GODOB JACEYL QAYBTII 1AAD

Buuggan sida qoraagu ka dhawaajiyay wuxuu ka soo xigtay sheego dhab u dhacaday, oo dadkii ay ku dhacday iyo degankii ay ka dhacday la yaqaan, dhinaca kale buuggu wuxuu hodan ka yahay, suugaan, dhaqankeenii suubanaa, waxaana ila haboon in qof walba akhriyo gaar ahaan da’da yar si ay u ogaadaan, qiimaha iyo hodannimada afka soomaaliga, murtida iyo suugaanta, iyo dhaqanka iyo hiddaha soomaaliyeed.

Suladaan Cali Adam

Akhris wacan

GODOB JACEYL

Goormaad qancaysaa nafyahay

Miyaad quustaba aqoon

Qofkii hore kuu dayacay

Maxaad ka doonaysaa?

YAXYE YAASIIN XASANXuquuqda dabacadda © Yaxye. Y Xasan 2017

Buuggan lama daabacan karo lamana badsan karo iyadoo ogolaansho laga haysan qoraaha buugga xuquuqda qoraalka way dhawrsantahay.

Tafatirayaasha

Nuur Deeq Daahir (Af-barwaaqo)

Xasan Qaalib Jamac (lama filaan) Faarax jaamac Faarax

Xasan nuur (kaabe)

 

Contacts

Address : Kebele :18, HN:0223, Jigjiga, Ethiopia.

Mobile: 00251-915-74-85-34 / 09-38891208

E-mail: Yaxye24@gmail.com

June , 2017

 

Ammintu waa 12:30 duhurnimo, cadceedu kala barka cirka ayey joogtaa, Jawigu kulayl iyo huur ayuu leeyahay, kulayl dartii shimbirihii hawada sare duulayey baa geedihii qallalay ee dhulka qod ahaan u taagnaa, miciin bidaya.Waxaa dhacaya hanfi, dabayshii

xagaaga oo olol iyo humre wadata baa wajiga ka leefaysa, indhahana aragga ka naaqusinaysa.

Dhulka waxaa ka kacaysa siigo ilaa cirka isku sii dhererinaysa, dadku waxay ku jiraan abaar ba’an iyo macluul, ceelashii ay dadka iyo duunyadu ka cabbi jireen baa wada gudhay, Iska daa geed midhood iyo xaab ay afka saaraan e, geed adaygii ay wakhtiga adag cuni jireen baa gabaabsiyey. Dheeftii iyo nacfigii lagu qabay baa yaraaday: Caano iyo cad ba.

Daaqa ka dhammaaday iyo biyo la’aanta isugu biirsamay baa Xoolihii lagu dhaqnaa saameeyey. Wayd, lafta duudka iyo calooshu is galeen weeye neefkiiba, inta waydnimo iyo gaajo ku nool waxaa ka badan, inta bakhtiga ah ee bannaanada wadhan, Caddaanka xoolihii bakhtiyey lafahooda baa ku cawiray. Dadkii intii jilicdasanayd haraad iyo gaajo ayey u dhinteen, waxaa dillaacay cudur abaarta ka dhashay, Intii yarayd ee abaarta ka badbaaddayna, waxaa soo ritay cudurkii.

Duurjoogtii oo ay qudhoodu abaartu saamaysay baa tuullada usoo dheef doontay. Weerero badheedh u badan bay hadba ku soo qaadaan intii yarayd ee waydda ahaa.

Nasiib wanaag se, abaartu waxay barwaaqo sooran u ahayd haadda hilib cunta ah: gorgor, geel toosiye, durmi, yuli iyo tuke ah. Markaad laba tallaabo qaadid ba, waxay dhayahaagu qabanayaan, shimbirihii oo cunaya bakhtigii xoolihii abaartu dishay, Ax! tiiraanyo badanaa.

Saafi Ciid reerkoodu waxay go’aansadeen inay Ka guuraan deegaankoodii abaartu halakaysay, oo ay raadsadaaan baad iyo biyo xooluhu u cuna. Waxay u boqolayn degaanka Ramaas oo raxmad alle ka da’day. Siddeed caano maal ayey jidka ku soo jireen, intaasna maalin maysan helin biyo aay cabaan iyo cunto ay jiddiinka mariyaan. dhibaato, silic, balan-bal, rafaad, dar-xumo iyo diif ayaa ka muuqata korkooda. Gaajo iyo silic ayuu bogga iyo laabtu iskugu dhageen. Rafaad iyo daal badan ka dib, waxa soo gaareen Degaanka Ramaas. Reer Ramaas waxay u so dhaweeyeen dadkii doolka ugu yimid, si wallaaltinnimo iyo qadarin leh, waxaa ay ka caawiyeen dhisida aqal soomaaliga, tusida ceelasha biyaha, iyo soo dhaaminta xareeda; waxaa kale oo ay reer Ramaas yiraahdeen,

“sanadka wax beer ah lama qodi karo, si gaar ah na seero looma oodan karo e, tigaada si walaaltinimo ah ha loo wada daqo.

Saafi Ciid Bulaale waxay ahayd inan qurux ilaahay ku manaystay, Waxay ahayd gabadh cas, dheer, san dhuuban oo dheer, timo jilicsan oo miskaha dhaafaya, ilko xooga dabar leh, kub wayn. Midda kale, quruxdeeda waxaa u sii dheerayd edab wanaagsan iyo xishood ninkii indho ka qaada ba, wuxuu hawaystaa, isla jeerkaana niyadda geliyaa inay oridiisa noqoto!

Cabdirashiid Cabdi Cismaan wuxuu ahaa wiil reer badiye ah, oo ku nool deegaanka Ramaas.

Isagga oo jooga reerkooda oo deggan meel la yidhaahdo dhumay, oo ah dooxo ku wanaagsan

xool daajinta, ayaa uu si kamma’a u arkay Saafi Ciid oo caws ka dhex guranaysa dooxada.

Eegmadii hore haddii uu u maleeyey mudutuul, mar labaad waakan daymo u celiyey dhankii Saafi ka xigtay. Quruxdii Rabbaaniga ahayd ee Saafi, ayaa soo jiidatay sidii magnad qalbigii Cabdirashiid. Waa kan ku indho go’san inanta. Kalgacayl iyo jamasho ayey ku abuurtay aragtidii koobaad, Cabdirashiid.

“Waa tan inantii aan raacdada ugu jiray muddo badan”, ayuu hoos keligii isugu la hadlay.

La soco……..

Qore: YAXYE YAASIIN XASAN

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply