MADDIIDEYSIGII AMRAN!-Q-2

 

Sidii qof neeftii ugu danbaysay neefsanaya oo kale ayaan noqday, daqiiqado kadibna dareenkii naxariista ayaa iga dul guuray, bini’aadantinnimadii ayaan ilaaway, aabbahay baan canaantay oo caayey, in isagu waxaas oo dhan inoogu wacnaa baan
maydkii walaalkay ahaa u sheegayey!

Markii aan weynaaday, aabbe ayaa geeriyooday, dagaaladii kadib geeridii aabbahay waxkasta way is bedeleen ma aanu heli karayn cid na daryeesha aniga iyo walaalahay, hooyona keli bay nagu ahayd; dhaqaale fiican ma aanu haysan, adeero oo berigaa qurbaha jirey ayaa magaalada ceerigaabo noo soo raray dhamaantayo, guri yar oo aad u kooban baan soo degnay, xaafad-soomaal baa xaafadda aan degnay la dhihi jirey; farxad iyo raynrayn baanu ku qaabilnay jewigii cusbaa ee waqtigaa noo bilaabmay.

Magaaladu way wada dunsaneyd guryo aad qadiimi u ah oo diiftii dagaalku ka muuqato ayaa ku yaaley, xusuus carruurnimo ayaan ku galay goobaha qaar, Center-kii Kulmiye een tegi jirney berigii aanuu dagaalku dhicin ka hor ayaan indho debecsan ku fiirinayey, waddooyinka halbawlaha ah ee magaalada ayaan dhex qaaday si baraad li’i ah! Hadba goob baan arkaa aan sii arkay muddadii aan magaalada joogay, tasoo qurux badneyd iminkana burbursan.
Waxaan marayey barxadii weyneyd ee loo yaqaanay (HANUUNINTA) xilligii dawladii Siyaad barre; Centre-kii Daalo oo xero ciidan loo dhalan rogay baan soo hormaray, cabbaar baan hor istaagnaa inkasta oo aanan akhrin kari jirin waxa ku xardhanaa giddaarada

Muddo kadib waxaan waxbarasho ka galay goob dadka waaweyn wax lagu bari jirey oo Club (Naadi) ahayd, magac af- qalaad ah bay lahayd oo aanan xasuusan; Inkasta oo aan qof weyn ahaa, misana sannad markii aan dhigtay goobtaas ayaa schoolka la iga wareejiyey, fasalka shanaad ayaan hore kala qabsaday ee dugsiga Waraaqoole, farxad badan ayaan ku dareemay in aan qof wax bartay noqday.

Ilyaas isku fasal ayaanu ahayn, isku kursina waanu ahayn marka fasalka la joogo.

Casharada ayuu si fiican ayuu ii fahansiin jirey maadaama uu fahankaygu liitay, iintaas waxaan u aaneynayaa in naxdintii walaalkay ay igu sababtay, waayo yaraantaydii waxkasta waan garan jirey!
Ilyaas wuxuu kasoo jeeday reer danyar ah oo xaafadda shacabka deggan, rajay buu ahaa hooyadiis yaraantiisii dhimatay; da’ ahaan waanu isku dhoweyn, se wuxuu ahaa qof jimidh yar oo aad u dhuudhuuban.

Aniga iyo Ilyaas muddo badan wax aan kala warwareegnoba in aanu is jecelnahay ayaanu isu sheegnay, maalmo aan noloshayda farxad dareemay ayaa ii bilaabmay oo aad u cuddoon;Geed miraamiri ah ayaanu fadhiisan jirney kolka aan dugsiga kasoo rawaxno, ama marka ayeeyo canab wax la iiga diri doono ayaan subaxii sii ballami jirney, jirdiin yar oo burbursan ayaan fadhiisan jirney oo ku haasaawi jirney.

Maalmihii danbe hooyaday ayaa ogaatay sheekadayada, aad ayay uga xumaatay, markiiba waxay soo ogaatay in uu Maalik yahay dadka la yaso ee isirkooda la quudhsado! Cay iyo nacdiir bay iga buuxisay, qofnnimadayda ayay inkirtay oo inaan awalba ahaa qof jiritaankiisu aanuu micno samayneyn bay ii sheegtay, iskuulkii way iga saartay oo xanibaad hor leh bay igu soo rogtay iyo ilaalo xoogan.

Farsamo kale ayaan galnay maalmo kadibbna waxaan ku ballanay Ilyaas inaan taarka iska soo wacno; Taarka Ilma Soore oo xilligaa noo dhowaa ayaan tegi jirey, isaguna kii Cali Cige ee xagga sarre ku yaaley buu igala soo hadli jirey!

Todobaad Kadib waxaan noqday maxbuusad guriga ka xabbisan, Ilyaasna wax war ah iskama aanan helin, Maxamuud ayaa la ii sheegay inuu noqon doono ninkayga mustaqbalka!
dhimasho in aan ka xigo ayaan u sheegay reerkayaga oo dhan, se cidna dheg iima jalaqsiin, waxaan hubay oo keliya inaanan marnaba yeelayn Ilyaas nin aan ahayn in xaaskiisa noqdo.

Habeenkii ugu danbeeyay ee Ilyaas noloshayda ka baxay way adagtahay ilaa iminka in aan aqbalo, waa habeenkii la iga dhigay qof aan rabitaankiisa ku shaqeyn ee Maxamuud la ii Maddiideeyay !

Sixirkii Maxamuud igu taabtay muddo 16 sanno kahor ah wuxuu iga dhigay raaliyo ku qanacsan ninkeeda iyo qoyskan cusub, Ilyaasna nolosheeda oo dhan hal maalin ka tirtirtay.!

Iminka waxaan ahay Hooyo la nool xanuun nafsiyan ah, carruurteedii laga qaaday, ninkeedii furay jacaylkeediina la seejiyay; ma garanayo meel uu Ilyaas dunida kaga sugan yahay, geeri iyo nolol, iyo farxad iyo murugo mid uu ku danbeeyay; wuxuu u malaynayaa in aan anigu khiyaamay oo Maxamuud dookhayga iyo rabitaankayga ku guursaday, ama ixtiraam aan reerkayaga ixtiraamayo, se hadii uu ogaan lahaa labadaas midna inaanay ahayn inaanuu iga dheeraadeen marnaba baan hubaa.
Jacaylkiisa ayaan la noolahay, xusuuso iyo waqtiyo qurxoon oo aan soo wada qaadanay baan niyadda ku dejistaa oo rejooyin ku dhistaa. Dadkayga oo dhan waxay iga aaminsan yihiin in aan waalanahay, waa sababta ay maalinba cilaaj iigu xereeyaan, oo hadba qol iigu cabudhiyaan; habeenkaa madow in aan cidladaa dad iyo bahalba leh soo jibaaxo waxay iga ahayd uun in aan xorriyad mar uun dareemo, qisadaydana qof iga dhegaysanaya uga waramo.

Anigu… anigu.. anigu waxaan ahay Amran Ibtileysan..!

 W/Q EESHIYA HENE

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

Leave a Reply