Yuhuuda ka cayriyeen dhulkoodii, sidoo kale Baabiliyiintii ayaa ka cayrshay 586 NC ka hor, ka dib Roomaaniyiintii ayaa ka cayrshay gugii 70 aad ee NC se ka dib, dil iyo cayrin badan ayay soo mareen mudooyin badan oo kala gaddisan, waxaan ugu waa weynaa dhacdooyinkaas, tii Ingriiska 1920kii, tii Isbayn 1492, tii Ruushka 1881, ka dibna waxaa yimid Hitler oo malaayiin Yuhuuda gubay, haddana Carabtii ayaa dabin iyo dhagar noo dhigaysa oo diidan in dadkii Yuhuudu ku soo laabtaan dhulkoodii, dagaalna nagu haya rabana inay gubaan Yuhuuda sidii Hitler

”anagu uma soo laaban inaan Carab la dagaalano,oo sideedaba waxaa nahay reera nabadeed oo jecel inay nabad ku noolaadaan, jecelna inay dariskooda u fidiyaan gacan nabadeed, balse ayagii baa raba inay na xasuuqaan, si qarsoodiya ayay ciidan kooda u xoogaynayaan oo ugu hubaynayaan hubka noocee u danbeeyay ee Soofiyeetka, awoodna malihin, waxaana isku dayaynaa waa inaan caruurteena ka badbaadino dilka Carabta iyo aayatiinka madow ee ay caruurteena la rabaan ilma adeeradeena Carbeed”.

 

 

‘‘Walaakayga Carab ee sharafta lahoow. Dhulkiinu waa dhul wanaagsan-Ciraaq- waligiisna wuxuu ahaa walina yahay dhul nabad iyo galgacayl, waxaa ku nool kumaan kun Yuhuuda oo nabad ula nool muslimiinta iyo masiixiyiinta, qaarkoodna Israa’iil ayay u soo baqooleen, balse weli wadnahooda waa ku yaal kamana go’ayo jacaylka Ciraaq

”Yuhuudaas wanaagsan ee  dariska idin kula ah meelkasta oo Ciraaq ah oo idin jecel oo aad qaarkood taqaanid ayaa kaagaaga baahan dhowrid iyo badbaadin, oo gacmaha kor u taagaya oo kaa baryaya inaad kaalmayso, waayo waxay aad ugu baahanyihiin naxariistaada iyo wanaagaaga iyo raxmadaada”

Abuu Daa’uud wuxuu si fiican uga soo baxay qaybtiisii jilaanimada, foolka murugi ka fuushay jirkiisuna wada gariiray oo ooyay, Amit iyo raggii qolka kale ku jirayna indhahooda ilmaa ku soo istaagtay.

Lisa oo weli ku naban Muniir, si galgacayl lehna gacantiisa u salaaxaysay dhabannadeedana waxaa qooyay ilamdii ka socotay oo ilaa garka ka tifiq leh, oohinta ay hoos u ooyaysana ay wajigeeda ku raabay diillimo murugeed, miskiinnimo been ah intay muujisay oo indho ilmo ka da’ayso Muniir ku fiirisay bay tiri

‘‘Aniga dartay wax u samee”

Inkasta oo Caribi lagu hadlayay Lisana ay taqaanay, Amit na uu Lisa amar ku siiyay inaysan carbi ku hadlin si ay si habsima ah uga soo baxdo qaybteeda iyo dhalashada ay sheeganayso, haddana waxaa raad reeb ku yeeshay hadalkii abuu Daa’uud ee af Carabiga ahaa, halis bay ahayd in ay kashifmato hadii Muniir uu ku soo baraarugo.

Balse hadlkii abuu Daa’uud uu sida xeeldheerida ah uu u allifay ayaa hareeyey garaadkii ninka dhallin yarada ahaa, wuxuuna is weydiiyay muxuu u qaban karaa dadkaan.

Nin kii basaaska ahaana waa uu dareemay waxa ku wareegaya maskaxda Muniir, markaas ayuu yiri:

”Mudane dhamme, rabitaankaaga geesinnimada leh ee aad rabtid inaad gabadhaan qurxoon kula noolaatid Israa’iil Sharaf ayay u tahay Israa’iil iyo dhaam dadka Yuhuuda, faan ayay noo noqonaysaa in aad nagu dhex noolaato oo xuquuq muwaadin oo buuxda aad heshid, taana ay sii dheer tahay sida gaarka ah ee aad u noqon doontid hadal haynta dadka Yuhuuda oo dhan”

Muniir baa ka dhex galay oo yiri:

”Israa’iil waa dal wanaagsan”

Abuu Daa’uud baa hadalkii sii watay oo yiri

‘‘Mudane dhamme, waxaan ku siinaynaa hal lmiyan oo doollar, villo aad u wanaagsan, iyo darajo ciidan oo kuu qalanta ka duuliye ahaan, hadii aad nagu kaalmaysid”

Duuliyihii oo yaaban baa markaa weydiiyay

‘‘Maxaan idinku kaalmeeyaa”

Lisa oo gacanta Muniir riixriixaysa oo dhunkanayasa ayaa abuu Daa’uud yiri

”Mig 21”

Duuliyihii oo aad u malaysay in mas qaniinay ayaa ku dhawaaqay

‘‘Diyaarada miiga ah baa?”

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply