MOSSAD-DUULIYIHII CIRAAQ Q-12

 

 

‘‘Waayo kuwa aad ka hadlaysid”

‘‘Ururka nabadda adduunka, waa urur ka shaqeeya nabadaynta Carabta iyo Israa’iil”

Xanaaqii intuu ka batay oo mar kale dharbaaxay ayuu ku yiri:

‘‘Ma waxaas baad iiga daba timid…”

‘‘Hal milyan oo doollar weeye Shaakir, waligaa milyineer baad ahaan”

Waa uu sii garaacay, waxase ku tiri

‘‘Nacas ha noqon…. Waan kuu badin lacagta hal milyan iyo bar…..”

‘‘Yaad u shaqaysaa dhillayahay uraysaa?”

‘‘Waa ay dilayaan wiilkaaga iyo cidaada…dad ayaa u shaqeeyaa oo Baqdaad buuxa”

‘‘Horta maxaad iga rabtaa aniga?”

‘‘Ku soo biir ururkeena, filmo duuban adoo ii galmoonaya baa lagaa duubay, cajalado codkaaga ah adoo madaxda iyo dowladaada caynaya ayay hayaan, haddaad diidid waa ku dilayaan, si naxariis darro ah, hadaad diido”

‘‘Diido maxay? Qurunyahay”

‘‘Inaad ku biirto”

‘‘Dowladaan kuu sheegayaa, inaad I handadaysid oo aad rabtid inaad iga dhigto basaas dowlado kale, filimada aad sheegaysana wax iga sii anaaba saxiibaday u qaybine”

‘‘Go’aankaagii u danbeeyay kaas miyaa?”

‘‘Haa…. Ee intaanan ciidan kuugu yeerin meesha ka carar”

 

Suunkiisii intuu la baxay ayuu ku garaacay, waxaase ka yaabiyay sida xoogga leh ee uu u garaacayo, iyo sida ay u aamusan tahay oo aan dhawaaq uga soo baxayn, si kadis ah ayaa illinkii xoog loogu soo furay, waxaana soo galay Cazaar iyo rag la socday, waxay ku toogteen Shaakir bastooladahoodii cod qariyuhu ku xirnaa, Shaakir dhulka ayuu ku dhacay asaga oo kor u eegaya saddexdii nin ee ay isku dalka ahaayeen.

 

Markii Crowther ay si dagdag boorsadeeda dharka ugu ridanaysay, ragggii waxay ku howlanaayee tir tiridda farahii,  Maydkiina kubeerto ayay ku duubeen oo sariirta hoos gasheen.

Hawl galkaas si murug leh ayuu ku dhamaaday, korterna si daggan ayay habeenkaas ugu duushay London, ayada oo ay ku adakayd in ay rumaysato wixii dhacay, jirkeedana uu wali ka muudo bararkii uu suunku u gaystay.

Guuldarro kale oo Amit u soo hayata ayay ahayd tan iyo niyadd jab Mossad iyo CIA usoo hoyatay.

 

Gacan ku dhiggidii Cohen iyo lotes iyo tabonaan kale oo baasiin ah oo dalalka Carabta uga shaqaynayey Israa’iil, waxay keentay  daal iyo jaha wareer ku yidaada Mossad gaar ahaan Amit oo nerfe daalis ay ku noqotay iyo murug,

 

”Jaallayaal inkasta oo aan dadaalnay haddana runtu waxay tahay inaan guul darraysanay, guuladarradeenuna kama imaan qorshe xumi aan samaynay balse waxaa keenay, duuliyaashaas Carbeed oo dalkooda jecel oo daacada u ah”

Erayadaan ayuu Amit ku bilaabay hadalkii, shirkii ay lahaayeen saraakiil sare oo massad ah.

”Inta Carabtu diyaaradaas haysato oo ay nooga sareeyso oo cirkeena siday rabto ka yeeli karto, Israa’iil nabad maaha, markastana dhimasho iyo handadaad ayaan qarka u saaranahay haddii aynaan mid diyaaradaas ka mid ah aynaan helin, markii riyadaas noo rumowdana waxaan idiin balana qaadaayaa in Israa’iil ay mar kale dhalatay si ay waligeed u jirto, awoodeeda gacmeed meel kasta gaaraysana ay Carabta ku ceejiso, oo nabada ay haystaan aan dhulka ku doogno si aan kasoo noqosho lahay, abid

‘‘Mudanayaal…… waa xil nasaaran u adeegida dalka, maslaxadda dowlada, higsigeeda, haddii aynaan si wanaagsan wax u qorshayn, cirib xumaa noo danbayn iyo jab badan oo isdaba joog ah, sidii dumarna waan u ooyi doonaa

 

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply