MOSSAD-DUULIYIHII CIRAAQ Q-14

 

 

 

Markii duuliye Rofa  uu daba ordayay quruxleeyda Yuhuuda ah oo daymaha Yuusuf Menshu ku sii badanayeen, yusuf ganacsigiisii waa soo kabsaday waa uuna ballaartay, kaalmada Mossad owgeed wuxuu timir u dhoofiyay Iiraan, halkaas oo uu kula kulmay sarkaal Mossad ka socda oo uu u sheegay warbixinta Rofa  iyo meeluhuu u jilicsan yahay, asna waxaa loo sheegay in qorshaha lagu soo dajiyay Israa’iil uu yahay in Rofa  uu u duulo baris, halkaasna arrintiisa dad kale la wareegi doonaan.

 

Yuusuf Baqdaad ayuu ku soo laabtay wuxuuna u sheegay Rofa, -sidii qorshuhu ahaa- in uu shirkad ingriis ah la galayo qandaraas weyn oo uu timir uga iibinayo, shirkaduna waxay soo dirsanaysaa qof xagooda ka socda si heshiiska loo kala saxiixda, sidaa darteed uu asaga Rofa ah uu uga baahan yahay in uu u kala turjumo asaga iyo qofkaas ingriiska ah.

Massad waxay rabatay in ay ku guulaysato howl galkaan, waxayna diyaarisay hanti iyo dad waxii loo baahnaa in lagu fuliyo, waxay sameeyeen baaritaano aad u badan uu ku saabsan nolosha Rofa  ee dhinac walba, wuxuu aaminsan yahay, hammigiisa iyo riyadiisa aayatiin, mabaadi’diisa uu rumaysan yahay. Meelaha uu u jilicsan yahay, xaaladdiisa dhaqaale iyo tiisa shaqo, waxaana ka soo baxay baaritaankaas waxay ahayd in sida u wanaagsan ee lagu jabin karo ay tahay naag aan naagnimadeeda iyo quruxdeeda la arag lana maqal, waayo waa laayaan naagaha aad u jecel oo xariiro naago oo badan leh,  howshaana kama ay soo bixi karto naag aan ahayn haamaanad, quruxdeeduna mida lagu fidnoobo ay tahay, naag ayada oo kale uusan weli la kulmin kuna riyoon.

Waxaa bilowday  baadi goodkii gabadha caynkaas ah, ayada oo laga dhex raadinayo gabdhaha Mossad u shaqeeya, Amit wuxuu shruud kaga dhigay in ay af Carabiga taqaan, balse aysan adeegsan ku hadalkiisa, in ay aqoon sare iyo mid horeba u leedahay howsha noocaan ah, dabin dhigga macaan,  mid baana doorashadii ku dhacay, waxaan loo sheegay howla galka la rabo in duuliyahaan Baaris lagu keeno, in ay iska dhigayso in ay tahay ka socde shirkad ganacsi oo ingriis ah, ka dibna ay xiriir gaar ah oo an la furi karin la samayso duuliyaha.

 

23 Maarso 1966 ayay gaadhay lisa Brat gigada dayuuradaha ee Baqdaad, ayada oo sidata dal ku mare ingriis ah, kana socota shirkad aan jirin oo heshiis timir loogu dhoofinayo lodon saxiixaysa.

Markii ay soo dhaaftay bartii kontroolka waxaa sugayay Yuusuf oo sitay boor magaceedu ku qaran yahay, meel ka durugsanna waxaa taagnaa Muniir Rofa oo makuu isha saaray quruxdeeda, meeshii uu taagnaa ka nuuxsan waayay, aragtideedii hore ba ay ka muuqatay inuu is dhiibay.

 

Gu’gii 1934 ayaa Muniir Rofa ku dhashay Baqdaad, wuxuu ka dhashay cid masiixiyiin ah oo sabool ah, wuxuuna ahaa kan labaad ee ilmaha sagaalka ah ee wada dhashay, aabihiis waxuu ka shaqaynayay wasaarada beeraha aad ayuuna ugu rafaaday mushaarkiisa oo yar iyo ciddiisa oo badan, taas ayaana ku riixday in uu khamriga badsado iyo inuu naagaha daba ordo iyo inuu laaluush qaato, taana ay dhalisay in shaqadii laga cayrsho dhowr biloodna la xiro.

Dhowr bilood ka dib markii xabsiga laga sii daayay, soboolnimda iyo gaajada ciddiisu ku jirtana u adkaysa waayay ayuu aaday Dubaay oo markaas xukunka ingriiska ku hoos jirtay, wuxuuna noqday macallin ilmaha badowda wax bara, balse waxaa isla markiiba helay jacaylka naag Hindiya oo meesha ka shaqaynaysay, jacayl illoowsiiyay xaaskiisii iyo sagaalkiisi caruura, mana ku fakarin dhibka qoyskiisu ku jiro iyo siday ugu baahan yihiin, dhawr gini oo uu u xawilo maahine.

Xaaskiisuna uma joojin odaga sawirka noqday, ee waxay dhexda u xiratay siday caruurteeda ku korsan lahayd, waxayna biloowday inay shaqayso, waxay dusha u dhigay oo u adkaysatay dulleyn iyo shar bani aadam qaado ka ugu badan, si ay ilmaheeda u korsato oo aysan darbi jiif u noqon, waxayna ku guubaabisay oo ku dirqisay Muniir inuu galo kulliyada ciidamada cirka.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply