Bishii Maarso 1962 madaxa wasiirada Ben Burion ayaa u yeeray Isser Harel, markii uu u yimid oo si wanaagsan u soo dhaweeyey, sheeko guud ayay qabsaeen, Isser wuxuu is weydiinayay muxuu ka rabaa madaxa wasiiradu? Waana uu yaqaanay Ben Gurion oo maahan nin dadka macana darro ugu yeera, wax dhab ah maahane si kale qofka uguma yeero, dhinacaas iyo gaabnida iyo madax adayga iyo hoggaaminta, iska mid ayay ahaayeen, labaduba ma hayn rag waqtigooda cidla ku dhumiya, qabashadii Eichmann na waa isku soo dhaweysay labadooda, si lama filaan ah ayaa ayaga oo sheeko u socoto, ben Gurion ku jeestay Isser oo ku yiri:
”Ii sheeg, cunugaas ma soo heli kartaa”?
Ma uusan sheegin cunugu waa kuma, balse Isser horay ayuu ka gartay, waayo labii gu’ ee u danbeeyay Israa’iil is weydiin ayaa is dhexmaraysay, oo wargaysyadu boggooda hore ku soo daabici jireen, oo muran badan ka dhilasay baarlamaanka dhexdiisa oo colaad dhex dhigtay Yuhuuda cilmaaniga ah iyo Orthodox ka mayalka adag ee yuhuuda, is weydiintaasna waxay ahayd ”aaway Yossele?”
Yossele wuxuu ahaa, Yossele Schumacher, siddeed jir ka yimid magaalada Holon, waxaana af duubay Yuyuuda mayalka adag oo uu hoggaamiye u yahay awoowgiis, oo rabay in uu wiilka yar ku soo koriyo in uu noqdo Orthodox ka Yuhuuda mayalka adag, wuxuuna ka soo dafay ilmaha yar waalidkis, markaas ka dib cunigii waaba la waayay meel uu ka baxay iyo raadkiisii toona, buuqii cidda ka dhaxeeyay wuxuu isku badalay fadeexad qaran iyo iska hor imaad ka dhex dhashay Yuhuudii cilmaaniga ahayd iyo kuwii orthodox ka mayalka adkaa, oo dadka qaar ayba ka baqeen in arrintaan ay dhaliso dagaal sokeeye oo dalka bur buriya, xalkii u danbeeyayna wuxuu noqday in madax wasiiradu oo kaalmo ka raddiyo Isser oo yiri:
”Hadaad rabto in aan arrintaas galo, waan isku dayayaa”
Yossele wxuu ahaa ilma yar oo aad u qurxoon, awoowgiis Nahman Shtarkes wuxuu rumaysnaa in gafka kaliya ee uu Yossele leeyahay ay ahayd in waalid xun ay dhaleen, oday Nahman Shtarkes wuxuu ahaa nin gar leh, indha gashi xiran, aad u madax adag aadna u mayal adag, cid lodin kartayna ma jirin, xataa sirdoonkii KGB da iyo xeradii maxaabiista ee Sayberiya ku taalay oo dagaalkii labaad ee adduunka intiisa badan uu ku xaraysnaa waa ay loodin waayeen, nin la jabin karo ma ahayn dhinac walaba, Sayberiya wuxuu ku waayay hal il iyo saddex farood oo kuwa lugaha ah, balse sidiisii ayuu isku haystay oo ma kala daadan, dhibkii iyo xumaantii loo gaystay waxa ba ku sii badiyeen nacaybkii uu u qabay Soofiyeetka, nacaybkaasna wuxuu fiinta gaaray markii 1951 ay mooryaan tooreeyeen wiilkiisii oo uu dhintay, wuxuuse niyada ku qabawsaday in laba wiil, Shalomand, Ovadia iyo gabadhiisa Ida oo harqaanle u dhaxday, Ida iyo duqeedu waxay in muddo ah la daganaayeen reer Shtarkes oo markay in muddo ah ay iskaga dhex gooshayeen Soofiyeetka iyo Poland markii danbe dagay magaalada Lvov, halkaas ayaa cunigoodii labaad Yossele ku dhashay, 1953, markii waalidkii iyo awoowe iyo ayeeyo iyo wiilkooda shalom, ay Israa’iil u soo baqooleen Yossele wuxuu jiray affar gu’.
Nahman Shtarkes wuxuu ka mid ahaa dariiqadda Hasidi ee diinta Yuhuuda Orthodox xagjirka ah ee Juruslaam dganaa, waxay ahaayeen wax kale, raguu waxay qaadanyeen kabood dheer oo madoow, koofi suuf xoolaad ah, garar waaweyn ayay lahaayeen, laba tidac oo tima ah oo soo dheerna geesahay ka laalaadeen, dumarku waxay xirnaayeen, maryo dhaadheer, madaxoodana waxay ku dabooli jireen, buruuko, ama timo farsamaysan, ama maro ayay hagoogan jireen, shalom wuxuu ku biiray dariiqadaas, walaalkiis ovidia wuxuu u guuray dalka Ingriiska, Ida iyo alter chmacher waxay ku nagaadeen HoIon.
Alter shaqo ayuu ka helay warshad dharka samaysa, ida waxay ku shaqaynaysay sawir qaade, aqal yarna waa ay gateen, waxay dadaal ugu jireen sidii ay nolol u samaysan lahaayeen in kasta oo dayn badan ay ku jireen, si kastaba gabadhoodii waxay ku dareen gudsi diimeed, Yossele na waxay u dheebeen awoowgiis oo hayay, nolosha oo aad ugu adkaatay darteed Ida iyo Alter waxay waraaq u qoreen asxaabtoodii Ruushka una sheegeen in ay dhici karto in aysan haboonayan in ay halkaan yimaadaan, cabashadii labadooda waxaa maqlay odaygii Nahman, wuxuu maskaxdiisa iska tusay in labadaan ay rabaan in ay ku laabtaan Soofiyeetka, caruurta wataan, markaas ayuuna go’aan ku gaaray in Yossele uusan dib ugu celin labadii dhashay.
Dhammaadkii 1959, dhaqaalahoodii waa soo roonaaday waxayna go’aasadeen in qoyskooda yarka ah ay hal meel wada joogaan, bishii Disember ayay Ida aaday Jurusalaam si ay u soo wado wiilkeeda yar, bale wiilkii iyo awoowgiis midna ma joogin aqalka,
”Berri ayaa walaalkaa shalom keenayaa wiilka, hadda awoowgiis ayuu macbadka la jiraa, ee ha dhibin” ayaa hooyadeed ku tiri
Maalintii ku xigtay shalom kaligiis ayaa guriga yimid wuxuuna u sheegay walaashiis in aaba go’aansaday in uu wiilka Yossele uusan soo celin, Ida iyo duqeedii waxay aadeen Jurusalaam iyo guriii odaga, waxayna ugu tageen Yossele oo jooga, waxayna joogeen tan iyo dhamaadkii tododbaadka oo dhan, balse markii ay doonayeen in ay tagaan oo gurigoodii ku laabtaan, Ida hooyadeed ayaa ku tiri gabdheeda
”Banaanku aad ayuu u qabow yahay, ee iska daa wiilku caawa halkan ha seexdo, anaa aroortii kuu keenayee”
Sidaa ayay lagu balamay Ida na Yossele dhabnada uga dhunkatay asagoo sariirta duuduuban, oo ayada iyo duqeedii ku tageen.
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply