MOSSAD-BAQDAAD-Q-1

 

Isser  Be’eri,, oo lagu naynaaso Isser weyne, wuxuu ahaa nin dheer oo muqaal khamarji leh, sunniyo waaweyn oo daday indho god ku jira ayuu lahaa, iyo shaaribo dibintiisa kore oo dhan qariyay, wuxuu  ku caan baxay in uu yahay nin aan qallooc iyo laab laab aqoon oo daacad ah , balse nacabkiisu waxay ku tilmaamaan nin halis leh oo xukun iyo awood jecel, xubina ka ahaa ururka haganah ”ciidankii Yuhuuda dowlada Iraa’iil ka hor”, Isser  wuxuu maamule ka haa shirkad dhismo oo gaar loo leeyahay oo ka dhisan magaalda xayfa, nin kali socod ah, aamusnaan badan dadkana aan ku laban, aqal xeebta ku yaal ee tuulada Bat Galim    ayuu kula noolaa xaaskiisa iyo wiil uu dhalay, in yar ka hor intii aan la abuurin dowlada Iraa’iil, madaxda haganah waxay u magacaabeen Isser madaxa shai ”qaybta sirdoonka ee haganah”.

 

Markii dowladii Iraa’iil lagu dhawaaqay 14 may 1948, weeraro ayaa kaga imaanayay dariskeeda, Isser  Be’eri,, na wuxuu noqday madaxa sirdoonka ciidamadii markaas la abuuray, Isser wuxuu xubin fir fircoon ka haa garabka bidix ee dhaqdhaqaaqa shaqaalaha, wuxuuna lahaa xiriiro siyaasad oo wanaagsan, waxaa lagu aamni jiray in uu daacad u ahaa dagaalkii gobonimadoonka Iraa’iil oo tan iyo Abriil 1949 kii socday, in yar ka dib markii Isser uu noqay madaxa sirdoonka, waxaa bilowday dhacdooyin naxdin leh oo la garan waayay, laba qof oo maalin joog u aaday buurta [Carmel] ayaa waxay arkeen wax laga xumaado, buurta hoosteeda ayay waxay ka heleen mayd qof oo la gubay, jirkiisana xabado lagu shaqshaqay, wuxuuna haa medykii nin carab ah oo tif tif u ahaa sirdoonka Iraa’iil lana oran jiray Qaasim, oo inta la toogtay haddana la gubay.

Toddobaad ka dib shir alabaabadu u xiran yihiin oo uu la qaatay ra’iisul wasaaraha Ben-Gurionn, iseer wuxuu ku edeeyay Abba Hushi, hogaamiye raad reeb ku leh xisbiga mapai ee ra’iisul wasaaruhu ka tirsan yahay, in uu yahay  khaa’in una shaqeeyo Ingriiska,,

 

Ben-Gurionn aad ayuu u yaabay, Ingriisku waa uu xukumi jiray falastiin, ururka haganah dagaal iyo halgan ayuu waday, Ingriiskuna tif tif waa ku dhex abuuran jiray hoggaanka Yuhuuda, balse Abba Hushi, oo ah tiirkii bulshada Yuhuuda iyo hoggamiyaha laga danbeeyo ee shaqalaha, waa khaa’in? Wax aan dhici karin ayay u muuqatay.

 

markii hore hoggaamiyaashii Iraa’iil si caro ku jirto ayay ugu gacan sayreen eedayntii Isser, balse Isser wuxuu ka soo helay poostada xayfa laba telegaraam oo sir ah oo ay soo direen Ingriisku, oo muranka ka saaraysay in Abba Hushi uu dhagar qabe yahay, isla markaasna Isser wuxuu amray I lasoo xiro xushi saaxiibkiis, Jules Amster, oo uu geystay halka ay kutaal kayda cusbada oo xayfa banaankeeda ah, halkaas oo jir dil ugu gaystay Jules loona sheegay in uu qirto in Abba uu basaas u yahay isgriiska, balse Jule waa ka nuuxasan wayaya go’aankiisii waana uu diiday in uu siday rabaan u yeelo, markii danbana asaga oo ilkihii jajabeen oo lugahiisana ay ku yaalaan harihii garaaca ayuu sii daayay, maalintaas tii ku dhacday gu’yaal ayay maskaxdiisa ka yeeraysay.

 

30 kii Juun 1948 dhamme Meir Tubiansky oo saylad ku taal tel aviv wax ka gadanaya aya la qabtay waxaana la geeyay tuulada Beth Giz, sirdoonka ciidanku waxay ku eedeedyeen in Meir in uu aaday Juuru salaam oo war bixin sir ah u sheegay qof u dhashay Ingriis, kaas oo asaguna u sii gudbiyay ciidanka Jordan, ciidamada goobta ee Jordan na ayaga oo war bixitaas raacaya ay duquyn ku sameeyeen saldhigyo muhiim ah oo ku yaalay magaalada Juura salaam, Meir waxaa lagu eedeeyay in uu basaas u yahy carabta, waxaana la saaray maxkamad ciidan in hal saac ka yar, taas oo ku heshay in uu danbiile yahay kuna xukuntay dil, ciidan toogasho oo si boobsiin ah lay sugu keenay ayaa ku hor toogtay ciidamo Iraa’iiliyiin ah oo argagaxsan, Meir waa qofkii labaad oo dil toogasho lugu fuliyo sooyaalka Iraa’iil.

 

Baaritaankii lagu sameeyay dilkii iyo jir dilkii wuxuu lugta la galay, Isser weyne, oo ku tuhmay Qaasim in uu basaas laba wajiila ah ahaa kadibna qaarijiyay, Abba Hushi na dabin ayuu u maleegay sida ay raad goobayaashu sheegeen, oo asaga iyo Abba waxaa dhex yaalay xurguf, waana uu ku guulaysan lahaa haddi ninkii u sameeyey telegaraamka uusan u sheegin madaxdiisa in uu sameeyey telegraam been abuur ah oo Abba faylaha looga jarayo, Isser na uu si toos ah ugu amray in uu sameeyo, sidoo kale Isser ayuu ahaa qofkii amarka bixiyay in sida dag dagta ah Meir lagu qabto loona toogto.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply