MOSSAD-DUULIYIHII CIRAAQ Q-13

 

 

‘‘Waa tanaa oo mar saddexaad ayaan ku guul darraysannay inaan soo xero galinno duuliye Carbeed, markii guushu noo soo dhawaatay, balse dad quusta oo isdhiiba ma nihin ama niyad jab qalbiga ka galo, quusashadu guul ma keento iyo mira dhal fiican

”horteena waxaa yaal maanta warbixin aad muhiim u ah, oo ku saabsan duuliye cusub oo Ciraaqi ah, waxaan u baahannahay inaan si fiican u baarno oo u lafa gurno, si aan u dajinno sidii aan ku soo xera galin lahayn, waa inaan ma quustayaal noqonaa sidii aan ugu guulaysan lahayn inaan gacanta ku soo dhigno duuliyahaan, wax kasta oo dhaqaale ah oo uu rabana aan siinaa”

 

Amit codkiisa waxaa ka muuqday yadadiilo iyo kalsooni, waayo warkaas ka yimid Baqdaad ayaa ku beeray rajo cusub oo guul ku dhamaan karta,

 

wuxuu jecelyahay oo uu ku raja weynaa lambarka 4 oo noloshiisa qayb wey ka ciyaaray, wuxuu dhashay bishii 4aad, wuxuu ahaa gunuggii 4aad ee qoyskiissa, 1948 wuxuu hoggaamiye u noqday ururka 4aad ee argagixisa Hagana, waxuu galay labarka 4aad markii uu ka qalin jabinayay kulliyada dhaqaalaha ee New York 1954, xaskiisuna waxay dhalatay bishii 4aad, waxayna ahayd ilmihii 4aad ee qoyskeeda, lambarkiisa ciidankuna 4 ayuu ka bilowday, 4 jeerna waa ka bad baaday dhimasho.

 

Markii mid gacan yarayaashiisa ka mid ah uu soo jeediyay in magaca howl galka laga badalo 007, waa uu diiday, asagoo leh faylashiisa moossad kuma jiro howl gal uu ku guul daraystay, waana uu hubaa in howlgalkaan 007 lagu guulaysan doono.

 

Warka ka imaanayay basaasiinta Mossad ee Ciraaq joogtay wuxuu sheegay  in duuliye Muniir Rofa  oo kamid ahaa duuliyayaashii Texas, uu xiriir la leeyahay gabar ortodox masiixiya, wuxuuna kula kulmaa guriga saxiibkii Yuusuf Menshu oo ah ganacdase Yuhuuda oo kacay oo daymo badan lagu leeyahay, asaga qudhiisuna uu xariir la leeyahay gabadh la dhalatay  oo ka weyn tan Muniir saxiibta layahay.

Waxaa la bilaabay in la dajiyo soo dabinta Rofa ayada oo loo sii maryo ganacsadaha kacay ee saaxiibkiis ah oo hanti lagu hanfajiyo, Yuusuf Menshu waa uu ogolaaday in uu Mossad la shaqeeyo haddii daymaha laga dhiibo, Israa’iilna la gaynayo.

Ganacsadihii Yuusuf ee lacagta qaatay, warbixin tafaftiran ayuu ka soo gudbiyay Muniir Rofa , warbixin iftiiminaysa dadnimada Rofa , koritaankiisii, xaaladuu hadda ku jiro, intaas oo dhanna waxay ahaayeen kuwa fududaynayay baaritaan naf ahaaneed ee lagu sameeyo duuliyaha dhallinta yar iyo sidii loogu xaluulan lahaa oo gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Waxaa loo sheegay Yuusuf Menshu, in uu u ekaado ama isku muujiyo ganacdase hodan ah oo kala gadid ganacsi ku guulaystay iyo in uu si deeqsinnimo ah saaxiibkiis Rofa  wax u siiyo una daymiyo si uu tumashadiisa u wato iy naago laayaannimadiisa.

 

Hantidii loo dhiibay Yuhuudiga Yuusuf waxay ku noqotay sixir faraha loo galiyay,  amarada Mossad si daacadnimo ku jirto ayuu u fulinayay, howl karnimana waa muujiyay si uu u tuso Mossad inuu daacad u yahay markii gabar aad u qurxoon oo Yuhuudiyad ah uu u riixay dhinaca Rofa  balse ay ka biya diiday, markaasna si uu maanka uga xado uu ku waalay hadiyooyin aad u qaaliya, in kasta oo hadiyooyinkaas badan ee qaaligaa uu dhibsanayay, haddana hantida Mossad lama uusan bakhaylin, mar marna asaga ayaaba waxuu u baahan yahay ka adeegsan jiray, duuliyahiina aad ayuu  ugu soo jiitay, durbadiiba ganacsadihii aan shilinka haysan wuxuu isku badalay dabin dhige xirfad sare leh, asagoo hunguri galay oo raba inuu lacag kale helo.

Samaynta dhagar qabayaasha iyo basaasiintu waa howl aad u adag oo isku dhex lafan, waa is dhex gal wax yaabo badan oo yaab leh, waxaana ka howl gala aqoonyahano u tababaran oo dulqaad leh iyo xirfad ba, garaad sareeyana leh, marka hore waxay isku dayaan inay helaan kuwa jilicsan, kuwa markasta ka daba orada hanti iyo caannimo, kuwa wadaniayaddu ku yartahay, markii kuwaas ay ku soo dhacaan dabinka na dhinac walba ayaa laga soo oodaa si aysan uba helin meel ay ka baxan.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply