Waxaa jira dooda badan oo ka dhaxeeya culumada muslinka iyo dhamman ummada muslinka oo ku saabsan da’da uu rasuulku ku guursaday Caasha bint Abuubakar, halkana waxaa jeclaaday in aan idin kula qaysado qoraal iyo caddeyn lagu qeexayo da’dii dhabta ahayd ee ummul munmi;niin Caasha.
Hadii aan eegno kitaabada siirada iyo sooyaal ee soo bixidii rasuulka[scw] sida, taariikhda Dimishiq, siira iclaam al nubalaa’a, taariikh al Dabari, al bidaaya wa al nihaaya, taariikh Baqdaad, wafiyaat al acyaan, iwm, dhmaantood waxay isku raacsan yihiin sooyaalka xilligii nabigu soo baxay iyo intii ka danbaysay, soo bixidii Nabanimadu waxay ahayd, [610m] hijradii madiina waxay ahayd [623m] yacni [13] gu’ ka dib soo bixidii nabaiga, rasuulku wuxuu dhintay [633] yacni [10]gu’ ka dib markii Madiina loo soo hijrooday sida ka muuqata xilliyadaan la isku raacsan yahay in rasuulku uu Caasho mehersaday saddex gu’ ka hor hijrada, ayada oo markaas jirtay [6] gu’, wuxuuna la aqal galay dhamaadkii gugii u horeeyay ee hijrada [623m] ayada oo [9] gu’ jirta, haddaan xilliyayntan raacno Caasha waxay dhalatay[614m] ama affar gu’ ka dib soo bixidii rasuulka,
1-Sooyaal huban oo la isku raacsan yahay wuxuu sheegayaa, in Asmaa bint Abuubakar ay walaasheed Caasha bint Abuubakar ay ka weynayd [10] gu’, Asmaa na ay dhalatay [27] gu’ ka hor hijradii Madiina, taas oo ah in da’deedu xilligii soo bixida rasuulka [610m] ay ahay [14] gu’jir, markii aan ka jarno da’deeda [13] kii gu’ ee Nabigu maka joogay[27-13=14], sida lays ku raacsanyahay muran la’aan waxaa weeye in Asmaa ay walaasheed caasha ka weynayd [10] gu’ taasna waxay hubaal ka dhigaysa in soo saaristii rasuulka ay caasha jirta [4]gu’ si kale hadaan u dhignana waxay dhalatay [4] gu’ ka hor bicthadii rasuulka, oo ahayd [606m] rasuulkuna waxaa lagu daray Caasha [620] ayada oo [14] gu’ jirta, wuxuuna la aqalgalay saddex gu’ iyo dhowr biloodka dib, dhamaadkii gugii koowaad ee Hijriyada, [624] xilligaas da’deedu ahayd [14+3+1=18 ama 17] waana da’dii dhabta ahayd eerasuulku ku la aqal galay Caasha.
2-Dhinac kale aan ka soo tirino da’da Caasha anaga oo eegayna dhimashada walasheed Asmaa, sooyaalka waxaa laysku raacay oo aan muran ku jirin in asmaa bint abuubakar, ay dhimatay dhacdo can ahayd oo sooyaalka ku qoran oo la hubo, taas oo ahayd dilkii wiilkeeda Cabdulahi bin Zubayr oo ku nafwaayay gacantii Xajaaj, gugii [73h] ayada oo [100] gu’jirta, hadii aan kajarno da’da Asmaa oo [100] ahayd taariikhii ay dhimatay oo ahayd [73h] sidan ayay noqon, [100-73=27] waa da’dii ay jirtay xilligii hijrada nabiga, tani waxay ku jaango’an tahayda’da Caasha ee taariikhaha la soo xusay, oo hadii aan da’deeda ka jarno [10] gu’oo ah inta ay walaasheed ka weyntahay, da’da caasha waxay noqonaysaa [27-10=17] da’daas ayay na jirtay caasha xilligii hijrada nabiga [scw] hal gu’ kadibna waa uu la aqalgalay, [17+1+=18 ama 17].
Sida ku xusan kitaabka Dabari ee taariikh al Umam, ilamaha Abuubakar al Sidiiq oo dhami waxay dhasheen xilligii jaahiliyadda, taasna waxay markhaati u tahay in Caasha ay dhalatay soo bixidii rasuulka [scw] ka hor.
3- Aan isku xisaabino hadda da’da Caasha anaga oo bar bardhigayna da’da [Faduma al zahraa] gabadhii rasuulka, [ibnu Xajar] wuxuu sheegay in [Faadumo] ay dhalatay gugii kacbada la dhisyay, rasuulkuna jiray [35] ayna kaweyn tahay Caasha [5] gu’ waxaana argatidaan oo aan xoog badnayn sheegay [ibnu Xajar] oo ah sharraxaha bukhaari uu ku gafay riwaayadiisii bukhaari, waayo haddii Fadumo dhalatay Nabiga oo [35] jir ah, macnuhu waa Caasha waxay dhalatay Nabiga oo [40] jir ah, kolkii Madiina loo haajirayayna da’daCaasho waxay la sinay diinta dacwadu jirtay oo ahay [13] gu’ ee aysan ahayn [9] gu’sida la sheego,
4-Sidoo kale kitaabka ibn Kathiir ee al bidayah wa nihaayah wuxuu xusay in dumarkii ka horeeyay soo bixitaanka islaamka ay ka mid ahaayeen, Asamaa bint Abuubakar iyo Caasha bint Abuubakar oo ayadu yarad oo saddexgu’ meelahaas jirtay soo bixidii rasuulka, oo asgu si qarsoodiya diinta u faafinayay markaas, tan waxay ku tusaysaa in Caasha ay muslimad ahayd intaan islaanimida si bareer ah loogu dhawaaqin, gugii [4aad] oo u dhiganta [614m], hadii aan eegno sida Bukhaari qoray, Caasha maba joogin adduunka markii waxyigu bilowday ama naasnuujis bay ahayd, taasna waxay ka horimaanaysaa cadeymaha sooyaal iyo taariikh ee ibnu Kathiir iyo Dabari iyo kuwa kale, balse sida la hubo oo sooyaalku cadeeyay Caasha waxay dhalatay [4] gu ka hor waxyiga, yacni [606m] , markii faafinta islaamka qarsoodigii ka soo baxay oo kor loogu dhawaaqay, [614m] Caasha waxay jirtay [8] gu’ waana tan la jaanqaadi karta taariikhaha dhacdooyinka ee saxda ah.
5-Dhinaca kale Bukhaari qudhiisu wuxuu ku sheegay , [baab- jawaari Abuubakar al Sidiiq fi cahdi al Nabiyi], in Caasha tiri, markaan caqliyaystay waalidkay diinta ayay haysteen, rasuulku gurigeena ayuu imaan jiray subax iyo galabba intaan loo bixin hijradii dhulka Xabasha oo sooyaalku caddeeyay in ay hayd gugii [5 h], ama [615m], haddii aan marka rumaysano sheekada kale ee Bukhaari ee oranaysa Caasha waxay dhalatay[4] gu’ ka dib soo bixidii nabiga, macnuhu waxaa weeye in hijiradii xabasha ay naaska nuugaysay, balse ay Caasha ahaan ay leedhay waaban xasuustaa hijradii Xabasha oo caqli Ayaan lahaa, taansa
Waxay noqon,[4 gu’ dacwada ka horreysay+5gu’ hijradii xabasha ka horreysay=9 gu’] ay d’deedu ahayd hijradii Xabasha.
6-Imam [Axmad] waxuu ku soo saaray [Musnad Caasha] markii Khadiija dhimatay ayaa Khowla binti Xakiim u timid rasuulka oo ku tiri, rasuul allow maad guursatid, markaas ayu ku yiri yaan guursadaa?, waxay tiri, haddaad gabar rabtid iyo haddaad garoob rabtid, wuxuu yiri tee weeye gabadhaas bikrada ah, waxay tiri, Caasha binti Abuubakar, halkaan waxaa ka cad in Khowla bint Xakiim ay rasuulka u soo bandhigtay kala doorasho gabar iyo garoob, marka ma waxay u soo bandhigaysay dumar markaas guur gal ah mise gabar ilma ah oo la sugayo inta ay ka weynaato, sidaas darted caqli gal maahan in ay Nabiga u soo badhigtay Caasha oo [6] jir ah, balse waxay u sheegaysay gabar bikra ah oo guur gal ah.
Imam [Axmad] waxaa kale oo uu soo saaray oo ku saabsan [Khowla bint Xakiim] xaddiis dheer oo ku saabsan alkun sashadii rasuulka ee Caasha, balse intaan ayaa hadda mihiim noo ah, Mucadam bin Cadi wuxuu ahaa gaal, wuxaana wiilikiisa Jubayr bin Mucadam u doonayd ama u alkunnayd Caasha, nabiga ka hor, muhiimada aan ka soo qabano oo caqli gal maahan in ay u alkunnayd ama u doonayd Caasho nin dhallinyara weyn ah ayada oo lix gu’ da’deedu ka yar tahay, maan galna ma ahayn in Abuubakar u guuriyo, siiyo, gabadhiisa dad Muslinka dhibaataynayay, balse arrintu waxay ahayd soo bixiidii Nabiga ka hor markii ay labadooduna caruur ahaayeen, tanna waxay caddaynaysaa in caasha dhalatay soo bixidii nabiga ka hor.
Bukhaari wuxuu kitaabkiisa ku yiri, asaga oo Caasha ka hadlaya, Caasha waxay tiri markii ay soo dagtay aayada بل الساعة موعدهم والساعة أدهى وأمر) waxaan ahaa gabar meelaha ku ciyaarta, si buuxda oo aan khilaaf lahayna waxaa lays kugu raacay in suurat al Qamar ay soo dagtay 4 gu’ ka dib waxyigii, [614] marka haddaan rumaysano hadalkii Bukhaari ee ahaa markii waxyigu bilowday caasha ma dhalan ama naas nuug ayay ahayd markii suuradaan soo dagaysay, balse Caasha ay leedahay xilligaas gabar meelha ciyaartaan ahaa, sidee bay san ku dhalan hadii ay ayadii tiri gabar weyn oo meelaha ciyaarta baan ahaa? xisaabta saxa ah ee waafaqi kartaa dhacdadaas waxay caddaynaysaa in da’deedu ahayd [4] markii waxyigu bilaabday, markii suuradaan soo dagtayna ay jirtay [8]
Turxaan bixinta sanadka xadiiska haddaan eegno, xaddiiskan shan jid ayuu ku yimid oo kala ah: waxa laga woo wariyay Farwa bin abi Almagraa oo ka soo wariyyay Cali bin abi Mus-har ka soo wariyay, Hishaam oo ka keenay aabihiis Curwa, ka maqlay Caasha, tan kale, laga soo wariyay Cabiid bin Ismaaciil, ka soo wariyay, abuu Usaama, ka soo wariyay Hishaam, ka maqlay aabihiis, iyo soo wariyay Macala bin Asad, ka soo wariyay, Wahiib, ka soo wariyay Hishaam kasoo maqlay aabihiis, waxaa noo sheegay Maxamad bin Yuusuf ka soo wariyay, Sufyaan, ka soo wariyay Hishaam, ka maqalay aabihiis Curwa, sidaan aragano xadiiskaan wuxuu dib ugu noqonayaa bilowgiisu Curwa oo uu ku kali yahay, cidkale oo ka maqashay Caasha ma jirin, sidoo kale wuxuu kaliyaale u yahay Hishaam oo cid kale oo aabihiis ka maqashay ma jirin.
Sida muuqata Hishaam bin Curwa markii uu joogay Madiina lagama maqal balse markii uu Ciraaq tagay ayaa laga maqlay, si uu sal ugu yeelo xadiiskana wuxuuyiri aabahay Ayaan ka maqlay, ta ugu muhiimsana waa in Imam Maalik uu yiri xadiiska Hishaam ee Ciraaq wax la aqbali karo maahan, sabata uu saas u yirina aya tahay, hal qof oo reer Madiina ah lagama maqal ee gabi dadkii laga maqalay waxay ahaayeen reer Ciraaq, tan kale maan gal maaha in Hishaam oo muddo badan joogay Madiina in aan laga maqlin xadiiskan marba ha ahaatee, sidaas darteed Imam Maalik kuma sheegin da’da caasha markii rasuulku guursanayay kitaabkiisa al [Mowdi’a], Imam maalik na qof ahaan ayuu ula lakulmay lana sheekaystay Hishaam asga oo jooga magaalada Madiin xadiiskaasna kama uusan maqal.
Dhinaca kale waxaa jira culumada xilligaan qaarkood gaar ahaan wahaabiyadu in ay yiraahdaan, hawada kulul gabdhuhu dhaqso ayay baaluqaan, jasiirada carabtu waa meel kulul intii horana ka si kulul hadda. ee maxaan u arki weynay gabdho 6 ama 7 ku jir baaluqay, cimiladu wax raad sidaas ah kuma leh baaluq gaarida.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply