MOSSAD-DUULIYIHII CIRAAQ Q-16

 

 

Habeenkii xaflada Muniir waa soo yara daahay oo wiilkiisa naaji ayaa xanuunsanaa, markii uu yimid oo illkinka xafiisa soo gali rabayna, gudaha ayay ka soo dhawaaqday ayadoo leh:

“Rofa …. La’aantaa mugdi weeye”

Miniir iriada ayuu istaagay asaga oo afii kala tagay, sidii ay tahay markii u horeysay ee uu arko Lisa, Lisa waxay xiranayd maro cagaara oo qaawanaan xigta oo banaanka u soo saartay dheddignimadeedii, caraf macaanna waa ay ka soo karaysay.

Gacanta intay ka qabatay ayay gudaha u soo waday, si kadis ah intuu gacantiisii teeda ugala baxay ayuu hab siiyay oo laabta soo gashtay, layaab, ayaduna waa isku dhiibtay laabgashigiisa iyo mac siintiisii, waliba isku sii dhajisay oo si kal iyo laab ah u baashaysay, markaasay ayadoo weli dareenkii ku danbeeyo tiri:

 

‘‘Muniir….. adiga…aniga…., waxaan dhahaba ma aqaan”

‘‘Haddii aan ogaan lahaa quruxleeyahay……”

‘‘Ogaan lahayd maxaa?”

‘‘Dareenkayga iyo unugyadaydu aday ku jecelyihii……”

‘‘Muniir……..”

‘‘Hortaa naag sidaan wadnahayga uma gariirin,  inaan dareerkayga xajin waayana kuma guul daraysan adiga hortaa”

‘‘Aad ayaad roomaantik u tahay”

‘‘Adaan baan kaaga daba dhacay. Adaan adeege kuu ahay”

‘‘Waan kala badbatay faankaagii, awoodii asagaa iga qaaday”

‘‘Adna, naagaha ifka adaa u qurxoon……waan ku jeclahay”

‘‘Warkaas amuu been yahay hee?”

‘‘Waligayba qof run uma sheegin, adiga maahane”

‘‘Sidaas dhan miyaad ii jeceshahay?”

‘‘Gigada markaan kugu arkay baan ku jeclaaday, xilli aan kuu dheegto jacaylkayga in uu yimaadaan sugayay”

” Waan ku jeclahay” ayay tiri ayadoo oynaysa oo xoog isugu duubtay  balse berri baan baxayaa ayay ku tiri.

‘‘Aduunka gadaashiisha hadaad u duusho, waan kaa daba duulayaa”

‘‘Muniir….. feerahaa I jabin gaartay”

‘‘lisa.. gacaliso 4 maalmood sii joog, inta fasaxu ii bilaabmayo, haddaad berri tago waan waalanayaaye”

‘‘Aniga weeye qofta waalanaysa hadddii aadan Baariis iigu iman, inaan magaalada soo mar maro adoo dhexda I haysta ayaan xiisa u qabaa”

‘‘Intaas kaliyaa”

‘‘Xabadkaagana aan ku seexdo, oo farahaagaa aad timaha iga galgalisid”

‘‘Oh, quruxleeyeey”

‘‘Waan kugu riyoon oo kugu riyoon intaan Baariis ku kulmayno”

‘‘Codsi ayaan gudbisan si fasax la ii siiyo”

‘‘Ma adagtahayn in aad fasax heshid”

‘‘Waqti lee qaadanaysaa”

‘‘Waan ku sugayaa anna”

 

Yuusuf Menshu intaan Muniir imaan ayuu baxay, si ay labadoodu iskugu kaliyaystaan oo dawacadu wanka u gaado, waana markii u horeysay oo Muniir uu gurigiisa ka dibado asaga oo magaalada jooga, si uu xafiiska ula baryo Lisa, asagoo mar marsiyo ka dhiganayaa shaqaan ku jiray.

Habeenkaas basaasaddu si heer sare ah ayay howsheedii uga soo baxday, una muujisay duuliyaha jacaylku hayo dareenkeeda galgacal iyo dhinac kastaba, maalintaas ka dib Muniir wuxuu isku rogay qof kale, garaadka gacalisadii in uu ku fakaro, indhaheeda in uu wax ku arko, aadana meesha ay u hoggaamiso ama u jiido”

Maalintii ku xigtay markii ay baxday, Muniir hiyi kac baa ku dhacay daganaanshana uma ool in uu ka daba tago maahine, waayo dhibcihii macaanka ee ku gob’o leeyay ayaa maankii ka qaaday, macaan uusan waliigii arking, meel kalana uusan ka helay laabata basaasadda maahine.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply