Sidaas ayaa Rofa ugu dhex jiray awooda Lisa, asaga oo aan awood iyo tabar toona lahayn, waana sida ay u diyaarisay ayadu, markii ay ka dharjisay raaxo aan dhinacna looga fakan karin waxa u baraaraynaysay asagoon dareensanayn in uu Israa’iil u fako, taas oo marna uu sidii qof raali ka ah uu muujinayay, marna uu isbadalayay oo uu diidayay, sidaas ayaan xaalku ahaa shan maalmood oo isku xigta, intaasna Amit maalin kama maqnaan, oo markii Rofa yeelana uu farxayay, markii uu ka noqdo ogolaanshahana madax wareer ku dhacayay.
Waxaa amar lagu siiyay Lisa in fursada u horeysa ay ka faa’iidaysato oo cadaadis saarto Rofa, waayo duuliyihii wuxuu noqday sidii ilma yar oo hooyadii la jooga oo aan ka go’ karin, sinnana Rofa markaan ugama fakan karo gacanta Lisa.
Asagoo qaawan oo howshii galmada ku jira ayay weydiisay:
‘‘Aayatiinkeena weli kama fakarin miyaa…. Halka milyan ma rabtid miyaa?
‘‘Inaad iga fogaato ma rabo Lisa wixii maanta ka danbeeya” ayuu yiri asagoo baddii macaanka dhex quusan.
Ayada oo wajigeeda xabbadkiis la gashay ayay tiri:
‘‘Ma ii balan qaadee? Xataa hadaan Israa’iil tago”
‘‘Meeshaad rabtaan kuula fakan, Israa’iil ba allaha ka dhigee”
Ayadoo weli xabadkiisa ku jirta ayay tiri:
‘‘Waxaan ka baqayaa inaad I illoowdo markaad milyanka doollar hesho”
‘‘Waan kuu cadaynayaa inaan ku jeclahay, haddii hantida aduunka oo dhan la isiiyo xataa kuma nacayo” ayuu ku yiri dhawaaq run ka muuqato
‘‘Haye. Ma u yeeraa hadda mise weli waad cabsan?
‘‘Yaan ka baqaa?”
‘‘Inaad la kulantid”
‘‘Yaan la kulmaa?”
Inadha intay si dhab ah kaga eegtay ayay cod naxariis ku jirto ku tiri
‘‘Asxaabtayda Israa’iiliyiinta…. Si aad uga hubsati warkaan kuu sheegay in uu run yahay”
Intuu si xooga isugu dhajiyay ayadii ayuu yiri:
‘‘Waan ku jeclahay…..saxiibadaana waan jeclaan doonaa”
‘‘Irrida ayaa la garaacayaa, waa ay yimaadeen” ayay tiri
Amit waa uu dhagaysanayay sheekadii dhex maraysay labadooda, in loo galo ayuuna amaray, xooga yarna waa ka daahday Lisa in ay irida furto, si ay dharka u xirtaan.
Muniir gariir yar buu dareemay markii laba nin soo galeen, markay u dhoola cadeeyeena waa salaamay, ayaguna af Carabi ayay ku salaameen
“Anigu waxaan ahay abuu Daa’uud….ganacsade ku dhashay bagdaad”.
“Aniguna waxaan ahay abu Musa…. Wadayga abuu Daa’uud….. waxaana ku dhashay Tel Abiiib”, sidaas ayaa labadii nin isku bareen muniir.
Muniir wax uu dhaho asaga oo gran la’ ayaa Lisa u soo gurmatay oo tiri:
‘‘Kana waa dhamme Muniir Rofa oo Baqdaad ka yimid”
Muniir baa markaa weydiiyay abuu Daa’uud,
”Baqdaad baan ka imid miyaad igu tiri?”
Dhoolla cadeyn ballaaran intuu muujiyay ayuu yiri:
‘‘Haa Ciraaqi baan ahay, waxaan ku dhashay guriga awoowgay ee ku dhagan masaajidka Kaadimiya, una dhow dukaanka Jabu”
Muniir baa si fajac ku jiro u yiri:
‘‘Dukaanka Jabu, waan garanayaa, weliba masaajidka gadaashiisuu ku yaal”
Sidii saaxiibo hore oo waayo waayo xasuustay ayaa abu Daa’uud yiri:
‘‘Ma taqaan jidka Nacuum, ee Mustansariya ku yaal”
Muniir oo yaabay baa yiri:
‘‘Ma taqaan maxay tahay? Waaba meeshaan ka imid, ciddaydii weli waaba dagan yihiin”
‘‘Eedaday Roosaana oo dawaarlaha ahayd baa daganayd tan iyo intay ka geeriyootay”
Muniir intuu dhabannada qabsaday yaab dartii ayuu yiri:
‘‘Eedo Roosaana, waaban ku soo ag koray, nac naca ayay isiin jirtay, hooyaday aad bay u ooyday duugteedii, aniguse waan yaraa”
Amit darbiga dhiniciisa kale ayuu calaacalaha isku xoqayay marna tartiib u sacbinayay, si foojignaan ku jirtana waa uu u dhagaysanayay sheekada Muniir iyo abuu Daa’uud dhex maraysay, abuu Daa’uud cabsidii duuliyaha ku jirtay waa uu ka mayray, wuxuuna ku guulaystay inuu soo jiito una soo celiyo dheelli tirkii naf ahaaneed ee ka dhumay duuliyaha markii hore.
Abuu Daa’uud wuxuu ahaa diblomaasi hadalka ku fiican, codkiisa wuxuu ku dahaaray naxariis qofkii maqla soo jiidanaysa.
Laba saacadood ka dib jawigu waa dagay, ag jooga ay Lisa ag joogtana wuxuu Muniir ku beeray daganaansho, is xirxirkiina waa uu ka baxay oo markii danbe qosolkiisa ayaa baxayay, taas oo markhaati u ahayd inuusan didsanayn ee uu daggan yahay .
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply