Aroor ayaa Yitzak wuxuu baray Eli bare kale oo la yiraahdo yehuda, oo asagu baray sida loo aqoonsado ama loo ogaado hirarka taarar ka aadka u sareeya, wuxuu u diray Eli in uu soo maro baaritaan jir ahaaneed iyo nafasiyad ahaaneed, markii baaritaankii u dhamaaday Yitazak wuxuu Eli baray gabar la yiraahdo, Marceau
”hadda waa imtixaankii ahaa sidaad go,aan u gaari kartid” ayaa yatzak yiri, ” Marceau waxay ku siin doontaa baasaboor Faransiis ahoo uu ku qoran yahay magaca Masaari ah, nin u baqoolay Afrika hadana dalxiis ku yimid Israa’iil, baasaboorkaan ayaa ku aadaysaa juru salaam oo toban maalmood ku joogaysaa, Marceau ayaa warbixin faah faahsan kaa siin doonta gabbaaadkaaga, sida tagtadaadii Masar, qoyskaaga, shaqada aad Afrika ka qabato, intaad joogtid jurusalaam na waxaad ku hadlaysaa, Faransiis, iyo Carabi, waa inaad dadka is barataan, sixiibo kasbataa, xiriiro cusub samaysataa adiga oo aan muujin aqoonsigaaga runta ah, waa in aad hubisaana in aan daba gal lagugu hayn”
10 maalmood ka dib waa uu ka soo laabtay jurusalaam, dhowr maamlmood ka dibna xaaskiisii ayaa umushay gabar loo bixiyay Sophie sannadka cusub ee Yuhuuda “Rosh Hashana” markii laga baxay waxaa la baray Eli laba nin oo an isku sheegin oo mid ka mid ah uu ku yiri:
”Waad ku guulaysatay imtixaankii jurusalaam, hadda ayaanse galaynaa howlihii dhabta ahaa”
Qol xarunta Aman ku yaal ayuu kula kulmay shiikh Muslin ah oo si dulqaad ku jiro u baray Quraanka iyo salaada, markasta wuxuu isku dayay Eli in uu maankiisa oo dhan raaciyo siduu u baran lahaa, balse mar kasta waa uu gafyay,
”Waxba ha ka wel welin” ayaa barihiisii ku yiri, ”haddii qof weydiimo ku weydiiyo, ku dheh anigu ma ahi Muslin diinta aad ugu fiican, diintana intaan ka xasuustana waa intii waagii aan dugsiga dhigan jiray aan bartay”
Eli wuxuu diyaar u ahaa in uu howl galka bilaabo, waxaana loo diri doona dal dhex dhexaad ah, markaas ka dibna uu ka aadi doonaa dal carbeed.
”Dalkee Carbeed la ii dirayaa marka”? ayaa Eli weydiiyay
”Xilligeedaa laguu sheegi doonaa taas, waxaad iska dhigi doontaa qof Carab ah, dadka dalka ayaad baran, waxaadna samayn doontaa basaasiin Israa’iil u shaqaysa”, ayaa Zalman ku yiri
Eli na si aan laba labeen lahayn ayuu u ogolaaday,
”Waxaad yeelan doontaa dukuminti Suuri ah ama Ciraaq”
”Waayo? Anigu waxba kama aqaan Ciraaq, ee ii sameeya kuwa Masaari ah], ayaa Eli yiri
”Taas ma dhacayso” ayaa Zalman yiri, ”Masaaridu waxay horay u mariyeen tira koobka dadkooda iyo waxay baasaboor sameeyeen oo la ogyahay, taas halisteeda ayay leedahay, balse Ciraaq iyo Suuriya heerkaas ma gaarin, haday raad raac sameeyaan kuma heli karaan”
Laba maalmood ka dib Zalman iyo jaallayaashiis waxay u sheegeen Eli, aqoonsigiisa cusub,
”Magacaagu waa Kamaal, aabahaa magaciisu waa Amiin Taabit, sidaas ayaa magacaaga uu buuxa ku yahay Kamaal Amiin Taabit”
Ninkii wakiilka ka ahaa howsha eli ayaa u sii faah faahiyay oo ku yiri:
”Waxaa tahay wiilkii ay dhaleen labad waalid oo Suuriyaan ah, magca hooyadaa waa Sacdiya Ibraahim, gabadha kula dhalatay waxay ku dhalatay Bayruut, Libnaan, markaad saddex gu’ jirty ayaa qoyskiinu ka tagay Libnaan oo u guuray Masar, magaalada Aleksandariya, ha illoobin qoskaagu waa Suuriyaan, hah gu’ ka dib walshaa ayaa dhimatay, aabaha wuxuu ka shaqayn jiray farsamada dharka, 1946 adeerkaa ayaa aaday Arjantiin, wax yar ka dibna aabahaa ayuu waraaq u soo qoray uu ku leeyahay qoskiinu ha yimaadaan Arjantiin, dhamaantiina 1947 kii ,ayaad tagteen Arjantiin, aabahaa iyo adeerkaa ayaa markaas noqday shirko oo waxay fureen dukaan dhar, balse waa ay kaceen, aabahaa wuxuu dhintay 1956, lix bil ka dibna hooyadaa ayaa dhimatay, adeerkaa ayaad la noolayd waxaana aad ka shaqayn jirtay shirkad socdaal ama dalxiis, kadibna waxaad bilowday ganacsi oo aad ku guulaysatay kuna hodantay”
Eli wuxuu u baahnaa sheeko uu qoyskiisa iyo xaaskiisa runta kaga qariyo, wuxuuna ku yiri waxaan shaqo ka helay shirkad la shaqaysa wasaarada gaanshaadhiga iyo tan arrimaha dibada.
”waxay u baahanyihiin qof Yurub u socdaala oo qalab iyo wax yaaba kale u soo gada, Ta’as, ”warshadaha hubka ee Israaill”, una suuq geeya wax soo saarkooda, inta badana dalka waan imaan markaan helo fasax dheer, waan ogahay in kala fogaanshadu aniga iyo adigaba dhib nagu thay oo nagu adagtahay, balse mushaarkayga oo buuxa halkaan ayaad ka qaadan doontaa, dhowr gu’ ka dibna Yurub ayaan guri ka gadan doonaa oo dagi doonaa”
La soco
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply