MOSSAD-DUULIYIHII CIRAAQ Q-18

 

 

Ahaansho ay tahay basaasad xeel dheer darteed, waxay si tartiiba u galisay Rofa  inuu uga sheekeeyo noloshiishii iyo siduu ku soo koray, shaqadiisa iyo dawladiisa iyo madaxda dalkiisa, asna waa uu u burqaday oo u faahfaahiyay sheekadii caruurnimadiisii, iyo sidii saboolnimadu cidiisa ay u haysay, sidii aabihii dubaay uga soo laabtay asagoo xanuunsan oo uusan wax shaqo ah qaban karin, markii uu hooyadii ka sheekaynayayna Muniir waa ooyay, markuu ka hadlayay siday ku soo korisay wax ku soo bartay, lisa na waa la oyday oo naxariis been ah huwisay, waxay weydiisay dowladda Ciraaq iyo maxaysan dadkeeda nolol fiican u siin, duuliyihiina wuxuu bilaabay inuu caayo dowladda iyo ayaan daradiisa ka dhigtay Ciraaqi.

Fursaddan ayadoo ka faa’idaysanaya ayay u bandhigtay inuu markasta garab joogo oo uusan ka dheeraan, waayo la’aantiis ma noolaan karto, waxayna u balan qaaday in ay shaqo fiican u raadinayso, noloshiisa iyo tan ciddisuna ay wanaagsanaan doonto.

Xoogaa markuu fakaray ayuu weydiiyay, shaqooyinka fransa iyo mushaarka uu qofku nolol wanagsan ugu noolaan karo.

Way la yaabtay, waxayna weydiisay in uu waligii ku fakaray inuu Ciraaq ka baxsado, wuxuuna ugu jawaabay, haa, wuxuu markasta ku fakaraa in nolosha ciddiisa uu wanaajiyo oo sare u qaado, balse markasta xilligu lid ku yahay, haddii uu helo furasad dibada ah oo uu ka faa’idaysan karo ma dhaafeen, asaga iyo cidiisuna Ciraaq dib uguma laabteen.

Markaas ayay weydiisay:

‘‘Maxaad ugu fakari weysay inaad Israa’iil ku noolaato?”

Kadis bay ku noqotay weydiintii, wuxuuna yiri:

“Israa’iil”?

Si daggan ayay u tiri markaa:

‘‘Waxaan maqlay in Israa’iil ay u ballan qaaday 1 millyan oo doollar duuliyihii Carbeed oo isku dhiiba”

Asagoo afkii kala tagay ayuu yiri:

‘‘Milyan doolar…waa lacag badan….warkaas mid la hubo miyaa?”

‘‘Waa la hubaa, saxiibo Israa”iiliyiin ah oo aan Baariis ku leeyahay ayaa maalin dhaweyd hortayda kaga sheekaysanayay”

Asagoo rumaysan la’ ayuu ku yiri:

‘‘Hadaan sidaa yeelo, Israa’iil ma ii raacaysaa?

Intay xabadkiisa isku tuurtay oo isku dhajisay oo dhunkatay ayay tiri:

”Israa’iil waan kula joogayaa iyo meel kasta oo aad jeceshahay,

Hab ayuu si xoog le u siiyay, oo mac dheer oo qoraxda ka kulul siiyay, indho naxariis leh intay ku eegtay ayay tiri:

”Muniir waad ogtahay inaan ahay, agoon iyo rajay labadaba, walaashii kaliya een lahaana Awstaraaliyay ku nooshahay, qof aan adiga ahayna ma haysto, adaa ii galacaliye ah ii ehel ah, inaan kula jiraan rabaa mar kasta iyo meel kasta, Israa’iil ba ha ahaatee”

Dhabannad intuu qabsaday oo xoogaa fakaray ayuu yiri?

“Maxay hal milyan u siinayaan duuliye Carbeed?”

‘‘Ma aqaan, waxaanse u malaynayaa inay raadinayaan duuliyaal waayo arragnimo fiican leh, ma ka fakaraaysa?

 

Amit asaga ayaa qof ahaan yimid baris si uu dhagihiisa ugu maqlo waxa Muniir Rofa sheegayo, iyo inuu arko cajaa’ibka basaasada Mossad ee xeesha badan ay samaysay.

Wuxuu ku jiray qolka ku dhagan kan Rofa , dhagahana waxaa ugu jiray qalabka maqalka lagu dhagaysto, waxuuna daawanayay Rofa  iyo basasadii oo dharka hoos ka gashigaa kaliya xiran oo si galgacayl leh isku haysta, ka dib saqradii macaaneyd ee galmada, markaas ayuu ku yiri raggii la joogay:

“Gabadheenu waxay guddanaysaa waajib muqaddas ah, waana in aan ixtiraamnaa, si qadarin iyo xushmo ku jirtana aan u eegnaa, nafteeda waxay u hibaysay dalka Israa’iil iyo in nabadeena ay sugto, jirkeedana si raqiis ah ayay u adeegsatay wadanka dartiis, sidaas ayaa gabdhaheenu xishood la’aan wax ugu sameeyaan si aan u noolaano oo dhulkii balantu uu horumar iyo barwaaqo u gaaro”

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply