Habeen habeennada ka mid ah, ayaa sidii dhaqanka iyo hiddaha innoo ahayd cawaysinka markii ay tahay, Cabdirashiid Cabdi iyo dhalinyaro saaxiibbadiis ah go’aansadeen innay u ciyaar gudaan barxad guriga Saafi Ciidiyo u dhaw. Jaandheer oo ah ciyaar degaanka laga ciyaaro, ayey reerka Saafi Ciid iyo ku ag qabsadeen tumisteeda. Cabbaar haddii ay ciyaarto u socotay, Saafi iyo Ina-adeerteed Caasha oo wada socda baa jiibta iyo jaanta ku soo darsaday ciyaarta. Habeenkaas oo dhan hididaa la hayay, oo hadba jiibta iyo jaanta ayaa la isla helayey. Marku waagu soo dhawaaday, welina cirka iyo dhulku isku jiraan bay soo afmeereen ciyaartii, Intii lagu guda jiray ciyaarta, is barashada iyo haasaawuhu kama madhnayn. Cabdirashiid oo ciyaarta ba u yimid Saafi barashadeeda ayaa fursad uu ku barto ku helay Saafi, Inkastoo Saafi ina-adeerteed welinaysay, haddana uma joojin e wuu bartay.Isaga ayaana soo dhaweeyey oo keenay gurigoodii.
Aadan Cali oo la socday Cabdirashiid baa furasad u siiyey inay Cabdirashiid iyo Saafi gaar u wada socdaan, isaga iyo Caashana ay daba socdaan.Cabdirashiid oo kolba su’aal wayddiinaya Saafi baa ku yidhi,
“Ciyaarta aad baad u taqaan jiibta iyo jaanteeda.”
“Dabcan, adba iga ma liidatid oo si wacan baad u taqaannaa.” ayey si kalsooni ka buuxdo ugu jawaabtay. Gurigii bay soo gaadheen iyaga ood mooddo inayna waxba soo wada socon. Saafi ayaa ku soo dhawaysay gurigoodii Cabdirashiid. Waxay u gogoshay harar. halkii baa sheeko qurux badan la is dhaaf saday. Dabadeed, markii uu waagu soo casaday baa la is nabad galyeeyay. Aftahanimadii iyo hadaladii xigmadda aha buu Cabadirashiid la dhacday. Saamayn wayn iyo raadad bay ku reebeen qalbigiisii. In yar haddii uu jooga ba, wuxuu xasuusanayaa Saafi hadaladeedii. Si wayn bay qalbigiisa u degtay.Waa uu jeclaaday jacayl ayna la ogayn.
Laba maalmood ka dib, Cabdirashiid wuxuu yimid gurigii Saafi; aqalkii gaarka u ahaa ayay ku soo dhawaysay. Waxay tustay soo jiidasho aad u qurux badan oo gobanimo ku dheehantahay. Kaftan la isku dhiidhiibay ka dib, Cabdi rashiid wuxuu u soo bandhiggay innay xidhiidh yeeshaan. Saafi Kuma gacansaydhin e, si carablaab ku jiro ayay ugu jawaabtay. Taasoo ay leedahay dhib ma leh haddaynu xidhiidh yeelano Cabdi rashiid oo xiisihii iyo boholyawgii uu u hayey ku sii laba jibbaarmeen ayaa isa siiyey Saafi. Waxa uu go’aan ku gaadhay in uu sameeyo wax walba uu ku helikaro. Dabaddeed, la kal tag maalintaa. hase yeeshe, Saafi gurigooda lagama qoob qaado: hadday tahay haasawe tag ama ciyaar gud. Iyada oo sida Cabdi rashiid u danaynayo si ka wayn loo danaynayo, Saafi sheekadaa iyo cayaartaa wax kale uma dheera. Nin waliba oo usoo haasaawe taga kolnna sidii ay Cabdirashiid ugu carab laad laadisay ama u soo dhawaysay uma soo dhoweyn. Cabdi rashiid oo ay awood ka tan badani jiidanayso baa ku soo laba noqoday gurigii Saafi. Hase ahaatee, wakhti fiican kama helin Saafi oo mashquul badnayd darteed. Saafi waxay ahayd inan yar oo markaa gashaanti noqotay. Laf dhabartii reerka Ciid Bulaale ku dhisanyahay bay ahayd.Waxay ahayd boqolkiiba siddeetan, ta qabata hawsha guriga.
Markii ay ogaatay tartankuu inan-ragged ugu jiro, go’aan waxay ku gaadhay inayna rag ba salaan ka qaadin. Nasiibdarro, Cabdirashiid go’aankii ay Saafi gaadhay ayaa saamayn ku yeeshay xidhiidhkii bilawga ahaa ee uu la lahaa Saafi. Oo wuxuu la mid noqday inan-raggeed oo dhan.mJacaylkii Cabdirashiid galay oo aanan warka hayn go’aankii ay Saafi gaadhay, ayaa ladhmhorleh ku soo laba kiciyey qalbigii Cabdirashiid. Waxa uu gaadhsiiyey heer uuna seexan, hadhsan, wax cunin, biyo mooyee baad kale afkiisa saarin. Aroortii, galbtii iyo habeenkii ba waa uu ka fikiri jiray. Xasuusteeda ayaa harqisay qalbigiisii. Cabdi rashiid Saafi aad ayuu u jeclaa, naftiisa ayuu ka jeclaa. Muddo hadimada jacaylku waxay keli ku ahaataba qalbigiisa, Saafina ku adkaysato go’aankii ba’naa ee ay gaadhay warli’i; maalin maalmaha ka mid ah buu fursad ka helay saafi ciid. Wuxuu is tusay inuunan beerdarayn fursaddan. Min Alif ilaa Y inuu usheego kalgacaylka uu u hayo ayuu ku tashaday.
Dabadeed salaan kadib, wixii qalbigiisa gubayey ee u diiday jiif iyo joogtoona ayuu si qurux badan ugu soo bandhigay. Heerka uu la marayo iyo sida uunan keligii wax uga qaban karin buu dhegta u galiyey. Haba yaraatee, haddii ay wax un la qabato, sidan uu hadda ku jiro inuu dhaami lahaa ayuu u sheegay.
La soco……..
Qore: YAXYE YAASIIN XASAN
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply