Sidaas ayay ku go’aansadeen in ay codsadaan in ay daba gal ku sameeyaan safiirka, codsigoodiina waa laga ogolaaday, wxaase loo sheegay in ay u baahanyihiin rag la shaqeeya, waayo 24 ka saac ayaga kaligood kuma filnaan karaan, nasasho ayaad u baahantihiin, xaasas iyo caruur baad leedihiin, balse waxay yiraahdeen xilli la nasto kuma jirno, haddaan nool nahayna xaasaskeena iyo caruurteena waan u tagi doonaa, haddase ha naloo daayo labadeena tuugaas in aan ka war keeno, fatuuradeena guri noogu filan, cunnana nagamaba dagayso khaa’inka dalka dhagray anaga oo aan gacanta ku soo dhigi.
Balse waxa madaxoodu uusan ogayn oo ay u diideen in cidi la shaqayso waxay ahay, ayaga oo aan qofna ku kalsoonaan karin, waxay u arkeen in qof walba uusan tuhun ka fogayn labadooda maahane, tan iyo inta ay basaaska dhabta ah ay gacanta kaga soo dhigayaan, sidii ay sheegayeen fatuuradoodii ayaa hoy u noqtay, makhaayad kiiba mar aado ayaa raashin u noqotay, in mid jiifo midna soo jeedo habeenkii ayaa hurdo u noqotay, jidka oo ay darin yar dhigtaan ayaa masaajid u noqday, safiirkna ishooda kama libri jiri in u xafiiskiisa ama gurigiisa ku jiro maahane, fatuuradahana waa kala badali jireen si uusan wax tuhun ah aysan u galin safiirka, meel asaga u dhowna waligood ma joogsan oo gaariga ma dhigan, meel uu ka aqonsan karo fatuurada ay wataan, xamarna sida calaaclahooda ayay u yaqaaneen.
markii ay laba toddobaad sidaas ku jireen ayaa Warsame jiro soo ridatay, in kasta oo uu is adkeeyay labadii maalmood ee hore haddana waa ay ka awood badisay, wuxuuna ku qasbanaaday in uu guriisii aado oo daawooyin qaato, geellana wuxuu ku adkaystay in kaligiis uu howsha qaban karo waayo markaan waa uu bartay nolol maal meedka safriirka iyo xilliyadiisa iyo marinkiisaba, balse waxaa loo sheegay in berriba nin la shaqeeya loo soo diri doono.
Galabtii Warsame guriga aaday asaga oo buka fiidkeedii ayaa nasiibkii u doolla cadeeyey Geelle, oo  safiirkii wuxuu soo aaday casa di italia, ,”gole magaalada bartankeeda ku yaalay oo talyaanigu lahaa balse dadka qalaad iyo safaaradaha dadka ka shaqeeya iyo dad soomaaliyeedba ay tagi jireen”  habeenkaas oo uu kaligiis ahaa, ayaa safiirka oo kaligiisa ah gurigiisa ka soo baxay oo bar fiyaat midig uga soo laabtay uuna soo qaaday wadada Soomaaliya ee jubba ka timaada, ka dib wuxuu bidix uga laabtay hotel shabeele oo wadada dhinaceeda kale uu ku yaal casa di italia, markii uu galay golihii Geelle meesha agteeda kuma sugin ee  horey ayuu in yar uga gudubay oo wuxuu fatuuradii hor dhigtay shaneemo misiyooni, meel gabbad fiican ayay ahayd oo dadka shaneemada galaya iyo kuwa boorka filinka daawanaya ayaa meesha ku badnaa, fatuuradii inta ka soo dagay ayuu meel gees ah oo uu ka arki karo hadii uu soo baxo safiirku is taagay, haddi uu soo baxana dhinac oo aadi doono Geelle war kama hayo, balse wuxuu u badiyay in uu gurigiisa ku laaban doono,  , sideedana qofka in la daba joogo ka baqaya wuxuu iska ilaaliyaa gadaashiisa ee inta badan kuma fakaro cid kaa horaysa ayaa kugu daba joogta taas ayuu aaminsan yahay Geelle.
Muddo aan badnayn ka dib ayuu soo baxay safiirkii Itoobiyaanku, waxuuna qaaday wadada u dhaxaysa golaha talyaaniga iyo dhismaha shaneemo misiyooni, oo dhinacaas iyo matoorka korontada laga dhaliyo aada, Geelle si orod ah ayuu gaariigii ku aaday oo si aad u dhaqsa badan  u soo kala wareegay durbadiiba oo jidkuu qaaday ka soo daba qaaday, cabaarna waan u jirsaday, safiirku wuxuu watay fatuurad fiat ah oo taarigo rayid saaran tahay, ma aysan saarnayan sumada diblomaasiyiintu, tan kale asaga qudhiisa ayaa aad soomaali ugu ekaa oo markuu jidka marayo dadka wuxuu u ahaa nin soomaali ah, markii uu u dhow yahay matoorka korontada balse uusan wali gaarin, oo meel yara mugdiya marayo, ayuu istaagay waxaana durbadii irridaii fatuurada furay nin meesha mararyay oo ku booday, safiirkiina horay ayuu ka dhaqaajiyay, Geelle  neef ayaa ka soo fuqday, uurkana waa qosolay ,  amankaag waxaa ku noqotay ninkan dhagartiisa iyo sida fudaydka ah ee isku baylihiyay, jidkii ugu horreeyay  ayuu midig ula laabatay, wuxuu sii hormaray dugsiga hoose, dhexe ee macalin jaama, oo markaas la oran jiray magac talyaani ah, bidixna ula laabtay oo ku dhacay wadada hormaraysa carwadii hore iyo dhagaxtuur kuna dhacaysa jidka maka al mukkarama, in doora ayuu u jirsaday waxayna isla dhaafee km4, magaalada xamar oo yarayd xilligaas aaga silliga marykanka iyo wixii ka danbeeya waxay ahaayeen duur, markii uu siliga xogaa uu dhafay ayuu jid ciid ah oo baadiya ah bidix u galay safiirkii, Geelle inta nalalkii dansaday ayuu si qunyar ah u soo xualuuliyay fatuuradii, waxuuna arkayay nalalkii fatuurada safiirka ee danbe ee casaa oo meel in doora jirta ku damay.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam ‘Ameeriko’
Leave a Reply