Helker waxay ku jirtay da’da soddomeeyada, naag dherer dhex dhexaad ah, fool dhuuban oo qurxoon, tin dheer oo xariira, dibno qurxoon, indho birqaya oo maan qaad ah oo ay hooyadeeda talyaanigaa ka dhaxashay, waxay kale oo hooyadeed ka dhaxashay diirimaadka dhaddignimo ee lagu yaqaan dumarka koofurta talyaaniga.
Helker waxay ku dhex jirtay hawsha basaasnimo ee Yurub iyo Singabuur ka socotay, waxayna muujisay in ay ka adagatahay shaqadeeda, guula badana ka soo hoysay, sidii loo tababaray oo ahayd adeegsiga naagnimadeeda iyo jirkeeda aad ayay ugu guulaysatay, in kasta oo ay yarayd haddana si wanaagsan ayay shaqadeeda uga soo baxday. Shaqadaan cusub ee loo dirayna waa ay ku hammi weynayd inay siday tahay u gudan doonto, oo mar ay sawirka Shaakir daawanaysay waxay tiri
”indhihiisa saan uga jeedo, iyo waaya aragnimadaan leeyahay, kan waqti badan igu qaadan Mayo’
Sidaas ayaa loogu diray Texas, ayada oo laga dhigayo inay tahay kormeere xerada, durbadiiba waxay bandhig u dhigtay Shaakir oo asagu daba roor bilaabay balse ayadu ay iska indha tiraysay, waxayna ku ekaysay in ay tusto dhoola caddeyn uun, balse asagu intaa kuma harin kamana dagin go’aankiisii ahaa inuu ka mira keeno quruxdaan dareenkiisa kicisay, markii danbe waxay bilowday inay isku soo dabciso, sidaas ayaa waxaa ku biloowday xiriirkoodii, waliba si dhaqsa ah.
Fursada Israa’iil haysto aad ayay u wanaagsanyd, waayo joogitaanka duuliyaal Carbeed ay joogaan guriga waraabaha”Maraykanka” waxay galisay daganaansho iyo in ay howshooda si tartiib ah u qorshaystaan sidii ay mid gacanta ugu dhigi lahaayeen ayagoo tixraacaya warbixinadii laga keenay baaritaannadii nasfiyan ahaaneed iyo dhaqamada Shaakir iyo Daaxi iyo mid walaba dhaqan maalmeedkiisa, wuxuu rumaysan yahay, diinta halka uu ka joogo, sida uu bulshada ugu dhex milan yahay, la socodka dadka kale, wuxuu jecelyahay, wuxuu akhriyo, waxaas oo dhanna waxaa baaray dad ku xeel dheer aqoonta nasfiyada iyo dhaqanka, 24-ka saacna dushaas ayaa lagala socday laba dooda.
sirdoonka Carabtuna ayaga oo og ciyaaraha ka socoda adduunka sirdoonka iyo basaasnimada ayay ardada dibada loo dirayo si fiican wax loogu sheega oo xataa galalaka warbixitooda wax kale lagu qoraa, dushana lagala socdaa si aysan noqon kuwa si fudud loo helo, reer galbeedkana waxaa ka dhaadhacsan in dadka Carabta ka imaanaya ay yihiin kuwa baahi galmo qaba oo dhaqan iyo caadooyin iyo khuraafaad rumaysan oo u dabran.
Markii hakler ay daadihinaysay Shaakir, waxaa sidoo kale lagu maqnaa laba xiddigle Daaxi oo ah dhallinyaro 26 jir ah, asagana waxaa is baray gabar aad u qurxoon oo soo jiidasho aada leh, Daaxi wuxuu ka dhashay cid hodan ah oo daggan Baqdaad aadna loo yaqaan, maalmo ka hor intii uusan soo taginna wuxuu soo alkuntay ina adeertiis.
Isku dayidii Carbintiisu waxay ku bilaabatay sidii dhaqanka ahayd kulan kadis ah oo ay isku barteen meel lagu damaashaadayo oo qoob ka ciyaar kulul ka socdo, isbarashadoodii ka dib waxay u sheegtay in aabaheed uu yahay libnaani oo uu hooyadeed furay, meel uu jaan iyo cirib dhigayna aysan aqoon ayada iyo hooyadeedba.
Ninki dhalllinyarada ahaa waa u beer jilacay gabadhii, wuxuuna u sheegay in uu kaalmaynayo oo la hadlayo nin saxiibkiis ah oo libnaan jooga si aabaheed uu ugu raadiyo, balse wuxuu weydiiyay meeshii u danbaysay ee aabaheed daganaa, waxay u sheegtay in aysan ayadu aqoon balse hooyadeed taqaan, sida darteed waxay u soo bandhigtay in fasixiisa uu u raaco gurigooda oo uu la kulmo hooyadeed, asna waa uu ogolaaday.
Wax walba si hufan ayaa layskugu dubba riday, hooyo beena, villo aad u qurxoon, agab iyo qalab casriya ee yaal qolka fadhiga iyo barkadda dabaasha ee guriga gadaashiisa ku taal.
Saaxiibadii waxay kala taliyeen in uusan aadin dad uusan aqoon u lahayn, balse Daaxi waa ka diiday, sidaas ayuu kaligii ku baxay oo aqalkii laga marti qaaday u aaday.
Si diirran oo danayn ku jirto ayaa saynab u soo dhaweysay, markii ay gudaha galayeen oo ay hor socotay si wanaagan ayuu u daawaday saynab, jirkeeda dhuuban ee dabacsan, daymadeeda murug meel fog ah ay ka muuqato, ee ka muraugaysan aabaha aan la aqoon meel uu ka baxay iyo wax ku dhacay, aad ayuu ugu beer jilcay gabadhii, ila uu ku shallaayay haddii uu ku dadaalo sidii uu u kaalmayn lahaa, farxadana ugu soo calin lahaa qalbigeeda yar ee walaacu buuxiyay.
Diyaariye
Suldaan Cali AdamAmeeriko
Leave a Reply