Aroortii ku xigtay Yossele iyo ayaydiis mid yimid ma jirin Holon, mar kale ayaa Ida iyo Alter ku soo laabteen Jurusalaam, balse wax uu soo kordhiyay imaatinkoodu ma jiri, wiilkii yaraa waabala waayay meel uu ka baxay, oday Nahman na si qayaxan ayuu u diiday wiilkii, meel uu ku suganyahay wiilkiina in uu sheego waa uu diiday, Â dacwad ka dhan Nahman ayay ka fureen maxkamada diiniga ah e Tel avivi balse dhag kalaq uma uusan siin mana u warceli maxkamadii, wareerkoodiina markaas ayuu u biloowda.
15 kii Janaayo maxkamada sare ee Israa’iil ayaa amartay Nahman Shtrakes in uu cunuga u celiyo waalidkiis muddo 30 maalmood guadhooda, maxkamada in uu horyimaadana lagu amraya, laba maalmood ka dib ayuu tagay maxkamadii asaga oo leh:
”Waan imaan kari waayay oo caafimaadkayga ayaa liita”
Ciddiisii waxay u dacoodeen booliiska ayagoo weydiisanaya in Nahman la xiro tan iyo inta uu wiilka ka soo celinayo, maxkamada sarana waxay ciidankii booliiska ku amartay in la soo helo Yossele, 10 maalmood ka dibna booliis kii wuxuu u furay Yossele gal arrintiisa khuseeya waxaana bilaabatay baadi goobkiisii, Â 7 dii Abriil booliiskii markii ay ka quusteen in ay helaan wiilkii yaraa waxay ka codsadeen in hawshaan ay ka cafiso maxkamada sare, 12 May maxkamadii waxay ku amartay booliiskii in ay sii wadaan baadi goobkii wiilka yar, qof kastana wuxuu ku qanacsanaa in haddii oday Nahman xabsiga la dhigo uu khal khali doono oo sheegi doono halka wiilku jiro, ugu danbayn maxkamadii waxay amartay in la soo xiri oday Nahman, balse waa ay qaldanaayeen oo odagii markii la xiray ka dib hal eray ma uusan oron mana sheegin wiilkii halkuu jiro, markaas ka dib waxaa cadaatay in Nahman kaligii uusan qarin wiilka ee shabaq isku xiran oo Orthodox xag jirka ah ay howsha wax ka wadaan oo booliiska dhagreen, waxayna rumaysnaayeen in howl waajib ah ay tahay qarinta wiilka oo waxaa ka xanaajiyay warkii uu u sheegay oday Nahman oo ahaa wiilka waxaa loo celinayaa Raashiya waxaana lagu biirin doonaa oo laga dhigi doonaa Kirishtaan, sidaa ayaa Nahman u sheegay wadaadka rabayga ah ee la yiraahdo Frank,
madaxda Rabbayada ee Jurusalaam waxay soo saareen amar ah in dhamaan orthodox ku ay si kasta oo ay gacan u siin Karaan nahman ay u siiyaan oo kaalmeeyaan.
May 1960 kii arrintii waxaa la hor dhigay baarlamanka Israa’iil ”kanisset”  warbaahintiina aad ayay u buun buuniyeen, dhibtaada ka imaan karta dadka ugu horeeyay ee dareemay waxay ahaayeen dadka ka socda diinta ee baarlamanka ku jira, Shalom Lorenz oo xildhibaan aha wuxuu ka cabsi qabay in af duubashada wiilku ay keento dagaal diimeed, sidaas darteed ayuu isku xilqaamay in uu galo dhex dhexaadin uu dhex dhexaadinayo oday Nahman iyo qoyska Schumacher, lorenz odaygii ayuu xabsiga ugu yimid asaga oo wada heshiin ay soo qoreen cidii oo ay ku leeyihiin in wiilku helayo wax barsho madhabta orthodox ka ah, oday Nahman na waa uu oggolaaday in uu waraaqda saxiixo balse wuxuu ku xiray shardi ah in uu  amar uu soo siiyo Rabbay Meizish, oo ahaa wadaadka ugu xag jirsan wadaada Jerusalaam joogay oo dhan, sidaas ayaa Lorenz ku aaday Jurusalaam oo uu ula kulmay Rabbay Meizish oo asaguna yiri tan kaliya uu ku ogolaan karo heshiis kaan waa ayada oo uu helo qoraal cadaynaya in aan dacwo loo raacin karin af duubayaasha, lorenz wuxuu aaday madaxa booliiska Josef, ka dib markii uu arrintii u sheegayna madaxii booliisku wuxuu yiri”
”Fatuuradayda qaado, wiilka keen cid ku soo daba galaysa maleh, fatuuradaydana waa la yaqaan oo cid dabagalaysa ma jirto, sidaas darteed af duubayaashu cid ay yihiin qof ogaanaya maleh”,
Lorenz oo rayn rayn ka muuqato ayaa ku laabtay Rabbay Meizish, balse Rabbay gii waa uu is rogay intii uu ka maqnaa, arrintiina waxay taagan tahay halkii uu markii hore ka bilaabay,
lorenz waa uu tuhmayay in wiilku ku jiro mid ka mid ah dugsiya diinta oo lagu qarinayo, ama tuulooyinka Orthodox ka, balse aamusnaantaan dadka ee darbiga ku noqotay cid walba ayaa ka dhigaysay in ay tahay wax aan dhici karin in la helo wiilka.
12 ogost 1961 kii ayaa oday Nahman xabsigii laga siidaayay arrimo caafimaad owgeed iyo asaga oo ballan qaaday in uu wiilka soo helayo, balse ballantii waa uu ka baxay, maxkamada sarana waxay amartay in la soo qabto ayada oo ku oogaysa af duub, 1961 waxaa abuurmay guddi qaran oo lagu magacaabay soo noqoshada Yossele,waraaqo ayay qaybiyeen, waxay qabteen kulan bulshO, waxay war galiyeen warbaahintii, dagaal dhaqameed kii qarsoonaa ee sida qarsoodiga ah u socday ayaa banaanka u soo baxay markaas.
booliiskiina waxay weerar baaritaan ku qaadeen tuula ay daganaayen Hassedik, waxay ogaadeen in baadidii ay doonayeen mar hore laga waday oo wiilka Yossele oo hal gu’ iyo bar ka hor halkaan lagu soo qariyay, Disember 1959 ayaa wiilka abtigiis uu keenay aqalka Zalman kot, ayada oo loo bixiyay  wiilkii magaca Israa’iil hazak, markii uu hubsaday in uu wiilkii qariyay, abtigii Shalom Shtrakes wuxuu u duulay ingiriiska oo dhex dagay bulsho Hassidik ah.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply