HOWL GALLADII SIRDOONKII SOOMAALIYA [NSS] Q-4-AAD

 

jaha wareer kale ayaa ku yimid Geelle oo intii uusan gaariga damin ayuu arkay layrkii shidaalka oo u soo shidmay, in uu fartuurada shidaal ku soo shubto waa uu ku qasbanaaday, hadii  uu shidal doonatana baqdin waxaa ku jirtay ahayd amay tagaan intaad maqantahay, balse taas waxaa kaga darnayd ayaga oo soo baxa asna gaarigu meel dhexe uga shidaal beelo, durbadiiba waa uu soo kala wareegay oo intuu xawaare ku socon karay maagaalo dhexdeed ku socday, wuxuu sitay waraaq dowladeed ”boono” oo shidaalka uu kaga shuban karo kaalinta shidaal ee agip ee ugu dhow oo dowlada la xisaabinayo, shidaal ayuu soo buuxsaday oo asaga oo sidii nin waalan babuurkii u wada  ku soo laabtay bartii uu ka dhaqaaqay meel in yar u jirta, fatuuradii ayuu ka dagay oo bilaabay in uu sahmiyo  in ay weli joogaan, meeshu aad  ayay u dhir badanayd , mugdina waa ay ahayd oo dayax ma jirin, fatuuraduna  waxay ahayd madow oo kama uusan arki karayn halka uu joogo iyo xataa hadii uu xoogaa  horay u  dhaqaaqo, si kastaba, asaga oo is gaabinaya ayuu  dhaqaaqay oo dhirta ku dhuumaalaysana, markii fatuuradii u muuqatay ayuu wuxuu bilaabay gur guurshao oo in yar u jirsaday, waana uu hubsaday in ay ayagii  yihiin, gurguurshadii ayuuna dib ugu soo laabtay, baqinta kaliya ee ku jirtay waxay ahayd in  halaq uu qaniino inta uu guur guuranayo oo howshaan u soo dhawaatay ay noqoto hal bacaad lagu lisay, ama ayba arkaan asaga oo xanuun la rafanaya oo ay is raaciyaan oo bartaasba ku dilaan, ilaahayse dhib ma tusin oo  fatuuradii ayuu ku soo laabatay, xilligaasna jidka baabuur badan ma aysan marayn oo wuxuu ka baqay hadii uu  kiciyo faturrada in ay is weydiiyaan waa maxay fatuurada meesha u dhow taagnayd ee la kiciyay, mana sii istaagnaan karo meesha oo haday soo baxaan waxay is weydiin karaan baabuurkaan baadiya kaligiis taagan waa maxay?, tuhun ayaana galaya, wax kastana waa dhici karaan,  nasiib wanaag waxaa soo muuqday baabuur weyn iyo laba yar yar, markii kii weynaa la siman yahay labdii yar yaraa oo markaas kii weynaa dhaafayna aysan meel fog tagin  ayuu gaarigii kiciyay  oo geedo daba dabo u galay  gaarigiina ku qariyay, halkaas ayuu ka ilaalsanyay soo bixniinkooda,  mudo yar ka dibna waa ay soo baxeen oo dhicii magaalada u dhaqaaqeen, in doora ayuu sugay, markii  layrarkii danbe ee fatuuradu meel fog ka sii muuqdaan ayuu ka daba dhaqaajiyay, oo sidii ruux waalan oo kalana fatuuradii u waday, markii uu lamber affar soo gaaray wax badan kama ayasan fogayn, si aysan dareemi kari ayuu markaas u daba socday.

wadadii dheerayd ayay qabsadeen ee maka al mukkarama oo ku xiraty wadada Soomaaliya, midig ayay ula laabteen hotel juba oo barta ay daganayd jabhada soomaali galbeed horteeda istaagen, basaaskiina ka dagtay, dan jirihii markii uu socday kiina uu dib u soo lugaynayo ayuu inta fatuuradii gees dhigay ku iri:

‘‘Waan ku hayaa, eeyahow basaaskaa”

Kiina intuu kuu soo foorarsaday oo fiiriyay ayuu yiri:

”ruufiyaan, habartaa was”

Socodkiisiina sii watay, ninku wuxuu ahaa nin dowlada meel fiican kaga jiray oo Geellena yaqaanay, oo maladiisii dhab ayay noqotay, nin tuhun ka dheer ayuu ahaa oo qiiro dal jirnimo lagu yaqaanay, balse mas jiifa ayuu noqday oo dalka hadba mar cantuuga, dhuuni ayuu dhaafsaday sharaftiisii iyo xushmadii uu lahaa, soomaalise u dhutin mayso dhib asaga oo kale uu gaystay, ciddii dhib noo gaysatana toban jibbaarkeed ayaan u gaysnaa, taasna sooyaalkaa qiraya, dhowr kun oo gu’ ayaa laysku dayayey in nala  lagdo,  balse geel jire wada seed ah oo xeel iyo garaad rabi siiyay, baqdina aan lagu abuurin oo wadne libaax leh cidi miyaa loodi karto?, dhabtii waa maya, soomalina waa sidaas oo kale, balse doqonkaan Amxaarada u basaasay asgaa wax isku gaystay ee anaga cid nagama guulaysan karto.

Qore

Suldaan Cali Adam Ameerika

Leave a Reply