MOSSAD-DUULIYIHII CIRAAQ Q-11

 

 

Hotelka Baqdaad ee caalamiga ah ayadoo joogta ayaa helker wacday dhamme Shaakir, asaga oo dhibsanaya imaatinkeeda ayuu guri uga ijaaray xaafadda karraada kharjiya, halkaas ayuuna si qarsoodiya ugu tagi jiray, mana ahayn inuu galmood ugu tagi jiray ee waxay ahayd inuu maskaxdeeda ka saaro arrinta guurka oo ay darteed u timid Baqdaad.

 

Sida muuqatay howshaan waxay salka la gali doontaa dil, balse ayadu kama dayn Shaakir inuu guursado oo meesheedii hore oo ay taagnayd kama aysan nuuxsan, baryada Shaakir oo ahayd in ay faraha ka qaadana dhag jalaaq uma siinayn, balse waa ay ku raaxaysanaysay oo gudaheeda waxay dareemaysay in aysan weli guul darraysan, sidee bayse u guul darraysataa sow maahan quruxdeeda waxa rag badan dhulka la jaray oo ninkasta oo adag jilbaha dhulka u dhigay oo arrumisay.

 

Waxay go’aansatay in ay cadaadis xoogle oo uusan xammili karin ay saarto, sidaa darteed ayadoo been sheegaysa ayay ku tiri uur baan kuu leeyahay, taasna way ka gariirsiisay duuliyihii wuxuuna usoo bandhigay in ay ilmaha iska soo rido, waana is oohisiisay ayadoo leh, Baqdaad ka tagi mayo tan iyo inta aan ka dhalo, waxaan ku fakarayay in aan doqonnimo sameeyo oo aan arrinta ciddiina iyo xaaskaaga gaarsiiyo, xiriirka naga dhaxeeyana u sheego iyo inaan uur kuu leeyahay.

‘‘Shaakri… ilamaheenii weeye wax uu galabsadayna ma leh, waxaan rabaa inuu ifka yimaado oo dhasho oo uu aabihiis barto”

‘‘Dhaqtar saaxiibkay ah ayaa arrinta kala tuuraya”

‘‘Ilmahayga waan rabaa, inaan hooyo noqdo waa waxaan ku riyoon jiray”

‘‘Taas aday kuu taal, aniguse carruur ma rabo”

‘‘Ma tan iyo heerkaas baad I dhibsatay Shaakir’’

‘‘Garaadkaaga xun baan dhibsaday, ma waxaad u malaysay sidaad u dhaqmeyo in wax ku hagaagayaan ama aan kugu jeclaanayo”

‘‘Ugu horreyntiiba waan kuu sheegay inaan aad u nugulahay, oo aanan khibrad rag aanan lahayn”

‘‘Boqollaal dumara ayaan soo arkay, dhammaantoodna adaa gogoshay uga xariifsan, sidee baad ii leedahay rag wax kuma darsan jirin, khibradna ma lihi”

‘‘Kuwaas dhillooyin bay ahaayeen, aniguse ma ihi”

”I maqal korter, laba mid dooro aan mid saddexaad lahayn, handadaadaadu waxba soo kordhin Mayso, ee ama dhaqtarkaas saxiibkay ah u tag ama wadanka iskaga bax, labadaa hadaad diido ciidan baan kugu dalban dalka xoog kaaga saara”

‘‘Maxaa kale oo aad haysaa?”

‘‘War kaygu intaas buu ku egyahay”

‘‘In aan cidaada u sheego kama baqaysid miyaa?”

‘‘Caga jugleyntaadu ima cabsiinayso, ciddayda saan ula xaaltamo anaa aqaan”

 

Markay aragtay in aysan loodin kari, oo nabad suggida uu sheegayo ay dhab ka tahay, ayay inta qososhay ku tiri, u yeer ciidamada, ceebtu aday ku raaci, aniga dan jirahaygaa soo dhex galaya arrinta.

Hadalkeedii wuxuu isku rogay caga juglayn dhab ah, Shaakir wuxuu weydiiyay waxa ay sidaan ugu dhiirran tahay oo ay isku hallaynayso, waxay u sheegtay in ay ka hayso cod, uu ku leeyahay dowlaada iyo madaxda dalka waan necbahay iyo Ciraaq ba, qalab yar oo codka lagu dhagaystana u dhiibtay, marku uu maqlay codkiisii asagoo caytamaya, aad ayuu u xanaaqay oo foolku u gaduudtay, dharbaaxyo ayuu kaga soo qaaday ay dhulka kula dhacday, wuxuuna yiri cajalkaan waa been abuur, waxan anigu ma oran, mar labaadna dharbaaxay, ayadoo xanaaq iyo xanuun  iyo dhagar ba ka muuqdo ayay ku tiri:

‘‘Doqon ha noqon, is furo, waa furasadii u danbaysay ee aan ku siinayo, aan is guursanno oo Amerika ii raac hal milyan oo dollarna wan ku siinayaan”

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply