Nadiibdarro se, dhag-jalaq uma siin warkii Cabdirashiid. si foolxun oo ay nacasnimo ku jirtana way ugu gacansaydhay. Si ay is tidhi waad ugu qoos-goysay misne Cabdirashiid quus u noqonayn bay kaga dhaqaaqday. Cabdirashiid oo ay talo ku caddahay, xaalad xunna ku jira, baa rejo la’aanta iyo waji-gabaxii uu kala kulmay Saafi, la sii wareeray.waxaa ku dhacay: Dhibaato jaceyl la dhaanteeyoo Qofkaan isku dhiibay iga dheer Jaceylka waa dabayl taasoo cid walba ka adag, da’ kasta ha ahaadee. Cabdi rashiid wuxuu ka mid noday dadka jaceylka aadka ugu nugul, intuu qonbobay oo qalalay ayuu kala siibtay, wuxuu ku hadaaqi jiray
‘ma la dhuubtay awgaa’
Sida uu ugu xanuunsanayo jacaylka, gabadhii uu darteed u xanuunsadayna ay u xasilan tahay baaa bulshadii fajac iyo amakaag ku noqotay. Jaceylka daran ee haya Cabdirashiid, waxaa ka adkaysan waayey dhalinyaradii ay isku xidhnaayeen, markaasay weerar afka hadal u badan ku qaadeen Saafi Ciid Bulaale. Laakinse, wax ba ma soo kordhin dedaalkii ay sameeyeen dhalinyaradii Cabdrashiid la saaxiibka ahayd. Inna inay bal Saafi soo dabacdo halkii ay ka sugayeen bay kag sii darnaatay sidii ay awal hore ahayd.waxa laga joogsaday quus balse
isagaa xanuunkaasi wuxuu ku noqday boog aan cidina dhaymadeeda hayn.Qalbigiisana wuu ka tiriri kariwaayey Saafi Ciid Bulaale
Siciid Cali Cismaan wuxuu ahaa arday laba waallalo ah kala dhaleen cabdirashiid diiriye jaamac. Wuxuu dugsi dhexe ka dhigan jiray magaalada Heego. Wuxuu ahaa arday jacel inuu barto dhammaan ba dhaqanka iyo hiddaha. Sidaas daraadeed, xiliga fasax dugsiyeedka lagu jiro wuxuu u caano-doonan jiray Miyiga. Markii la gaadhay Fasaxii waynaa ee sannad dugsiyeedka, Siciid wuxu aaday deegaanka reerkoodu dago. Xilli barwaaqo ah buu gaadhay, reerahoo deggan Dhumay oo aad u deellan, waa meel jawi fiican, kulayl iyo qabowna daa warkii.Waa meel hawo dhexdhexaad ah. Waa dooxo balaadhan oo tigaadu aad u baxday, jiidhaamo iyo mugucyana ku dhexyaallaan. Xoolaha meelo fog fog looma daaq geeyo. Aqal walba agtiisa ayey xooluhu ku dhawyihiin. Geela waa la xigsin maalaa, Nirgaha iyo qurbacduna way ag joogaan. Dooxadan waxaa soo biyeeya togga la yidhaahdo Xeeridheere, ee soo mara meesha hodanka ah ee aad suugaanta ku maqasheen ee dhaho, Xalin la Sayid Maxamed Cabdille Xasan markuu bixinayay faraskii la odhan jiray Xiin fiin waa meeshii uu lahaa :
Xayskaa da’aayaan lahaa xalin ka dooyeeye
Meesha iyo xeebbaan lahaa xiito ka eryood
Biyaha toggaas ka yimaadda baa Dhumay fadhiista. Waxaana daga ilaa labiyo toban kun oo qoys. Tigaad mooyee dhir sare maleh, waxa dooggaasi kaa qariyo mooyee, meel walba waxbaad ka arkaysaa. Waxay weeye meel aan magaallo waxba ka hoosayn. Waayo, waabab baa laga dhisaa, waxaana laga furaa kaamam. Sidaas baan qofku magaalaba ugu baahanayn. Oo kaamamkaa la keenaa wixii magaalo yiilba.
Siiciid markuu reerkii soo gaadhay, wuxuu lakulmay walaalkiis Cabdirashiid, si duu u kala siibtay hamiga, hurdad laa’anta, cunto laa’anta, fakarka iyo muuqaal xumada ka muuqata. Cabdi wax uma sheegin balse bulshadii kale baa warkii oo tafatiran u dhiibtay. Siciid go’aan buu qaatay kaasoo ah inuu waxkasta ha ku qaadatee gabadhaa walaalkii u dhimanayo gacanta ka soo saaro, isagoo ku dhaqaaqaya tilmaamihii laga siiyay Saafi Ciid Bulaale. Meesha lama dhaansado gaadiid Waayo, mugucyadii baa u wada dhaw haraadna maleh. Gabdhaha ayaa joog ama kildhi wayn oo wax lagu xalo soo dara mugucyadaa. Saafi sidii ay go’aanka u gaadhay ilaa hadda rag kama qaado salaanta. Markasta oy ka soo dhaaminaysa jiidhaanta, ragga waddada ka raaca afka uma furto. Dhumay waddooyin xiligii jiilaalka ay bixiyeen nugulka, sida fardaha oo meesha aad ugu badan; nooca loo yaqaan Suunaari ayey caanka ku tahay Dhumay. Dhumay lo’da inaad hesho mooyee ma dhex mari kartid, waayo tigaad baa ku xidhaysa taasoo u badan geedka la yidhaahdo Gargaro.Waddada ay hayso Saafi sii socodkana waxaa u fadhiista dhalinyaro, soo socodkana la mid. Balse marna isma taagto. Siciid oo warkeed la cabsiiyay aqoona ayna isu lahayn, soona raadiyay baa ku soo baxay iyadoo biyihii ka soo baxday. Wuxuu soo qaaday waddo tay hayso gudubta ama ay isgoyaan ba, in yar bay ka hor goysay. Balse hadalka maa aha tayaag ee way isku dhawyihin. Wuu og yahay inayna Saafi istaagin, wuxuu ku yidhi
” gabadha waan ku salaamay ” Waxay ugu jawaabtay
“waa lagaa qaaday” iyadoo socota oo laafyonaysa.
Wuxuu ku yiri
“fadlan hal kalmad ah ka dibna fasax baa tahay” Saafi way istaagtay
Wuxuu ku yiri
“Inkastoo qa byaladi godoo la isku qabanaayo
Haddaan qoonsimaad maleh waxaan qalad ku dheehnayne
Inanyahay qiyaas loo socdiyo haddalka oo qaybsan
Qumaanatu waay fiicantahay qamar la moodyeeye
Laakiin qabwayn lama rabiyo kor isku qaadqaade
Awal qaali baan kugu watiyo qaayo gabadh wayne
Imikana qashuuc iga baxyoo waan qajilayaaye
Qaayaha wajiga ha igu hodin , qurixi waa duuge”
waad mahadsantahay buu ku yiri waana ka dhaqaaqay Saafi iyadoo weli taagan, misne la dhacsab bay ku tiri
“joog dee ha tagine.”
Raali ahaw buu ugu jawaabay. Cabbaar bay sii eegtay iyadoon dhaqaaqin.Waxay la yaabtay aftahanimada ninka ku jirta iyo murtidii uu maanka ugu rusheeyey.
La soco……..
Qore: YAXYE YAASIIN XASAN
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply